Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan qaybta Waqooyi lagu qisaasay labo nin oo lagu eedeyey in ay ka danbeyeen dilka askari ka tirsanaa Dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo.
Qisaasta labadaas nin ayaa timid kadib markii Maxkamada darajada kowaad ay ku xukuntay in la qisaaso,waxaana ka qaybgalay xukunka qisaasta oo goobjoog ka ahaayeen masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo dadweyne.
Goobta ay ka dhacaysay qisaasta waxaa si aad ah loo adkeeyey amniga oo ay sugayeen ciidanka amaanka.
Ma ahaan markii ugu horeysay xukun qisaas oo noocaan kale laga fuliyo magaalada Gaalkacyo.
Horseed Media
No one------NO ONE is beyond the great state.
