Written by Yool
Oct 07, 2010 at 03:05 AM
Burco(Yool)-Hoggaanka Ciidanka Gurmadka ee Somaliland, ayaa la sheegay inay Shalay gelinkii danbe gaadheen Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Safarka Sarkaalka ee Ciidanku weheliyaan oo ah mid si kedis ah, ayaa wararku sheegayaan in ujeedadiisu ahayd fulinta amar Wasaaradda Daakhiligu ku gaadhya qabashada Badhasaab-ku-xigeenkii hore ee Gobolka, oo isagu haatan ku sugan Magaalada Burco.
Talaabadan ayaa wararku tibaaxeen inay xiisad iyo dareen cadho leh ka abuuratay Magaalada Burco, iyadoo waxgaradka iyo odoyaasha Magaaladaasina au ku tilmaameen arintan mid xasilooni-daro lagaga abuurayo Gobolka, isla markaana aanay garanayn macnah iyo ujeedada dhibaatada looga abuurayo Burco.
Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Gobolka Md. Guuleed, ayaa waxa hore Ciidamada Boolisku isugu dayeen inay qabtaan, balse ay markii danbe ku guuldaraysteen isku daygoodaasi, kaasoo la sheegay inay hadda Gurigiisa ilaalinayaan Ciidamo xoogan oo ku hubaysan qoryo culus.
Qabashada lagu damacsan yahay in lagu soo qabto Masuulkaasi, ayaa la sheegay inay amarkeedu ka soo baxay Wasaaradda Daakhiliga, iyadoo wararku intaa ku dareen in Wasiirku ganafka-ku-dhiftay waan-waan iyo dedaal ay odayaal iyo Cuqaal badani ka wadeen arintan, isla markaana uu Wasiirku ku adkaystay inuu fulinayo amarka uu bixiyey.
Toddobaadkii u danbeeyey, ayaa waxa Magaalada Burco si weyn looga dareemayey dhacdadan, taasoo laga bixiyey dareen iyo aragtiyo kala duwan oo lagu eedaynayo Xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo, waxaanay dadka qaarkood ku celcelinayeen erayo ay ka mid yihiin isbedelkii aanu doonayneyn ma waxa uu noqday iska horkeenka shacbiga reer Burco.
Wargyska YOOL.
Guleed Dahiir has his own Armed Militia where is the Gov LOL
Moderator: Moderators
- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Guleed Dahiir has his own Armed Militia where is the Gov
Siciidow dawlada laguu sheegayaa Galbeedka Hargeysa iyo Bariga Burco ma dhaafsana.
- KingWaslawi
- SomaliNet Super
- Posts: 5295
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: Guleed Dahiir has his own Armed Militia where is the Gov
Niyaw dadka qaar waa maan gaab walahi! bal labadan dhoos waxay isugu hal celinayaan eega!
Meeshu Xamar maaha! Ee waddan Somaliland la yidhaahda oo dimiqraadiya,
Meeshu Xamar maaha! Ee waddan Somaliland la yidhaahda oo dimiqraadiya,
Re: Guleed Dahiir has his own Armed Militia where is the Gov
Kalil,
that is a bit harsh i wouldn't go that far laakinse it's clear the gun & the natives are the law of the land, somaliland still has some maturing to do first the guy called Cawar who threatened Cirro former minister infront of the presidential areas heavily armed
and now Guleed dahiir with his own militia
.



-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 12 Replies
- 1610 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 7 Replies
- 1286 Views
-
Last post by udun
-
- 188 Replies
- 16724 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 20 Replies
- 297 Views
-
Last post by GENERAL_SNM
-
- 34 Replies
- 2936 Views
-
Last post by Executive
-
- 19 Replies
- 2165 Views
-
Last post by Colonel
-
- 5 Replies
- 759 Views
-
Last post by Newboy
-
- 1 Replies
- 478 Views
-
Last post by siren
-
- 1 Replies
- 787 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 8 Replies
- 864 Views
-
Last post by Maroodijex