Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baaburki
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baaburki
Madal xamaasadeed kaftan iyo hadalo duur xul ah la isku dhaafsaday ayaa saaka lagula kala wareegay Baabuurkii uu lahan jirey Badhasaabkii Hore ee Gobolka Guuled daahir samatar, waxaana si Toosa ula wareegtay Dawladda iyadoo saaka lagu wareejiyey maamulka Gobolka Togdheer.
Munassibaddan oo ka dhacday Hoolka shirarka ee xafiiska maamulka Gobolka waxaa fadhiyey Badhaasabki hore ee Gobolka Jaamac C/laahi Biin, Badhasabxigenkii hore ee gaadhiga lagala wareegayo Guuled daahir saamatar, maamulka Gobolka ee hadda jira, Yasin Muxumed cabdi iyo Cabdi Dahir , Hogaanada ciidanka Asluubta Bileyska , Milleteriga, iyo ciidanka la dagalanka argagaxisada SPU, maayarka magaalada Burco Maxamud axmed xasan Dhego-laab, agasimaha Xidhiidhka Madaxtoyada iyo Labada Gole baarlamaan Bashiir Cabid Xariir, Salaadiin, cuqaal,odayaal iyo qaar ka mid ahCulimo awdiinka magaalada Burco.
Waxa halkaasi laga soo jeediyey hadalo kaftan u badnaa oo masuuliyiintii halkas ay ka hadashay isku tuurtuurayeen iskuguna jawaabayeen, iyado madashaasna lagula kala wareegay Baaburkaasi oo lagu sheegay hanti qaran ama baabuurtii Dawladda.
Badhasab xigeenki hore ee Gobolka Togdheer Guuled Daahir Samatar oo Gaadhigi si niyad sami ah u wareejiyey kuna wareejiyey Maamulka Gobolka Togdheer, iyadoo wareejinta Baabuurkanina ka danbaysay kadib markii maalmahan u danbeeyey ay hadhaysay suuqyada iyo gudaha magaalada Burco hadalhaynta wareejinta Guriga iyo Gaadhiga Guuled daahir samatar ay Dawladdu siisay markii uu xilka hayey, iyadoo Gaadhiga laga wareejiyey saaka Guuled daahir na ay ku dheggenayd horena ugu dhegennaan jirtey Taarikada shicibka, iyadoo ay dadka Badankoodu hore iyo imminkaba ugu arkayeen una haysteen in Gaadhiga Guuleed uu u lahaa si shakhsi ah ee anay ahayn hanti dawladeed ama qaran.
Guuleed daahir oo kulankaasi saaka hadal o kooban ka jeediyey ayaa si weyn uga cadhaysnaa falal uu ku tilmamay wax sharciga iyo maasuulnimadaba ka baxsan oo lagula kacay masuuliyiin waaweynina ay kula kacday , kaasoo uu ku sheegay in isagoo aan ahayn budhcad wax dhacday Bileys loo soo diray si ay u qabtaan wuxuuna sheegay in taasi ay ahayd meel ka dhac lagula kacay shakhsiyadiisa iyo masuulnimadiisaba, haddii wax laga rabona ay ahayd in waddada saxda ah la soo maro oo loo yeedho si loo wada hadlo “ halka ay maanta fadhiyaan shalay anaa fadhiyey anaa xukumaayey, waxay ahayd in karaamada masuuliyinta, taa maamulka , tayda, ta gobolka iyo tooda intaba ay ilaaliyaan, anigu Tuug maan ahayn wax xaday , nin waddo istaagay oo wax dhacayna maan ahayn ,waxay ahayd hadii wax I soo galeen si sharaf leh oo karaamo leh in badhasabku Telfoon iigu soo diro, inu ii sheego waxa la iga rabo, inaan uga jawaabo sida saxda ah, may dhicin” ayu yidhi Guuled dahir samatar , wuxu hadalkiisa sii raaciyey “anigoo masuul ah, oo badhasaab kuxigenkii Gobolka soo ahaan jirey, oo intay xilkaba hayeen laba bilood ay ahayd, in sidii Tuuga ama nin wax kufsaday ama sakhraana in katiinad la igu xidho, taasina waa mid ka caagan dhaqanka masuuliyiinta, waxan leyahay way dhacday ee yaanay dib u dhicin, haddi aad dib u samaysaan illeen kursiga lamaydan dhalane idinka la idin katiinadayn doonaa” ayu yidhi Guuled dahir.
Guuleed Dahir samtar wuxu sheegay inu gaadhigu yahay mid uu si shakhsi ah u leeyahay, gaadhi dawladeedna aanu ahayn dadkuna sidaas ugu ogaayeen, wuxu sheegay in karaamada odayaashiisa iyo xeerbigtidiisa uu gartay, kuna qaatay arrinkan sidoo kalena uu gartay in Nabadgelyada iyo masuuliyadda sidii u hayn jirey uu mantana u hayo oo nabadgalayada sidedii u ilaaliyo dalkiisa iyo dadkiisana ku badbaadiyo, wuxuu masuulkani u mahad naqay odayaasha, waxgaradka dhalinyarada iyagu gacanta ka geystay arrinkan, wuxu sido u mahadnaqay madaxweynaha somaliland oo uu sheegay inu yahay masuul muujiyey masuuliyaddi qaranku u doortay “waaxan u mahadnaqayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed siilaanyo ee gartay in aniga waxa la igu haystaa ay Dulmi tahay, ee u fekeray si aan u badbaadno xeegona xeego u noqoto ilkona u nabad galaan, aad iyo aad ayaanu u mahadsanyhay waana masuuliyaddi qaranku u doortay” ayu yidhi Guuled Dahir.
Badhasabka Gobolka Togdheer Yasin Muxumed Cabdi ayaa u mahadnaqay Guuled dahir samatar, sheegayna inu yahay masuul muujiyey masuulnimo isla markaasna gartay waxa wanaagsan, wuxu raali gelin ka bixiyey khaladka dhacay ee uu sheegay Guuleed Daahir, isagoo ku macneeyey amar hogaan ciidan inu ahaa aanu ahayn mid maamul Gobol, wuxu aad ugu mahadnaqay Badhasaabku, odayaashii,salaadintii culimo awdinkii iyo saraakiishi ka qaybqaadatay arrinkan soona gebogabaysay saaka, “sxbkay Guuled waxan leeyahay aad iyo aad baa kaaga mahadnaqayaa haddaad qaadatay Go’aankii odayaasha , kii reerka iyo kaayagiiba, masuulna waad ahayd sidaad sheegtayna intaynu ballanay baynan isu iman oo ismaynan haleelin, inaynu wada hadalno ooisu nimaadno ayay ahayd, aad iyo aad ayaan hadalkaad tidhina kaaga raali gelinaynaa, xumaana nagamay ahayn” ayu yidhi Badhasabku.
Guuleed Daahir samatar ayaa Guriga uu ku jirona ku sheegay inu la mid yahay guryaha ay ku jiraan Dadka masuuliyinta ee illa DG iyo ilaa madaxweyne ay ku jiraan.
Ugu Danbaytii kulankii saaka ayaa ahaa mid la isugu laab xaadhayey maamuladii hore iyo kan danbe oo xurguf ka bilaabantay hantida dawladdu ay dhex martay.
Source Hadhwanaagnews

- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baabur
xagee baa lagu sheegay ina qasab lagaga qaaday? yaa ka qaadayna?
Re: Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baabur
lol Kalil don't take this kid serious his just over-hyping as usual.
Gudoomiye Ku-Xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer oo Maanta Gaadhigii uu Khilaafku Ka Dhashay ku Wareejiyay Maamulka Gobolka
http://oodweynenews.com/news/19248-gudo ... 80%8f.html

Gudoomiye Ku-Xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer oo Maanta Gaadhigii uu Khilaafku Ka Dhashay ku Wareejiyay Maamulka Gobolka
http://oodweynenews.com/news/19248-gudo ... 80%8f.html
- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baabur
LOOL, Siciidow warkan waan hayaaye isagaan rabay bal inuu inoo sheego meesha ninkan qasab gaadhi loogaga qaaday:
Dareenka laga qaatay tegitaanka Ciidammada Birmadka oo dhawr Baabuur ka koobnaa awgood, ayaa keenay in ay dhinaca Guddoomiye ku-xigeenkii hore isa soo dhoobaan Rag tira badan oo aad u hubaysan, si ay u difaacaan haddiiba Ciidankaasi isku dayo inay xoog ku qabtaan Guuleed Daahir. http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=4787
Guuleed Daahir Samatar waa geesi oo cid xidhi kartaa ma jirto. Dawlada Cusub iyo Booliska intaba wuu ceebeeyey oo waxba way ka qaadi kariwaayeen. Dhawr goor ayay isku dayeen inay xidhaan oo intaba way ku fashilmeen markay dadkiisu la safteen oo difaaceen. Hadda gurigiisa rag badan oo hubaysan ayaa jooga oo cidi uma tegi karto.
Dareenka laga qaatay tegitaanka Ciidammada Birmadka oo dhawr Baabuur ka koobnaa awgood, ayaa keenay in ay dhinaca Guddoomiye ku-xigeenkii hore isa soo dhoobaan Rag tira badan oo aad u hubaysan, si ay u difaacaan haddiiba Ciidankaasi isku dayo inay xoog ku qabtaan Guuleed Daahir. http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=4787
Guuleed Daahir Samatar waa geesi oo cid xidhi kartaa ma jirto. Dawlada Cusub iyo Booliska intaba wuu ceebeeyey oo waxba way ka qaadi kariwaayeen. Dhawr goor ayay isku dayeen inay xidhaan oo intaba way ku fashilmeen markay dadkiisu la safteen oo difaaceen. Hadda gurigiisa rag badan oo hubaysan ayaa jooga oo cidi uma tegi karto.
- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baabur
Badhasabka Gobolka Togdheer Yasin Muxumed Cabdi ayaa u mahadnaqay Guuled dahir samatar, sheegayna inu yahay masuul muujiyey masuulnimo isla markaasna gartay waxa wanaagsan, wuxu raali gelin ka bixiyey khaladka dhacay ee uu sheegay Guuleed Daahir, isagoo ku macneeyey amar hogaan ciidan inu ahaa aanu ahayn mid maamul Gobol, wuxu aad ugu mahadnaqay Badhasaabku, odayaashii,salaadintii culimo awdinkii iyo saraakiishi ka qaybqaadatay arrinkan soona gebogabaysay saaka, "sxbkay Guuled waxan leeyahay aad iyo aad baa kaaga mahadnaqayaa haddaad qaadatay Go’aankii odayaasha , kii reerka iyo kaayagiiba, masuulna waad ahayd sidaad sheegtayna intaynu ballanay baynan isu iman oo ismaynan haleelin, inaynu wada hadalno ooisu nimaadno ayay ahayd, aad iyo aad ayaan hadalkaad tidhina kaaga raali gelinaynaa, xumaana nagamay ahayn" ayu yidhi Badhasabku.
