BREAKING NEWS: Ahlu Sunnah announce they are leaving the TFG

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Monk-of-Mogadishu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4962
Joined: Mon Oct 08, 2007 1:06 pm
Location: The thought of gemini07 and her family getting rich sends chills down my spine

BREAKING NEWS: Ahlu Sunnah announce they are leaving the TFG

Post by Monk-of-Mogadishu »

Sabti, September 25, 2010 (HOL) − Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta shaaciyay inay ka baxeen ka mid ahaansha dowladda Soomaaliya, kaddib shir saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay uga socday golayaashooda degmada Caabduwaaq ee Gobolka Galguduud.

"Markii ay Ahlusunna u caddaatay in dowladda Soomaaliya aysan daacad ka ahayn difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ee duulka lagu soo qaaday, goonina looga noqday Ahlusunna, waxaan go'aansannay inaan isaga baxno ka mid ahaanshaha dowladda," ayuu saxaafadda u sheegay Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf oo ah afhayeenka Ahlusunna iyo xoghayaha wafaafinta.

Sheekh C/llaahi Abuu-Yuusuf, wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inaysan ka ahayn daacad, dagaalka lagula jiro Xarrakatul Shabaab iyo kooxaha kale, sidoo kalena aysan doonayn inay iskaashi la sameysato Ahlusunna.

"Culummaa'uddiinka Ahlusunna kama mid noqonayaan dowladda lasoo dhisayo, mana jirto cid ku matalaysa," ayuu yiri afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca oo ah koox ka talisa qaybo ka tirsan gobolka Galguduud.

Afhyeenka Ahlusunna, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan doonayn inay midnimo iyo wax-wadaqabsi la wadaagto Ahlsunna, maadama ay dhowr shir oo ay u gaareen uga baxeen, isagoo sheegay in taasi ay qayb ka tahay go'aankoodan.

Dhanka kale, Ahlusunna waxay ku baaqeen in la qabto shirweyne lagu dhisayo dowlad ay Soomaaliyeed, iyagoo ka dalbaday beesha caalamka in shirkaas lagu qabto gudaha dalka, si uusan u noqon shirarkii hore ee fashilmay.

Hadalkan, kasoo baxay Ahlusunna ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah, iyagoo dhowr jeer oo hore sheegay in dowladda KMG ah ay uga baxday heshiisyo ay la gasha, kuwaasoo uu ka mid ahaa heshiisii Addis Ababa ee awoodda lagu qaybsanayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: BREAKING NEWS: Ahlu Sunnah announce they are leaving the

Post by AhlulbaytSoldier »

Good move :up:

Being part of the TFG made them weak and also disunited.
Last edited by AhlulbaytSoldier on Sat Sep 25, 2010 10:33 am, edited 1 time in total.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: BREAKING NEWS: Ahlu Sunnah announce they are leaving the

Post by grandpakhalif »

Great news :up:
User avatar
Monk-of-Mogadishu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4962
Joined: Mon Oct 08, 2007 1:06 pm
Location: The thought of gemini07 and her family getting rich sends chills down my spine

Re: BREAKING NEWS: Ahlu Sunnah announce they are leaving the

Post by Monk-of-Mogadishu »

What is going to happen to Sharif now? Ahlu Sunnah was the only group protecting him and he was helping to arm them, now both of them are going to be stuck in limbo it looks like. Al-Shabaab are headed to Dhusomareeb and no one has a mandate to protect that area since its not TFG territory any longer, I don't know if Ahlu Sunnah has the capacity to absorb another attack successfully.
User avatar
snoop12
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4399
Joined: Sat Oct 11, 2008 7:13 am

Re: BREAKING NEWS: Ahlu Sunnah announce they are leaving the

Post by snoop12 »

great, they are focusing on their region and now Alshabab has no reason whatsoever to attack them. ASWJ is growing more politically mature, we dont need non of that emotional Somali politics.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”