Badhan (SPR): Wefdi ka socda maamulka Soomaaliland ayaa waxay booqasho kusoo mareen meelo muhiim ah oo ka tirsan magalaada Badhan. Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Gudoomiye Badhan Cabdi-Xakiin Wahaabi waxaa kaloo la socdey masuuliyiin badan oo ay ka midyihiin taliyaha Boliska degmada Badhan ee maamulka Soomaaliland.
C/Xakiin Wahaabi iyo weftigiisu waxa ay saaka subaxnimadii socdaal ku soo mareen xarumaha dowlada iyo cusbataalka guud ee magaalada Badhan. Intii ay ku guda jireen booqashadaas waxa ay kulamo gaargaar ah la yeesheen mas'uuliinta cusbataalka guud gaar ahaan agaasimaha Isbitaalka C/raxmaan Jibriil Cali.
Wafdigan ayaa waxay shir jaraa'id ku qabteen magaalada Badhan gudeheeda iyagoo casumay saxaafada gobolka Sanaag, iyagoo uga warbixiyey kormeerada ay wadaan sidoo kalena tibaaxay in ay wax ka qaban doonaan hanaan socodka maamul ee gobolka iyo waliba hormarka.
Badhan
dhahar.com


