Daahir Rayaale & the ONLF. New bedfellows?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Daahir Rayaale & the ONLF. New bedfellows?

Post by RuralMan08 »

Diiradda Lughaya News: Maxaa Ka Jira In Cutubyadii ONLF Ee Xeebaha Galbeedka S/Land Ka Soo Degay Uu Rayaale Ka Danbeeyay?

Posted in September 23rd, 2010 by lug in Diiradda(Lug)-10 maalmood ka hor waxaa xeebaha galbeed ee jamhuuriyadda Somali Land ka dhacay shirqool si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ujeedadiisu ahayd in lagu bahdilo xukuuumadda cusub
ee madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud Siilaanyo laguna kala dilayo xukuumaddiisa iyo dalka dariska ah ee Ethiopia islamarkaana loogu talo galay in lagu burburiyo haybadda iyo qarannimada jumhuuriyadda Somali Land.

Inkasta oo ay wali baadhitaanno socdaan oo ay wasaaradda gaashaandhigga S.Land si xikmdi ku jirto arrintan u gashay ayaa waxa haddana lagu muransanyahay cidda ka danbaysa soo dejinta cutubyo lagu qiyaasay in kabadan 200 oo dagaal yahan oo ka soo noqday tababar ay ku soo qaateen Eretrea kana tirsan jabhadda Ethiopia ku kacsan ee magaceeda lagu soo gaabiyo ONLF, malleeshiyadaasi oo ka soo degtay xeebta Bullacaddo oo u dhaxaysa magaalooyinka Saylac iyo Lughaya si qarsoodi ahna ugu tallawday dalka Ethiopia.

Inkasta oo aad loola yaabay inuu ciidan intaa leegi qaran dhisan dalkiisa si qarsoodi ah ku dhexmaro laguna muransanyahay sida ay arrintani ku dhacday iyo cidda ka danbaysa ayaa waxa ay wararku sheegayaan inuu madaxwaynihii hore ee Somali Land Daahir Rayaale Kahin faraha kula jiro qorshahan habka sirdoonnimada ah loo agaasimay oo uu daahyo dabadood ka hagayay.

Mudane Daahir Rayaale Kahin maalintii lagaga badiyay doorashadii Somali Land ka dhacday 26kii June ee sannadkan ee uu ogaaday in lala kacay ayaa waxa uu ku baaqay inuu si buuxda ugu hoggaansami doono natiijada doorashooyinka waxaanu yidhi maalintaa: (Somali Land gacantayda ku burburi mayso). Hadalkaasi oo uu Rayaale ku kasbaday shacbiyad ballaadhan iyo ammaanta caalamka ayaa markii ay siyaasiyiin badani dib u lafagureen noqday mid burbur iyo baas huwan oo dhibaato iyo dhabar jab sii adorosaya macnihiisuna yahay inta xadhig iyo inta shirqool ee aan sii maleegaan ogahaye wallee Siilaanyaan kursigan waxbdan igaga danbeyn doonin, ama ” kolley way burburaysaaye anigase gacantayda ku burburi mayso”.

Xukuumadda cusub ee madaxwayne Axmad Siilaanyo markii la shaaciyayba waxaa soo ifbaxay ismaandhaaf hoose oo u dhaxeeya madaxda dalka Ethiopia iyo Siilaanyo, arrimahaasina waxay salka ku hayeen sida la sheegey xubno uu wasiirro u magcaabay Siilaanyo oo Ethiopiana ay argagixiso u haysato sida ay dhigayaan macluumaad la sheegey inay xukuumaddii Rayaale tebisay xilliyadii ay is-maandhaafsanaayeen iyada oo dhan ah iyo xisbiyada mucaaradka ah iyo xisbigii aan la ogolaan ee QARAN oo dhan ah.

Kadib markii ay Somali Land iyo Ethiopia isla qaateen in macluumaadkaasi ahaayeen kuwo siyaasadaysan ayaa haddana waxa xigtay in xeebihii galbeed ee Somali Land lagaga soo duulay Ethiopia. Dhacdadanna inkasta oo uu wali baadhitaankeedu socdo haddana waxa la xaqiijiyay inay badhtamihii bishii 8aad ee inna dhaaftay wadahadallo la xidhiidha u googol xaadhista soo dejinta cutubyadan hubaysan ay khadka teleefanka ku dhex mareen madaxwaynaha Eretrea Isaias Afewerki iyo Rayaale, xidhiidhkaasi dhexmaray Rayaale iyo Afewerki waxa uu ahaa mid ay Ethiopia ogayd oo ay faahfaahintiisa ka heshey dhinaca mudane Rayaale oo aan waji iyo maslaxad la sheegi karo ka rabin Eretrea, taasina waxa keentay in Ethiopia todobaad ka horba u sii diyaar garawday dagaalyahannadaasi ka soo qalin jabiyay Asmara.

