Somaliland police capture weaponry iyo explosives from al sh

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Somaliland police capture weaponry iyo explosives from al sh

Post by grandpakhalif »

Wasaarada Arrimaha Iyo Ciidanka Booliska JSL Oo Si Wada-jir U Soo Bandhigay Hub, Qalalbka Walxaha Qarxa Iyo Rimuudka Wax Lagy Qarxiyo
Hargaysa (OWN)- Wasiiradda Arrimahada Gudaha Somaliland iyo Ciidanka Booliska, ayaa si wada jir ah u soo bandhigay hub iyo qalabyo kala duwan oo ah nooca loo adeegsado walxaha qarxa, isla markaana la doonayay in loo adeegsado falaal argagixiso nimo oo laga fulinlahaa Magaalooyinka Hargaysa, Berbera iyo Burco ku waas oo ay ciidanka boolisku fashiliyeen.

Hubkaas iyo walxahaas kala duwan oo lagu soo bandhigay xarunta ciidanka birmadka Somaliland ee magaalda hargaysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo taliya guud ee ciidanka booliska Somaliland Jen.Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal) saaraakiil sare oo ka tiran ciidanka booliska Somaliland.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay taliyha ciidanka booliska Jen.Cilmi Rooble Fure waxaanuu sheegay in qalabka ay maanta ciidanka boolisku saxaafada u soo bandhigayaan ay ku soo qabteen hawlago ay labadii todobaad ee ugu danbeeyey ay ka wadeen guud ahaan dalka.

Taliyaha ciidanka boolisku waxa kaloo uu shraxaad ka bixiyey qalabka la soo qabtay iyo siyaabilii loo adeegsan lahaa waxa kaloo uu xusay taliyuhu in ay hayaan 16 qof oo ka mid ah dadkii falalkan ku hawlanaa qaarkalena ay ku daba joogaa,

Hadaladii taliyahana wax kamidhaa sidan “qalakan waxa isugu jiraan arin bucad badeed iyo qoloda kale alshabaab,bucad badeeda waxa baasuuka yaasha looga keenay Xamar ragii fulin lahaan wey joogaa waxay iibsadeen doonyo, doonyahaas marka la saaro hubkan ma garanayno in dakadeena lagu weerari lahaa iyo in loo adeegsan lahaa in lagu qafaasho maraakiibta maraysa biya bada cas eek u aadan xeebteena” sidaana wax yidhi taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Jen.Cilmi Rooble Fure (cilmi kabaal).

Hogaanka miinada ee ciidanka booliska Cumar Cabdilaahi Qaasaali ayaa sharaxaad ka bixiyey noocayada kala duwan ee ay ciidnaka boolisku gacanta ku soo dhigeen iyo siyaaba loo adeegsado waxaanuu sheegay in qalabka la soo qabtay ay ka mid yihiin 12 xabo oo ah miinada nooca ramood kantaroolka lagu hao ku was oo meel la dhig karo gaadhi ama wax kalena lagu dhajin karo kadibna uu qofka qarxinyaa soo istaagayo meel goobta qaraxa u jirta qiyaasti ilaa kun talaabo, waxnaauu sheegay hogaanka miinada ciidanka boolisku in noocayada miinooyinka ay hayeen ay ka mid yihiin kuwa laga sameeyo kiimi kooyinka waxaanuu soo badhigay noocyada sida daqiiqda oo kale ah iyo Xalwad uu sheegay in loo adeegsanayo qarxina noocyadan miinada boodharka ah isagoo xusay in noocan miinada ah ay tahay tii loo adeegsay qaraxii loo gaysatay xarunta madaxtooytada sandii 2008.

Sidoo kalena waxa uu taliyah hogaanka miinada Cumar Qaasaali sheegay in qalabkan ay ka mid yihiin miinooyinka wada la dhigo bar tilmaameedka na lagaga dhigto gaadiidka siagoo sheegay in laga soo helay noocan miinada ah wadada u dhaxaysa Hargaysa Iyo Berbera.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay wasiirka warfaafinta iyi wacyigalinta Somaliland mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) waxaanu wasiirku baaq u diray bulsha caalamka isagoo ka codasay in ay wadamada aduunku somalinad gacan kla siiyaan dagaalka ay kula jirto budhcad badeeda iyo argagixisada, waxa kaloo wasiirku baaq u diray bahweynta saxaafada Somaliland isagoo ugu baaqay in ay ka qaybqaataan wacyi galinta bulshada ee laga wacyi galinayo amuuraha la xidhiidha falalka argagixisanimada.

Ugu dambaytii waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaarda arimaha gudaha JSL Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo aad ugu mahad naqay shacbiweynaha Somaliland oo uu sheegay wasiirku in iyaga la aantood aanay ciidanka boolisku gaadheen guulhan maanta ay soo bandhigayaan iyagoo uu sheegay Dr.Gaboose in dhamaan hawlgaladan la fashiliyey ay soo sheegaan dad muwaadiniin mutadawiciin ah.

Waxa kaloo wasiirku baaq u diray bulsha weynta Somaliland oo uu ugu baaqay in ay indha hooda furan lana socdaan dhamaan dhaqadahaaqyada ka socada xaafadahooda, guryaha ay jaarka yihiin, gaadiidka ay kiraynayaan IWM.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

al shabab terrorists lose again :up:
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Somaliland police capture weaponry iyo explosives from a

Post by Goljano Lion »

Well done Somaliland police :up:
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Somaliland police capture weaponry iyo explosives from a

Post by Somalistan »

Very impressive work by our Police once again. They're very competent. Our military have succeeded in guarding Somaliland from external threat coming from our foes, our navy has kept our coast clean from pirates and our Police has kept our house intact stopping before extremists plant their dirty bombs. Takbiir!! Allahu Akbar!!!
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Somaliland police capture weaponry iyo explosives from a

Post by Keyse_0208 »

dammm, :shock: that is alot of weapons. Good job walahi that is very impressive work. :up: :up:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Somaliland police capture weaponry iyo explosives from a

Post by LiQaaye_TDH »

Amaanka Hadda waa loo soo jeestay :clap: :clap: :clap:
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Somaliland police capture weaponry iyo explosives from a

Post by HooBariiska »

The thing in the blue bag that looks like xalwad

ilen alshababku xalwada wuu cunaa :lol: :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”