Burco dagaal uu hurinaayo Dr. Gaboose qarka uu saaranan

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Burco dagaal uu hurinaayo Dr. Gaboose qarka uu saaranan

Post by Bohol iyo karaman »

Xiisad ka Dhalatay Hoggaanka Ciidanka Gurmadka iyo Ciidan uu Watey oo Gaadhay Burco

Written by Yool
Oct 07, 2010 at 03:05 AM
Burco(Yool)-Hoggaanka Ciidanka Gurmadka ee Somaliland, ayaa la sheegay inay Shalay gelinkii danbe gaadheen Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Safarka Sarkaalka ee Ciidanku weheliyaan oo ah mid si kedis ah, ayaa wararku sheegayaan in ujeedadiisu ahayd fulinta amar Wasaaradda Daakhiligu ku gaadhya qabashada Badhasaab-ku-xigeenkii hore ee Gobolka, oo isagu haatan ku sugan Magaalada Burco.

Talaabadan ayaa wararku tibaaxeen inay xiisad iyo dareen cadho leh ka abuuratay Magaalada Burco, iyadoo waxgaradka iyo odoyaasha Magaaladaasina au ku tilmaameen arintan mid xasilooni-daro lagaga abuurayo Gobolka, isla markaana aanay garanayn macnah iyo ujeedada dhibaatada looga abuurayo Burco.

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Gobolka Md. Guuleed, ayaa waxa hore Ciidamada Boolisku isugu dayeen inay qabtaan, balse ay markii danbe ku guuldaraysteen isku daygoodaasi, kaasoo la sheegay inay hadda Gurigiisa ilaalinayaan Ciidamo xoogan oo ku hubaysan qoryo culus.

Qabashada lagu damacsan yahay in lagu soo qabto Masuulkaasi, ayaa la sheegay inay amarkeedu ka soo baxay Wasaaradda Daakhiliga, iyadoo wararku intaa ku dareen in Wasiirku ganafka-ku-dhiftay waan-waan iyo dedaal ay odayaal iyo Cuqaal badani ka wadeen arintan, isla markaana uu Wasiirku ku adkaystay inuu fulinayo amark uu bixiyey.

Toddobaadkii u danbeeyey, ayaa waxa Magaalada Burco si weyn looga dareemayey dhacdadan, taasoo laga bixiyey dareen iyo aragtiyo kala duwan oo lagu eedaynayo Xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo, waxaanay dadka qaarkood ku celcelinayeen erayo ay ka mid yihiin isbedelkii aanu doonayneyn ma waxa uu noqday iska horkeenka shacbiga reer Burco.


Wargyska YOOL



Dareen Sas Leh Oo Laga Bixiyey Kolonyo Ciidammo Ah Oo Xalay Gaadhay Burco Iyo Madaxtooyada Oo Maanta Laga Filayo Xalka Khilaafka Gabboose Iyo Guddoomiye-Ku-Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer.




Burco(Ramaaas) Okt.07, 2010 - Qaar ka mid ah Odayaasha Gobolka Togdheer, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka sugaya jawaabta ka go’aan qaadashada muran xooggan oo u dhexeeya wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer Guuleed Daahir Samatar, oo Wasiirku toddobaadkii hore amray in la xidho, isla markaana lagala wareego Gaadhi uu Guuleed gaar u leeyahay, sidoo kalena laga saaro Guri ay dawladdu leedahay oo uu ka deggan yahay magaalada Burco.

Ciidammo ka tirsan qaybta Birmadka ee Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa xalay gaadhay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, kuwaas oo markii hore dareen sas leh laga bixiyey, ka dib markii la sheegay in ay Burco u tageen qabashada Badhasaab xigeenkaa hore, oo ay hore Ciidammada ammaanka Burco isugu dayeen inay qabtaan, hase ahaatee, ay badi dadweynaha magaaladu ka gadoodeen, isla markaana dareen cadho lehna kaga jawaabeen, ka dib markii ay isku xeereen guriga uu deggan yahay oo ku yaalla magaalada Burco.

Dareenka laga qaatay tegitaanka Ciidammada Birmadka oo dhawr Baabuur ka koobnaa awgood, ayaa keenay in ay dhinaca Guddoomiye ku-xigeenkii hore isa soo dhoobaan Rag tira badan oo aad u hubaysan, si ay u difaacaan haddiiba Ciidankaasi isku dayo inay xoog ku qabtaan Guuleed Daahir.

Sidoo kale, dadweyne tira badan ayaa iyaguna ku xoomay Xaafadda uu ku yaall guriga uu Burco ka deggan yahay Ku-xigeenka Badhasaabkii hore ee Togdheer, kuwaas oo si weyn uga cabsi qabay, kana wel-welsanaa in ay isku dhacaan dhinacyada Hubaysani.

Odayaal ka tirsan deegaanka dhinaca Galbeed ee magaalada, ayaa ka hawlgalay sidii ay uga hortagi lahaayeen rabshado halkaa ka dhaca. Waxaanay Odayaasha qaar ka mid ahi noo sheegeen in ay u tageen Taliyaha Ciidankaas watay Taliye Cabdi Axmed Tiir, kaas oo Odayaasha u sheegay in Ciidammada uu hoggaaminayaa ay yihiin kuwo beddel ah, oo qaar ka mid ah loo soo beddelay magaalada Burco, halka inta kalena lagu wado magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, balse aanay Ciidankaasi u socon arrin ku saabsan Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer. Sidoo kale, waxay Odayaashu intaa ku dareen oo ay noo sheegeen in Taliye Cabdi Axmed Toor in uu shaqsi ahaan doonayo inuu ka qayb-qaato xallinta khilaafka dhawrka habeen gilgilay xasilloonida magaalada Burco.

Waxa kale oo ay Odayaasha Taliyaha u tagay sheegeen in ay arrintaa hore ugu gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ay maanta ahaan ka dhawrayaan ama ka sugayaan magaalada Burco Odayaal iyo Masuuliyiin kala duwan oo ka socda Xukuumadda, kuwaas oo laga dhawrayo inay Odayaasha Dhaqanka ee Galbeedka Burco gaadhsiiyaan go’aanka laga filayo dhinaca Madaxtooyada ee ku waajahan tallaabooyinka uu wasiirka arrimaha guduhu kula kacay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo uu amray in laga saaro guriga uu Burco ka deggan yahay iyo soo xareynta gaadhigiisa gaarka ah.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Burco dagaal uu hurinaayo Dr. Gaboose qarka uu saaranan

Post by Goljano Lion »

Bohol
seriously,Since you area a H-yonis what do you gain if war breaks out in Burco, some how deep down in your psychic you want a war to break out in Burco
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Burco dagaal uu hurinaayo Dr. Gaboose qarka uu saaranan

Post by kaliil »

Bastarka dadka halaga qabto.Madax adayga waa lagu xaman jiray laakiin inuu sidan dhaamo ayaan moodayay. Ergadii iyo cid walba wuu diiday.
Hadday Burco dhibaato ka dhacdo Dr.Gaboose ayaa ka masuul ah isagaana lagala xisaabtami....
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Burco dagaal uu hurinaayo Dr. Gaboose qarka uu saaranan

Post by udun »

Waar guubaabada beenta ah la fadhiista oo dadka colaad aydin dagaalamayn ha ugu yeedhina. What matters in all of Somali territories is peace and any body breaking it apart is the enemy. That is the one that every one should see as the biggest evil for all.

Btw, why did you vote them into office if you are not going to allow them do their job? Typical Somali mentality where every thing is seen thru clannish eyes :down: :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”