Ma dhici kartaa in aan gumaysiga ka xorowno oon la mid noqono umadaha xorta ah isla markaana aynaan u marin wadadii ay u mareen shucuubtaa xorowday? Ma dhici kartaa inaan gumaysiga la dagaalano isla markaana aanay jirin dhibaato ay inoo gaysanayaan gumaysi kalkaalka? Ma dhici kartaa shacab gobanimadoon ah inuusan ka soo bixin qaar badanoo uu gumaysiga ku shaqaysto? Dhibaatada daba-qoodhiga Hawaarinta, bakhti-afuufka iyo kooxaha kaamiradaha isu dhiga ee leh waxbaan la heshiinay ma mid u gaar ahbaa shacabkeena mise waa mid ay soo wada mareen dhamaan shucuubtii soo halgantay? Hadday tahay mid la soo wada maray siday uga soo gudbeen?
Su'aalahaa iyo qaar badanoo ku lamaanan waxaa keenaya in la'isweydiiyo odhaahda ah – innagii umbaa islaynayna – oy soo celceliyaan dadka aan aqoonin taariikhda shucuubta taasoo laga yaabo in loola jeedo marba hadday arintu sidaa noqotay maan joojino halganka oon isdhiibno.
Quraanka waxaan ku aragnay in lagu khatimo (فأعتبروا يا أولى الألباب) marka laga qisoodo umadihii hore taasoo ah in lagu cibrad qaato taariikhda umadihii hore oo wixii wanaag ahna looga daydo kuwii wanaaga waday, wixii xumaan ahaa ay faleena looga baydho.
Dhamaan shucuubtii u soo halgantay xoriyadooda dhibka inaga haysta kooxdan gumaysi kalkaalka ah mid la mid ah ama ka daran umbay ka soo mareen. Waana arin caadi ah in la arko qaar la safan gumaysiga oo safka hore kaga jira dagaalka iyagoo waliba dhibka soo gaaraya uusan ka naxaynin cadawga, meesha ay iyagu uga naxaan guuldarada soo gaadha ciidamadiisa si aanu uga nixin gumaysiga qudhiisa.
Hadaan taariikhda dhow dib u fiirino kacdoonkii reer Algeria oo ka mid ah halganada caalamka laga darso waxaa ka mid ahaa ciidamada farasiiska oo ka garab dagaalamayay qaar loo yaqiinay – Xaraki –. Waxay taariikhyahanka ka qoreen arimahaa sidan;
Ereygan (Xaraki) waxaa loo yaqaanay muslimiintii Algeria u dhalatay ee ka garab dagaalamayay ciidamada Farasiiska. Qaar kuwaa ka mid ah waxay ahaayeen ciidankii la odhan jiray (Free French forces) oo ka soo qayb galay xoreyntii Faransa dagaalkii 2aad ee aduunka ama ka soo qaybgalay dalgaaladii Vietnam. Waxaa kaloo ka mid ahaa Xarakiga dad Algeeriyaan ah oo taageersan Faransiiska.
Dawladda Faransiiska waxay ku qiyaastay 1962 in ciidanka Xarakiga ee la shaqaynayay ciidamada Faransiiska ay dhanaayeen 236,000 oo muslimiinta Algeeriya ah, kuwaasoo ka badnaa afar jibaar jabahddii gobanimadoonka Algeria ee FLN. Waxay ka mid ahaayeen ama ciidanka rasmiga ah ee dawladda qaybaha (Spahis and Tirailleurs) ama maleesiyaadka (harkis and moghaznis).
Taariikhyahanka qaar ayaa waxay ku qiyaasaan dadka muslimiinta Algeria ee daacadda u ahaa Faransiiska marka lagu daro qoysaskooda inay dhanaayeen 1 million.
(The so-called Harkis, from the Algerian-Arabic dialect word harki (soldier), were the indigenous Muslim Algerians (as opposed to European-descended Catholics or indigenous Algerian Mizrachi Sephardi Jews) who fought as auxiliaries on the side of the French army. Some of these were veterans of the Free French Forces who participated in the liberation of France during World War II or in the Indochina War. The term also came to include civilian indigenous Algerians who supported a French Algeria. According to French government figures, there were 236,000 Algerian Muslims serving in the French Army in 1962 (four times more than in the FLN), either in regular units (Spahis and Tirailleurs) or as irregulars (harkis and moghaznis). Some estimates suggest that, with their families, the indigenous Muslim loyalists may have numbered as many as 1 million.)
Dabaqoodhigii Algeria ee –Xaraki- ee ku soo afar jibaarmayay ciidamada gobanimadoonka ee FLN iyo ciidankii Farasiiska oo waqtiyadii ugu dambeeyay cadadkooda uu gaaray 400,000 oo askari oy ka mid yihiin ciidanka komaandooska loo yaqaano (elite airborne units and the Foreign Legion), maxay ka badaleen geedi socodkii gobanimada Algeria? Jawaabtu waa waxba. Ugu dambayntii 1962 markay xoriyadda qaadatay Algeria waxaa la soo cararay Farasiiskii 91,000 oo Xaraki ah inkastoo ay dawladda Faransiiska arintaasi horjoogsatay oy go'aan adag ka soo saartey. Xarakiga waxaa loo arkayay inay yihiin khaa'in qaar badanoo ka mid ahaana gobanamidaii ka dib waa la xukmay.
(In 1962, around 91,000 Harkis fled or sailed to France, despite French policy against this. Pierre Messmer, minister of the armies and Louis Joxe, minister for Algerian affairs gave orders to this effect).
Cabdi ilay iyo dhibaatada uu ku hayo shacabka waxba kama badalayso geedi socodka halganka ay JWXO hormuudka ka tahay, sababtoo ah taariikhda shucuubtii soo halgantay ayaa ah midaa. Waxbana iskama badalin. Lama hayo gobanimadoon lagaga guulaystay daba-qoodhi. Sababtoo ah, qofka gobanimadoonka ah wuxuu ku dagaalamayaa xaq iyo mabda'a sax ah, meesha uu midka daba-qoodhiga ah ku dagaalamayo gunno la siiyay ama cabsi uu ka qabo inuu gumaysiga dhibaateeyo isaga iyo reerkiisa.
ONA.