Borama Fistula Hospital full of patients from all Somalia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Borama Fistula Hospital full of patients from all Somalia

Post by RuralMan08 »

Most of the women are from Jubbada Hoose, Kismaayo, Mudug iyo Puntland

Borama-(Lug)-Masuuliyiinta isbitaalka Fiistula ee Boorama ayaa shalay isbitaalkaasi kusoo dhaweeyey labaataneeyo xubood oo haween iyo gabdhaba leh ,
kana kala yimid ku dhawaad afar gobol oo ka tirsan dalka Soomaaliya si ay isbitaalkaasi uga helaan adeegyo isugu jira daaweyn iyo qalliin dhinaca caafimaadkooda la xidhiidha.

Image

Dadka bukaan socodka ah oo shalay galab soo gaadhay Boorama ayaa kasoo kicitimay gobolada J/hoose ama Kismaayo, Gobolada dhexe, mudug iyo maamul goboleedka Puntland .

Dr.Siciid Axmed Walhad iyo Dr.Ibraahim Siciid Qaws oo dadkan kasoo dejiyey bas ay kasoo raaceen caasimadda Hargeysa kaddib markii ay ku dhawaad afar maalmood soo dhex jibaaxeen boqollaal kiiloomitir oo degaano kala duwan, wadamo kala duwan, ciidammo kala duwan, beelo kala duwan iyo maamulo kala duwan ka taliyaan , aakirataankiina diyaarad kusoo gaadhay Somaliland.

Image

Masuuliyiinta isbitaalka Fiistula ayaa bukaankaasi ku guubaabiyey in wakhtiga ay joogaan isbitaalkaasi loo qaban doono wixii adeegyo ah ee ay u baahan yihiin, sidaa darteeda muddada ay joogaan loogu adeegi doono sida loogu adeego walaalahooda Somaliland, isla markaa aanay dareemin inay yimaaddeen dal shiseeye ah.

Bukaanka ayaa sidoo kale masuuliyiinta isbitaalkaasi uga warramay dhibaatada iyo jidka dheer ee ay usoo mareen isbitaalka, sidaa darteedna aanay waxba ka hagran baahidodooda caafimaad .

Isbitaalka Fistula ahna isbitaalka labaad ee ka hawlgala geeska Afrika ayaa inta badan adeegyo isugu jira qalliin iyo daaweyn u fidiya haweenka iyo gabdhaha ay dibaatooyinka caafimaad kala soo dersaan xubnaha taranka iyo kaadi haysta, waana isbitaal gaar ah oo hirgelitiisa gacan ka geysteen qurbajoogga reer Awdal, qaar ka mid hay’adaha samafalka caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland, wuxuuna qayb ka yahay kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Cammuud.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”