Sheekh Khaliif Guure oo si taxadar leh usoo dhaweeyey Ra’isulwasaaraha cusub
--------------------------------------------------------------------------------
Kn: Gudoomiyaha golaha guurtida Jubbaland Sheekh Khaliif Guure oo war kooban siiyey saxaafada gobolka ayaa soo dhaweeyey magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub Maxamed Cabdullaahi Farayaamo, balse wuxuu sheegey ay ka wardhoowrayaan talaabo-qaadkiisa
“waan soo dhaweynayaa Ra’isulwasaaraha cusub, waxaanan ka rajaynayaa in uu xilkiisa kasoo boxo” ayuu yiri Sheekh Khaliif Guure.
Gudoomiyaha oo hormuud ka ah barnaamijka ciidamada Jubooyinka loogu talogalay ayaa mar uu arrintaasi ka hadlayay waxa uu yiri “Dowlada markii hore barnaamijkani waa kasoo horjeedey, balse hadda waxaan isku waafaqsanahay in uu dhaqaaqo oo laga shaqaysiiyo, Ra’isulwasaaraha cusub waxaan wada socon doonaa illaa inta uu isagana waafaqsanyahay barnaamijkani Jubaland , maalinta uu kasoo horjeedsado inagana waan kala xarig furanay” Ayuu yiri Khaliif Guure
Dhanka kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhawaan lagu dhawaaqi doono maamul goboleed Jubaland xili ciidamada loo diyaariyey in ay ka howlgalaan deegaanada Jubooyinka oo ay haatan Alshabaab gacanta ku heyso.
Xigasho: Kismaayo News
Sheekh Khaliif Guure oo soo dhaweeyey Ra’isulwasaaraha cusub
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 16 Replies
- 2114 Views
-
Last post by HorseedS
-
- 0 Replies
- 340 Views
-
Last post by Cunaaye25
-
- 1 Replies
- 973 Views
-
Last post by Nubis
-
- 3 Replies
- 495 Views
-
Last post by B_A_D_O_W
-
- 0 Replies
- 369 Views
-
Last post by sahal80
-
- 19 Replies
- 1619 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 31 Replies
- 2192 Views
-
Last post by Turbulence
-
- 4 Replies
- 1032 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH