
Afhayeenkii hore ee Xarakatul Shabaabul mujaahidiin Sheekh mukhtaar Raabow Cali (Abuu mansuur) ayaa waxaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo urur ka madax banaan Xarakada Al Shabaab, taa oo ka dambeysay khilaafaad xoogan oo soo kala dhex galay.
Abuu mansuur ayaa waxaa la-sheegay in uu nin qabyaaladiista ah uu u arkay Amiirka Xarakada Al Shabaab oo ay Soomaalidu u taqaano Axmed Godane, taa oo keentay in uu khilaafaad culus ka dhex aloosamo.
Afhayeenkii hore ee Xarakada Al Shabaab Abuu mansuur ayaa wuxuu sheegay in Axmed Godane uu dilay rag fara-badan oo ka tirsanaa mujaahidiinta Al Shabaab, xilli ay dagaalo culus kula jireen ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom, isagoo sheegay in taasi aan marnaba la-aqbali doonin.
Wuxuu kaloo sheegay in dadka kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ay sameysan doonaan urur ka madax banaan Xarakada Al Shabaab, isagoo ka biyo diiday in uu marnaba soo dhaweysto Axmed Godane oo uu ugu yeeray nin ay qabyaaladdu ku weyn tahay.
Sidoo kale wuxuu sheegay ururka uu soo dhisi doono in uu maamulkeeda lahaan doonaan dadka kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool, isagoo meesha ka saaray inuu dib ula midoobo saxibadiisa kale ee Al Shabaab.
Dhanka kale amuurtaan ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool, oo iyagu sheegay in dagaaladda ay kaga dhinteen rag fara-badan, kuwaa oo aan la-aqoon bay yiraahdeen wadada ay ku geeriyoodeen, hase ahaatee waxay hada mahad ka muujiyeen ka bixitaan Xarakada Al Shabaab.
Isku-soo wada-duuboo dadka odoroso siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegeyn in xoogga Xarakada Al Shabaab uu ku tiirsanaa dadka kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool, haddii ay iyana iskaga tagaan Xarakada Al Shabaab inay noqon doonto mid aad u liidata.
