S/ land police capture Ethio Alcohol smuglers head to bosaso
Posted: Wed Oct 13, 2010 8:00 pm
Boliiska Ceerigaabo Oo Qabtay Shixnad Khamri iyo Maxkamadda Gobolka Oo Xukuntay.
Ceerigaabo(OWN)- Boliiska Ceerigaabo ayaa subaxnimadii Salaasada waxay gudaha magaaladaasi ku qabteen shixnad maandooriyaha nooca loo yaqaanno Khamriga, kaasi oo isagoo ku jira caagadaha noocyada kala duwan ee biyaha macaan lagu iibiyo lagusoo qariyey kiintaallo ay ku jiraan midhaha la quuto ee Misirka loo yaqaanno. Waxayna sidoo kale boliisku halkaas ku qabteen laba nin oo sida la sheegay midkood yahay kii sitey maandooriyahan halka kan labaadna yahay ninkii gurigiisa lagu soo dejiyey oo labaduba u dhashay dalka Itoobiya. Waxana boliisku weli ku raad joogaan baabuurkii khamrigan keenay iyo ciddii kale ee arrintan lug ku lahayd.
“Saxaafadda Waxannu u sheegaynaa shalayto in aannu qabannay sagaal kiish oo Misir ah ayna ku jiraan Khamri dhan 116 caagadaha biya-saxada lagu soo shubay oo sida aannu warka ku helnay laga keenay Itoobiya laguna wadey dhinaca Boosaaso(Puntland)”. Sidaas wax yidhi Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolk Sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo saxaafadda la hadlayey.
Waxana taliyaha boliisku intaas kusii daray “Farsamada noocani waa mid innoo cusub oo aynaan hore u arag markaa shacabka (gaadiidleyda iyo bulshada kaleba) iyo ciidammada ku hawllan waxannu uga digaynaa in ay ka feejignaadaan oo mar kstaba ka taxaddiraan maandooriye noocan oo kale in loogu qariyo”.
Labada nin ee boliisku kusoo qabteen khamrigaas ayaa maxkamadda gobolka Sanaag/Ceerigaabo isla Arbacadii (shalayto) waxay ku riddey xukunno kala ah hal sano iyo badh ninkii keenay lagu xukumay iyo lix bilood oo ninkii gurigiisa la dhigay lagu xukumay. Waxana Khamrigaas maanta lagu gubey maxkamadda horteeda.
Dhinaca kalena iyadoo xilliyo hore oo noocan oo kale boliisku usoo qabteen maandooriyaha noocan oo kale ah islmarkaasna maxkamaddu xukunno kan oo kale ah ka gaadhey ayaa haddana mar kastaba tallaabada noocan oo kale ee boliisku qaadeen waxay wax badan ka tari doontaa ilaalinta iyo xakamaynta maandooriyayaasha khamrigu ka mid yahay ee laga ganacsado.
Oodweynenews.com/Ceerigaabo