Booliska Burco ayaa Gelinkii hore ee saka isku dayey inay qabtaan Badhasaabxigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer Guuled Dahir Samtar, iyadoo Amarka Qabashadiisa sida lasheegay uu bixiyey wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland, qabaashada masuulkan hore ugu soo shaqeeyey Gobolka ayaan la garanayn waxa kellifay balse ilo u dhuun daloola Beesha uu ka soo jeedo badhasaab xigeenkii hore Mr.Guuleed ayaa sheegaya inay la xidhiidho arrimo dhinaca amniga ah, iyo shirkii ay dhowaan ku yeesheen Beelaha Galbeedka Burco Hotel RAMAD oo sida la sheegay uu ka imad ahaa raggii abaabulay shirkaasi.
Sidoo kale Booliska Magaalada Burco ayaa shalay ku guul daraystay Qabashada Nin sitey shandad ay ka buuxen walxaha qarxa, kadib markii uu rasaaseeyey ciidankii qaban lahaa, halkaasna uu ku fakaday, Booliska magaalada Burco oo aan looga baran in dad Gacantooda soo galay ay ka fakadaan ayaa dad badani weydiinayeeen labadami maalmood ee u danbeyey sida arrintan fakashada ninkani ku timi, dad badan ayaa ku fasiray inay tahay Tamar darro iyo aqoon darro ku soo korodhay Booliska Burco, haddi aan si deg deg ah awood iyo aqoon dheeraad ah loogu helin amnigana ay xaaladdo sidan ka adag soo wajihi doonaan boolikska Burco, isla markaasna ay soo hoyn karaan khasaare dhinaca amni darrada ah.
Saraakiisha ciidanka ayaan ilaa hadda noo suuro gelin inaan wax ka waydiino arrinka qabashada Badhasaabxigeenkii hore iyo baxsadka nin kii walxaha qarxa sitey iyo halku ku danbeeyey.
Dhinaca kale Maamulihi cashuurha Berriga Burco ayaa shalay xilkii lagala wareegay, waxaana xilkaasi kala wareegay Mamule cusub oo loo soo magacaabay Cashuuraha Berriga Burco, kala wareegi labada maamul oo ahaa mid aan loo samayn munaasibad xil kala wareegay ayaa waxa la isku wareejiyey wara aqo iyo waxoogaa kharaashad ah oo maamulihi cashuuraha berriga Mr. Maxamed Nur Maxamud ku wareejiyey maamulaha Cusub oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Maxamed, is bedelka lagu sameeyey maamulka sare ee cashuuraha berriga ayaa daba socota is bedeladii lagu sameeyey maamulayaasha iyo masuuliyinta cashuuraha iyo kastamada Gobolada Dalka Qaar, waxaana is bedeladaasi ay keeni karan is bedel dhaqaale oo muuqda. Maxamed Xasan oo ah maamulaha cusub ee cashuuraha berriga aya hadhwanaagnews u sheegay in uu ku faraxsan yahay xilkan loo soo magacaabay isla markaasna sideeda u gudan doono wajibadkiisa shaqo.
Isku soo wada duubo dhacdooyinkan ay ka muuqdaan tamar darrada bileysku aya ah mid ay sababteeda leeyihiin hogaanada iyo saraakiisha ciidanka ee la isku bedelay, waxaana shacabka Gobolka Togdheer , si weyn uga war war qabaan sugidda amnigooda iyo ciidan aan tababarnayn oo dhalinyaro ah oo laga buuxiyey saldhigyada magaalada Burco, taasoo keentay inay dhacdooyinkan isku xig xigay yimaadaan.
Togdheer's former Vice Badhasab WANTED
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Togdheer's former Vice Badhasab WANTED
Ma isagaa waxan ka dambeeyey ayay leeyihiin
- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Togdheer's former Vice Badhasab WANTED
shalay iyo saakaba inay qabtaan ayay isku dayeen laakiin way qaban kari waayeen. Shalay boolisku ninka way heleen laakiin markay qabta is yidhaahdeen ayay dad badani kusoo urureen oo difaaceen, kadib booliskuna way iskaga tageen.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Togdheer's former Vice Badhasab WANTED
All the Former Thiefs will dealt with sooner or later.... The Badhasab is one of the Biggest Bandits 

- Keyse_0208
- SomaliNet Super
- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
Re: Togdheer's former Vice Badhasab WANTED
kaliil wrote:shalay iyo saakaba inay qabtaan ayay isku dayeen laakiin way qaban kari waayeen. Shalay boolisku ninka way heleen laakiin markay qabta is yidhaahdeen ayay dad badani kusoo urureen oo difaaceen, kadib booliskuna way iskaga tageen.
this is what i dont undrestand, how is the police supposed to their job when anyone who is acused of a crime ay ku soo ururaan dadkiisu. if he has nothing to hide he should be taken to custody, interviewed, and let the court system do its job. Thats a fuked up way of doing things


- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Togdheer's former Vice Badhasab WANTED
Thank You!!! Thats what i meant with The Salaadin who was saying,( Maxa Loo Qabanaya Gudoomiyahi Baanka ? Cid reerkayaga ka soo jeeda lama qaban karo) what kind of nonsense is that?Keyse_0208 wrote:kaliil wrote:shalay iyo saakaba inay qabtaan ayay isku dayeen laakiin way qaban kari waayeen. Shalay boolisku ninka way heleen laakiin markay qabta is yidhaahdeen ayay dad badani kusoo urureen oo difaaceen, kadib booliskuna way iskaga tageen.
this is what i dont undrestand, how is the police supposed to their job when anyone who is acused of a crime ay ku soo ururaan dadkiisu. if he has nothing to hide he should be taken to custody, interviewed, and let the court system do its job. Thats a fuked up way of doing things![]()

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 230 Views
-
Last post by TarTar
-
- 0 Replies
- 336 Views
-
Last post by noer
-
- 26 Replies
- 10516 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 532 Views
-
Last post by Gifted
-
- 12 Replies
- 4658 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 593 Views
-
Last post by Maroodijex
-
- 4 Replies
- 1306 Views
-
Last post by AbuHargeisawii
-
- 3 Replies
- 1652 Views
-
Last post by kkk47
-
- 13 Replies
- 3190 Views
-
Last post by The Magnificent