Guuleed Daahir samatar ayaa Guriga uu ku jirona ku sheegay inu la mid yahay guryaha ay ku jiraan Dadka masuuliyinta ee illa DG iyo ilaa madaxweyne ay ku jiraan.
Ugu Danbaytii kulankii saaka ayaa ahaa mid la isugu laab xaadhayey maamuladii hore iyo kan danbe oo xurguf ka bilaabantay hantida dawladdu ay dhex martay.
http://www.hadhwanaag.com/detail.asp?id=21375
isagaaba la raali gelinayaa oo la leeyahay ina boolis laguusoo diro ma ahayne yaa ku dhaca ina qasab lagaga qaado
Guuleed Daahir samatar ayaa Guriga uu ku jirona ku sheegay inu la mid yahay guryaha ay ku jiraan Dadka masuuliyinta ee illa DG iyo ilaa madaxweyne ay ku jiraan.
Ugu Danbaytii kulankii saaka ayaa ahaa mid la isugu laab xaadhayey maamuladii hore iyo kan danbe oo xurguf ka bilaabantay hantida dawladdu ay dhex martay.
http://www.hadhwanaag.com/detail.asp?id=21375
isagaaba la raali gelinayaa oo la leeyahay ina boolis laguusoo diro ma ahayne yaa ku dhaca ina qasab lagaga qaado

Re: Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baabur
D/P.
Last edited by Siciid85 on Thu Oct 07, 2010 2:18 pm, edited 1 time in total.
Re: Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baabur

- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baabur
LOOOL, NIN HABAR YOONIS AH YAA BURCO KU XIDHI KARA. QUWADA HABAR YOONIS AYAY KU TUSAYSAA. DAWLADA KULMIYE NINKAN IYO NINKII GUDOOMIYAHA BANGIGA AHAAN JIRAYBA WAY KU FASHILMEEN. GUDOOMIYIHII BANGIGA IYO RAGII KALE HABAR YOONISTA FARAHAA LAGA QAADAY OO BAADHISTII WAA LA JOOJIYAY MARKII HABAR YOONISTU HARGEYSA, BURCO IYO CEERIGAABOBA ISLA KACEEN EE DAWLADA AMREEN INAY BAADHISTA JOOJIYAAN OO WELIBA RAGANA RAALI GELIYAAN. MARKIIBA BAADHISTII WAA LA JOOJIYAY OO DAWLADUNA RAALIGELIN AYAY KA BIXISAY ARRINTAA.
Re: Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baabur
kaliil, dee wa siida sxb meeshu maha magaalo ee ciidi la doona layska xidhi karo. 

- GENERAL_SNM
- SomaliNet Super
- Posts: 9757
- Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
- Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''
Re: Badhasbki Kuxigeenki Hore oo Qasab Lagaga Qaaday Baabur
War abti dont worry we all on the same team. However, you must agree that anbody accused of wrong doing should be brought to justice. No singl qail is above the law and no single qabil is below the law. If we fail to understand this simple concept we will join our brothers in the south and embrace the lawlessnes.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 505 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 0 Replies
- 208 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 0 Replies
- 204 Views
-
Last post by ABSAME'
-
- 5 Replies
- 499 Views
-
Last post by mvp
-
- 5 Replies
- 841 Views
-
Last post by thegoodshepherd
-
- 8 Replies
- 827 Views
-
Last post by Saraxnow
-
- 5 Replies
- 303 Views
-
Last post by C O S T A
-
- 2 Replies
- 387 Views
-
Last post by LeJusticier
-
- 8 Replies
- 1111 Views
-
Last post by Faant
-
- 20 Replies
- 997 Views
-
Last post by TheLoFather