Fal Layaab Leh: Nin shicib ah Oo Shan Xabbadood Ku Dhuftay Askari Booliis ah Oo Ilkaha Ka Daadiyey Kuna Xidhaa Saldhiga IFTIN ee Hargeysa
Hargeysa(Ooweynenews)- Cabdifataax Girdhife oo ah Nin shicib ah oo dagaal-gacmeed dhex-maray Askari ka tirsan Booliska JSL, ayaa ka dib markii uu Askarigu Ilkaha ka daadiyey, waxa uu qori ku soo weeraray saldhiga IFTIN ee degmada Axmed ee magaaldda Hargeysa, halkaas oo uu ku xidhnaa Askarigu, isaga ku dhex-toogtay Saldhiga dhexdiisa.
Waxaana uu ku dhuftay shan xabbadood oo uu kala dhacay caloosha iyo miskaha, sida uu oodweynenews.com u xaqiijiyey Taliye ku xigeenka saldhiga Iftin ee magaalada Hargeysa.
Dhacdadan ayaa timi, ka dib markii daqiiqado ka hor uun markii uu Askarigu ilkaha ka daadiyay ninkan toogtay oo la yidhaahdo C/fataax Girdhife oo ay isku af-dhaafeen Ciidanka Booliska oo garaacaya nin la yidhaahdo Ibraahim Ismaaciil Qardhab oo la sheegay inuu waalan yahay oo nin cadaan ah oo dhakhtarka Adna Aadan jooga uu u gacan qaaday kaasi oo ay ciidamadii Booliiska ahaa ee ilaalinayay Qoryaha la boobeen.
Ninkan shicibka ah ee wax toogtay oo sida la sheegay ka agdhawaa Dhakhtarka ayay dad goob-joog ahi sheegeen inuu Askarta is yidhi ka qabo isagoo ku qayliyay oo yidhi waar waa nin waalane ka daaya, dabadeedna mid ka mid ah Askartii oo ah kan uu saldhiga ku dhex toogtay Baastoolad ku feedhay halkaasna ay kaga daateen lix Ilig ninkii shicibka ahaa ee yidhi ka daaya.
Dhaawaca loo geystay ninkaas ee ilkaha lagaga daadiyay awgeed ayuu u doontay gurigiisii kadibna waxa uu ku weeraray saldhiga IFTIN oo markaa lagu xidhay Askariga Ilkaha ka daadiyay, waxaanu ku furay Tacshiirad gaadhkii joogay Albaabka, markii ay kala yaaceena waxa uu abaaray qolkii uu ku xidhnaa halkaas oo sida ay Booliisku noo sheegeen u shan xabo oo rasaas ah kaga dhuftay Askarigii Caloosha iyo Misgaha oo uu ka soo gaadhay dhaawac culusi, iyada oo markiiba loola cararay Cisbitaalka weyn ee Hargeysa si qaliin deg deg ah loogu sameeyo.
Ninkaas shicibka ah ee toogashada gaystay, ayaa markii dambe Boolisku gacanta ku dhigeen, isla markaana waxaa loo taxaabay saldhiga dhexe ee hargeysa.
Dhacdadan, ayaa fajac iyo amakaag ku beertay dadweynaha ku nool degmada Axmed dhagax ee Koonfurta Hargeysa gaar ahaan xaafada IFTIN ee falku ka dhacay, waana dhacdadii ugu xumayd intii Somaliland jirtay Askari Boolis ah sal-dhig lagu dhex-toogto.
Armed man shoots JSL Policeman - Axmed Dhagax - Hargeysa
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 1426 Views
-
Last post by kaliil
-
- 0 Replies
- 408 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 4 Replies
- 603 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 14 Replies
- 1449 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 1 Replies
- 299 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 63 Replies
- 2751 Views
-
Last post by Firewall
-
- 5 Replies
- 2309 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 0 Replies
- 201 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 2 Replies
- 366 Views
-
Last post by dayax123
-
- 5 Replies
- 649 Views
-
Last post by afisoone