
Kismaayo oo caawa aysan ka jirin Wax maamul ah, Qasnajigii Dekadda oo la goostay lacago badan, Horjooge xasan Yacquub iyo maleeshiyaad uu watto oo ka goostay Kismaayo. WARBIXIN XIISO LEH.
Wararka laga helayo magaala Madaxda Gobalka Jubada hoose ee Kismaayo ayaa sheegay in caawa ay ka jirto halkaas fowdo iyo kala shaki keenay in xabado fara badan laga maqlo kaddib markii uu maanta isga holeelay Horjooge Xasan Yacquub oo wata gawaari tigniko ah iyo maleeshiyaad ay isku hayb yihiin.
Wararkan ayaa sheegaya in Xasan Yacquub ku sii jeedo magaalada Baar dheere ee Gobalka Gedo si uu ugu biiro Maleeshiyaad uu horkacayo Mukhtaar Roobow oo maalmahaan Abaabul ka wada halkaas.
Sido kale wararka ayaa intaas raacinaya in Qasnajiga dekadda Magaalada Kismaayo iyo ilaalo uu wato ay qaateen Lacag ka badan $100,000 ( Boqol kun oo doollaar) waxaana la ogeyn halka ay u baxsadeen iyo jihada ay abaareen. Maleeshiyaad kale oo iyaguna la dhacsan fikradaha Mukhtaar Roobow islamarkaasna la hayb ah ayaa lagu arkay wadada weyn ee isku xirto magaalada Kismaayo Afmadow.. maleeshiiyaad ku sugnaa deegaanada loo yaqaan Kubba-kibir, Kurkurmeeso, Canjeel iyo Janaay-Cabdalle, tuulooyinkaas oo intooda badan ku taxan wadada isku xirta Afmadow iyo magaalada dekadda leh.
maleeshiyaadka ayaa kala maagay kadib markii uusoo kala dhexgalay kala shaki ka gowsqaba afkaarta Roobow oo inta badan hogaanka Alshabaab ku tilmaameen mid heyb ku dhisan. Maalishiyaadkaas ka tirsan Alshabab oo halkaas joogay wax ay ku sheegeen Seko uruuris.
Odey ka tirsan deegaanka oo magaciisa ku sheegay Maracadde ayaa yiri “ nimankaan shareecada aan fulinaynaa leh, waa na dhibeen, xoolaheena aan annaga tabcannay ayay khasab seko nooga xoogeen.. haddii aad tiara waan bixiyey kaama dhageysanaayiin… mana xishoonayaan.. waa dad iimaan laawayaal ah” ayuu ku cataabay isaga oo ku sugan tuulo 35 km u jirta magaalda Kismaayo laguna magacaabo Allan Caato
Qof ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi badan ay dareemayaan kaddib marka ay soo bxday wararka sheegaya in Xasan yacquub uu u goostay dhanka Baar dheere iyo in Qasnajigii Dekadda oo qaatay lacago badan.
Mukhtaar Roobow iyo axmed Godane ayaa waxa soo kal adhex galay khilaaf ku saabsan hoggaanka iyo Awood qaybsiga, Wuxuuna ka safray muqdisho asaga uu gaaray Magaalo madaxda Gobalka Bay ee Baydahabo oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo.
Roobow ayaa gaaray xalay Magaaalda Baar dheere wuxuuna halkaas kulamo kula yeeshay Horjoogayaal shabaab iyo xisbiga isugu jira oo ay halkaas ku ballansanaayen si ay isga kaashadaan guluf colaadeed oo uga imaan kara Garabka uu hogaamiyo Axmed Godane ee shabaab ka tirsan.
Waxaa dhiilo dareen colaadeed wadata ay ka jiraan magaalooyinka Marka, Baraawe iyo B/weyne oo ay ku badan yihiin Maleeshiyaadka Raacsan Horjooge mukhtaar Roobow, Wararkuna waxa ay tilmaamyaan in B/wene caawa ay ka baxeen maleeshiyaad wadata gawaarida dagaalka oo u safray Dhanka Magaalo Madaxada Gobalka Bakool ee Xudur oo la filayo in Mukhtar roobow uu soo gaaro maalmaha Soo socda.
Dhanka kale hadal haynta khilaafka labada Qab qable u dhaxeeya ayaa waxa laga dareemayaa Saasaantiisa Magaalada Muqdisho, Waxaana jira guux aan qarsooneyn oo ka dhex jira maleeshiyaadka shabaab ee ku sugan Muqdisho, Warar leysla dhex marayana waxa ay sheegayaan in horjoogayaal shabaabka Muqdisho ka soo jeeda u badan ay maanta isla dhex marayeen in Godane uusan u noqon Karin Hogaamiye, Sababtana waxa ay ku sheegeen in aysan Arag Godane oo salaadaha Waajibka sida jumcada Iyo jamacaada Salaadaha kale ka muuqda masaajidda, Asaga oo imam Ah ama Xattaa Aan imam ahyen, Waxaa kale oo ay sheegeen in aysan ku arkin Goobaha dagaalada oo uu afka ka sheego in qofkii ku dhinta uu yahay shahiid!!!!!!.
Horjooge Roobow ayaa waxa la saadaalinayaa in uu dhawaan ka hadli doono khilaafka Hareeyay Hoggaankii shabaab ee loo aaneeyo in ay masuulka ka yihiin Dhimashada Kumanaan shacab, Dhaawac fara badan iyo waliba Qaxa malaayiin Soomaliyeed oo dhibaato adag ay ku haystaan gudaha dalka iyo dibaddiisa.