More somaliland troops deployed in west awdal

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

More somaliland troops deployed in west awdal

Post by Khalid Ali »

Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Degay Deegaanka Bullo-cado Iskuna Ballaadhiyey Xeebaha Galbeedka Dalka.





Hargeysa(Ramaas) Okt.15, 2010 - Wararka ka imanaya xeebaha galbeedka ee Somaliland, ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo u dirtay ciidamo tiro badan deegaanada tuulada Bull-cado ee xeebta magaalada Lughaya, taas oo lagu micneeyey in halkaas loo geeyey si ay u sugaan amaanka xeebaha deegaanada galbeedka dalka.


Sida ay wararku sheegayaan todobaadkan ayey cutubyo ka tirsan ciidanka milateriga Somaliland degeen tuuladaas oo leh deked macmal ah oo wax laga soo dajin karo, waxna laga dhoofin karo. Soo degitaanka ciidanka qaranka ee jiidaas, ayaa la sheegayaa in ay ka dambaysay ka dib markii ay bishii hore halkaas ka soo degeen maleeshiyaad tiradooda lagu sheegay in ay kor u dhaafaysay laba boqol oo nin oo hubaysan, kuwaas oo la sheegay in ay duulimaad ku ahaayeen dawlada dariska ah ee Itoobiya, isla markaana ay ka tirsanaayeen jabhada ONLF ee dagaalka kula jira dalka Itoobiya, kuwaas oo markii dambe dagaalo qadhaadh ciidamada Itoobiya ku dhex mareen meel gudaha dalkaas u dhaw oo ah xuduudka ay la wadaagaan Somaliland.


Tuulada Bull-cado ayaa sidoo kale waxa ay ahayd marin ay adeegsan jireen tahriibayaal ka yimaada dalka gudihiisa iyo dalalka dariska ah, kuwaas oo wararka laga helay dadka deegaankaas ku dhow dhow tibaxaayaan in halkaas doonyo lagaga qaadi jiray dadkaas intii aanay xukuumadii hore ka war helin, iyadoo wakhtigaas boqolaal tahriibayaal ahi iyo gaadiid sidayba laga soo qab-qabtay deegaankaas xeebta ah, ka dibna loo gudbiyey halkii ay markii hore ka yimaadeen.


Si kastaba ahaatee, degitaanka ciidamada qaranka ee lagu dajiyey jiidaas ayaa noqon karta mid ay Somaliland kaga badbaadi karo amaan darro mar kale ka soo wajhada xeebaha galbeedka dalka, isla markaana ceeb u soo jiidi karta amaanka.


Goobtan Bullo-cado ayaa ah meel lama degaan ah oo ay ku yar yihiin geeduhu. Iyadoo dhinaca kalena ka mid ah goobaha ugu kulul wakhtiga xaggaaga, lamana oga in ciidamada qaranka ee kala yimid degaanada Somaliland ay u adkaysan doonaan hanfiga faraha badan ee leefi doona wakhtiyada soo socda
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: More somaliland troops deployed in west awdal

Post by Siciid85 »

:up: :sland:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”