Gabay Alla Bari Ah oo Citiraafka Soomaaliland loo tiriyey

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Gabay Alla Bari Ah oo Citiraafka Soomaaliland loo tiriyey

Post by Mr_Alfaas »

Cusman Aden iyo Timo Cade ayaan ciddi ka noolayne
Aan camcamiyo anniguu I qabsaday caynka maansadu
Casiisow ajiib gabagan aan caawa tirinaayo
Riyo iyo hur ku curiyo caw aan jiibsaday
Cawo iyo in uu barako yahay Cawlow la arkeeye

Carabkiinna aamiinta culus duco ku caam yeela
Citiraaf u roob doonaa oo culimaday kaalay
Cishaa’iga habeen ilaa waagu ka casaado
Ku celceliya tuugmad baryada goor caweysan ah
Cashar iyo taxliil ba u tfoo Calanku yuu iilan

Xaggaagaan u cararnaa markuu xaal cidhiidhi galo
Adaan cudud laxaad iyo farsamo cidi ku gaadhayn
Garta adaa cabira oo yaqaan caynka taw yahay
Xaq cadaalad adigaa sugiyo cabasho waayeel
Calankaygan gee Dunida iyo caalaamka iyo Shine

Adaa Yoonis caynshoon ku dilin bahal calooshi
Casifaad adaa duul ku rogay qoom ka caasiyey
Cimri iyo adaaa nolol qadara ruux wax uu cuno
Cudurkii Ayuub adigunvbaa shuush ka caafiyey
Calankaygan gee Dunida iyo caalaamka iyo shine

Cirkaad roob ka keentaa dhulkaad doog ka curisa
Caannaad naas ka keentaan irmaan calaf la quutaa
Caantayn kaala fudud waxakan aan ku carcaraafnaaye
Calankaygan gee Dunida iyo caalaamka iyo shine
Ha cudcudinAqoonsiga na sii kaadhka lagu cesho

Carafaadu fadligay leedahay iyo ciida Ramaddaan
Ciishadii adan Eebuhu khalqay dhalashadii Ciise
Ayaamaha cisiga leh iyo micraajka cuskanayaa
Calankaygan gee Dunida iyo caalaamka iyo shine

Culimo iyo wadaad sheekh cilmi leh Weli cibaadaysta
Caamo iyo dadweyne Miskiin caawimo u baahan
Caruuraha iskuulada tagiyo geel mid celinaaya
Codsi iyo baryo ayey soo qorteenne cabashadoodd oofi
Calankooda gee Dunida caalaamka iyo shine
Ha cudcudin aqoonsiga e sii kaadhka lagu ceesho
Citiraaf Illaahaw u keen caadil baad tahay

Caydh sabool ah cuud yaraha fakhriya caawimo u baahan
Dad intaan cashay ee calool madhan la soo toosa
Ciyaal qaar u foofoon haddana calaf u soo hoynin
Cammali’idu kuway daashatay ee ciirsi kale haysan
Codsi iyo baryo ayey soo qorteenne cabashadoodd oofi
Calankooda gee Dunida caalaamka iyo shine
Ha cudcudin aqoonsiga e sii kaadhka lagu ceesho
Citiraaf Illaahaw u keen caadil baad tahay

Cago kuwa lahayn iyo curyaaan naafo cabanays
Caydi iyo dhallaan iyo agoon caawimo u baahan
Oday coomir oo madax cadoo caato kici waayey
Hooyo canug dhashoo kaar jab helin laxaw cataabaysa
Inta cudur xannuun qaba bukaan taws ka cabanayaa
Codsi iyo baryo ayey soo qorteenne cabashadoodd oofi
Calankooda gee Dunida caalaamka iyo shine
Ha cudcudin aqoonsiga e sii kaadhka lagu ceesho
Citiraaf Illaahaw u keen caadil baad tahay.

Cuudka aanu dhaqanno iyo intii caano laga maalo
Cirka haad u duuliyo bilidda cawladi iyo fiinta
Bog wixii ku caraaya ee cago ku rooraaya
Xeebta carsaanyada kalluun baddaha ceegaag
Carrada iyo dhirta iyo buuraha ciida gabigeeda
Codsi iyo baryo ayey soo qorteenne cabashadoodd oofi
Calankooda gee Dunida caalaamka iyo shine
Ha cudcudin aqoonsiga e sii kaadhka lagu ceesho
Citiraaf Illaahaw u keen caadil baad tahay

Cibbaarad quraan aayadaha yaan cuskanaya
Caam ahaan kitaabka iyo sunnaha yaan cuskanayaa
Cabasa iyo yaasinka culus ayaan cuskanayaa
Aali-Cimraan, Tabaarik iyo Nuux ayaan cuskanayaa
Cankabuut quraash iyo Al-fiil ayaan cuskanaya
Al-casar iyo fataxadda bilow yaan cuskanaya

Citiraaf Illaahaw u keen caadil baad tahay

Gabaygan Alla Bari- Ictiraafka Somaliland waxa tiriyay Xassan Axmed Ibrahim” Embassy”. Waxa Hibo iyo Xasuus u yahay Abwaanadii Caanka aha Marxuumiinta Cismaan Aden ” Cismaan Askari ” iyo Yussuf Aden oo ay isku Uur-Hooyo ahaayeen.
:clap:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”