Saraakiil ciidan sare from Awbare & Harawo warn Siilaanyo
Posted: Wed Sep 29, 2010 6:05 pm
Sarakiil sare oo ka tirsan ciidamada K5aad ee Itoobiya oo Xukumada Somaliland uga digay inay joojiso cabudhiska ay ku hayso Gobolka Awdal.
Jijiga(Saylac.com)-Sarakiisha ciidamada degaanka Bari ee Awbare iyo Harawo ayaa si kulul uga hadlay arimaha ka aloosan Somaliland isla markaana dawlada Somaliland uga digay inay sii wado cago juglanta ay ku hayso gobolada Awdal iyo Selel.
Sarakiishan oo warbixin dheer soo gaadhsiisey saylac.com ayaa waxay sheegeen inay dusha kala socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo ka jira gobolada galbeed ee Somaliland isla markaana ay masuuliyad weyni kasaaran tahay ilaalinta karaamada iyo nabada dadka reer Awdal oo ay sheegeen inay meel kasoo wada jeedaan ama isku isir yihiin.
Mar ay ka hadleen dhacdadii dhawaan xeebaha awdal ayey sheegeen inay ahaayeen saraakiishii ka hortagtey weerarada shuftada ONLF ay ku damacsanayd inay kusoo gasho K5aad waxayna sheegeen in gobolka Awdal ka saliim yahay eedaymaha ay dawlada Somaliland usoo jeedisay ee ah in Awdal laga naasnuujiyo argagixisada kasoo degtey xeebaha Awdal .”Wakhtigii dhergiga ama xukunkii Mingiste ee dad aan waxba galabsan farta looqu fiiqi jiray waa lasoo dhaafay dadka reer Awdal iyo K5aad waa laba mataano oo halgan dheer usoo wada galay dimoqraadiyada maanta lagu degan yahay dalka Itoobiya ” ayey hadalkooda ku dareen.
Sarakiishan oo saxaafada ka dalbaday inaan magacaantooda la shaacin arimo diplomaasiyadeed awgeed ayaa waxay umada reer Awdal u xaqiijiyeen inay yihiin walaalo aan marnaba ku eegi doonin dhib lala damacsan yahay isla markaana u damaanad qaadaya in cabudhis loola yimaadaayi aanu suuro gal noqon doonin marnaba.
Magaalada Jijiga ayaa aad looga dareemay xasilooni darida ka soo cusboonootey Somaliland iyo ciidamada xaddhaafka ah ee magaalada Borama la soo dhoobay. maraan la xidhiidhnay dadweynaha ku kala nool magaalooyinka Jijiga, Awbare , Lafaciise , Wajaale, Dharwanaaje iyo Danbal o dhamaan ayey dadweynuhu noo xaqiijiyeen inay ayna marnaba ogolaan doonin cabudhis iyo cago juglayn loola tago dadweynaha Gobolada Awdal iyo Selel . Siyaasiin iyo xildhibaano ka tirsan dawlada Somaaliyeed ee K5aad ayaa waxa sidoo kale muujiyeen inay xukumada Somaliland ka talaabsatey siyaasadii xasiloonida ku dhisnayd ee mudada badan ay kusoo caano maashay ayna u muuqato mid gashay mugdi siyaasadeed oo beelaysi dib ugu noqon kara.
Ciidamada Ismaamulka K5aad ayaa in mudo ahba heegan kaga jira xuduuda u dhexaysa Somaliland iyo Dalka Itoobiya waxaanay hawlo amniga ku saabsan ay ka wadaan degaanada bari ee K5aad .
Dhinaca Kale isku socodka gaadiidka K5aad iyo Somaliland ayaa aad uga duwan sidii uu ahaan jiray hadda ka hor dawladihii ka horeeyey tan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxaana dadka baayacmushtarka degmadu intooda badan u muuqdaan kuwo ka xadhko xidhanaya ganacsigoodii ay ka wadeen degmada,
Saylac.com
Jijiga K5aad