Sidoo kale ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya inuu madaxwaynihii hore ee Somali Land Daaahir Rayaale ku hawllanyahay diyaarinta qorshe lagu dhisayo maamul goboleed u gaar ah beelaha galbeedka Somali Land oo xidhiidh wanaagsan la yeesha taakuleyn adagna ka hela dalka Ethiopia kana madaxbannaan Somali Land.

Isku soo wada xooriyoo dhacdadan habka sarreeya ee sirdoonnimada ah loo maleegay ayaa meesha ka saaraysa in loo aneeyo muran iyo khilaaf hoosaad u dhexeeya taliyaha ciidamada qaranka Somali Land Nuux Ismaaciil Taani iyo taliyaha ciidamada galbeedka Somali Land Maxamad Cismaan Ibrahim (Xudhuun) oo labaduba ah hoggaamiyeyal dalkooda daacad u ah sida la aaminsanyahay.

Marka aad u fiirsatid sida loo xulay gawaadhida qaadday jabhadda oo la sheegey in looga dhigay sigaar iyo shidaal koontarabaan ah markii lala soo xidhiidhay, iyo sida loola beegsaday hawlgalkan xeebaha galbeed ayaa waxaad garan kartaa in ay tallaabadani tahay mid lagu mideynayo beelaha Samaroon oo la rabo inay meel uga soo wada jeestaan wiiqista maamulka Siilaanyo loogana danlahaa in loogu gogol xaadho gooni isku taag iyo dawlad-goboleed ka dhalata gobollada Awdal iyo Selel.

Tusaale ahaan gawaadhida hawlgalkan loo adeegsaday waxa leh ganacsato ka soo kala jeedda beelaha Reer Maxamad iyo Muuse Fiin oo labadaba lagu tilmaamo inay ka midyihiin beelaha galbeed ee aadka u taageera xukuumadda cusub.

Sidoo kale gawaadhidan la qabtay mid ahaan waxaa waday dirawal ay is xigaan madaxwayne ku xigeenka Somali Land Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), maalintii dirawalladaasi jeelka Borama la geeyayna waxa suuqayada lagu faafiyay dacaayad sida la sheegey sii qorsheysnayd oo dhigaysa in Ethiopia loo dhiibayo dirrawalladaasi. taasina waxa ka dhashay mudahraad xooggan oo ay dad aan waxbdan ogeyn oo gadoodeyey dhigeen iyo salaadiinta galbeedka oo cod midaysan kaga soo horjeestay in dhacdadan reer Awdal& Selel si gaar ah loogu aaneeyo iyo in lagu soo wareegaysto taliye Maxamad Xudhuun.

Sida ay dadka siyaasadda ku xeel dheeri aaminsanyihiin qorshahani waxa kale oo ujeedooyinkiisa ka mid ahaa in dhaliisha dhacdadan lagu casilo taliye Xudhuun oo ah masuul ciidan oo si gaar ah looga jecelayahay gobollada Awdal iyo Selel, xil ka-qaadistiisuna ay dhalin karto kacdoon ballaadahn oo ka hor yimaad waxa markaasi loo macnaysan doono cunsurinimada xukuumadda Silaanyo.

Si kastaba ha ahaatee doorashooyinkii 26kii June waxa si buuxda ugu guulaystay madaxwayne Axmad Maxmad Siilaanyo haseyeeshee dagaalkan danbe ee qabow, tabahan qarsoon iyo xeeladahan la isku daadinayo ee wareerka ah waxaa 3 iyo eber ku hoggaaminaya marka runta la iska sheego madaxwaynihii uu doorashada kaga adkaaday Dahir Rayaale Kahin oo ah khabiir ku fogaaday cilmiga sirdoonka.
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: Daahir Rayaale & the ONLF. New bedfellows?

Post by RuralMan08 »

Nobody trusts this guy, even after the events ppl are still blaming him loool :lol:
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: Daahir Rayaale & the ONLF. New bedfellows?

Post by RuralMan08 »

Qubbato wrote:I have a hard time believing this riyaale guy handed over an old lady from ogadenia to Ethiopia smh, why is he suddenly supporting ONLF it doesn’t make sense he was just 2 weeks ago in adis ababa , I am missing here something :roll: :?
I am amongst those who dont trust him :mrgreen:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”