Maslax Maxamed Siyaad Barre Oo Dadaal ugu Jira inuu Noqdo Ra

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
xawoluul
Posts: 1
Joined: Thu Sep 30, 2010 12:17 am

Maslax Maxamed Siyaad Barre Oo Dadaal ugu Jira inuu Noqdo Ra

Post by xawoluul »

Warar si weyn u soo guuxaya oo ku aadan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo muddo 29-cisho kaliya ay uga harsan tahay in Madaxweynuhu ku dhawaaqayo ayaa durba waxaa soo baxaya shaqsiyaad loo calaamadeynayo xilkaas.

Inkastoo xilka Ra’iisul Wasaarenimada lagu heli doono qaabka awood qeybsiga ee Dowladda ku dhisan tahay ee 4.5, ayaa hadana dad badan waxay sheegayaan in wax badan ka duwanaan doonto qaabkii loo soo xuli jiray oo aheyd beesha la siinayo.

Warar qaar ayaa sheegaya in xilkaas loo wado in loo magacaabo wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo la yiraahdo Maslax Maxamed Siyaad Barre oo ahaa musharaxii Madaxweyne Shariif kula tartamay sanadkii hore bilowgiisa xilka Madaxweynenimada.

Saadaal banjartay ayay aheyd markii xilligii Madaxweyne Shariif curdanka ahaa la filayay in xilka Ra’iisul Wasaarenimada u magacaabo ninkii uu doorashada kaga guuleystay Maslax Maxamed Siyaad, waxaase meel aan laga fileyn ka soo booday Cumar C/rashiid oo ka soo jeeday qoys soo maamulay dalka Soomaaliya, xilligaasna ay wateen Qaramada Midoobey.

Laakiin hada ayaa waxay u muuqataa saadaasha mid soo laba kacleysay, waxaana jira hadal heyno badan oo yaqiin ka dhigaya shakiga hada taagan ee ah caleema saarka Ina Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweyne Shariif oo aan wali xulan shaqsiga uu u soo magacaabayo xilka Ra’iisul Wasaaraha ee uu baneeyay ina Cabdirashiid ayaa hadana waxaa hubanti ahaa, in Madaxweynuhu sameeyo wada tashiyo inta uu ku guda jiro magacaabidiis.

Fikirka dad badan ay qabaan oo ah in xilkaas qaabka awood qeybsiga uu noqon doono mid ay ku hesho Beesha Daarood ayaa hadana waxaa muuqata in is bedel aan la fileyn ay dhacdo, gaar ahaan in Kursiga Ra’iisul Wasaaraha uu ku fariisto xubin ka soo jeeda Beesha Sade, gaar ahaan Mareexaan.

Wararka horu dhaca ah ayaan aheyn mid aan si dhab ah loo xaqiijin karin, hadana saadaasha iyo xooraansigeena waxay isugu biyo shubatay in xilkaas ka soo muuqan doonto Beesha Mareexaan oo uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.

Dad badan ayaa garowsan in ninka haatan Madaxweyne Shariif uu sii haye uga dhigay xilka Ra’iisul Wasaare ay calaamad u tahay in Beesha Mareexaan xilkaas si dhaba uga soo muuqan doonto, waxaana shaqsigan sii hayaha looga dhigay xilkaas oo la yiraahdo C/waaxid Cilmi Goonjeex uu ka soo jeedaa Beeshaas.

Lama oga hadii qorshahan uu hirgeli dhawaqa ka soo yeeri doona Beesha Majeerteen oo la rumeysan yahay awooda dhuleed ee ay iminka gacanta ku heyso, gaar ahaan Puntland.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”