OG calaacal on Barre's recent expedition

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

OG calaacal on Barre's recent expedition

Post by grandpakhalif »

Waxaan jeclaan lahaa in bahda waamonews iyo aqristayaasha aan ku baraarujiyo isbadeleda kusoo food leh jubooyinka.Waxaan in badan hadal haynteenna ahayd in jubooyinka loo diyaariyey ciidamo ku xareesan kenya oo uu hogaaminayo Gandhi.
Waamonews waa in aad lasocotaan in Bare Hiraale iyo xulufadiisa aysan ahayn kuwa damacooda yahay deegaanada Gedo balse ay damacooda uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen Xarunta Gobolka jubooyinka ee Kismaayo.
Dawlada ethiopia waa dawdad ku dhiiran in ay ka dhabayso faragalinta ay la damac santahay gobolka waxay doontaba ha usoo martee, halka dawlada kenya aysan lahayn dhiiranaan ay ku hawlgaliso ciidamada kuxareesan xirooyinkeeda oo uu hormuudka ka yahay Gandhi .
Waxaa soo baxaya ayaa ah in damaca Bare hiiraale uu noqon karo mid suurta galo halka damaca Gandhi ay rajadiisa tahay mid liidato.Tusaale wanaagsan ayaa ah isku daygan uu kula wareegay baladxaawo halka Gandhi uu san samaynin wax siku day ah haba yaraatee.
Dadka daneeyo arimaha gobolkan waxaad moodaa in uu Gandhi ka gaabiyey in uu lasoo baxo firfircooni uu ku xaqiijiyo barnaamijkiisa oo ku dhaw dhicisnimo ,maadaama aan laga haynin wax hawl qabad millitary uu ku muujinayo in uu suurta galin karo damaciisa.
Gandhi iyo barnaamijka kenya laga wado waa mid wax badan ka badeli lahaa gobolka oo dad badan udhag taagayaan si kastaba ha noqoto rajadiisa laakin suaasha taagan ayaa ah . Gandhi miyuu ka hortagi karaa damaca Bare Hiraale oo Gobolka kuleh xulufo kudhiiran in kismaayo gacanta kudhigaan wax doontaba haku qaadatee iyagoo haatan helay nin jufadooda kasoo jeedo oo loo magacaabay xilka Raisalwasaarnimo ee dalka Somalia .
Xulashada shaqsigan kasoo jeedo beesha sade ee loo xushay xilka Raisal wasaarnimo waxay salka ku haysaa dareen qaas ah ay wadaagaan beelha Sade iyo Hawiye oo doonayo in nidhaam federaal ah uu san ka hergalin dalka.Raisal wasaare cabdirashiid iyo Shariif waxay isku qabteen waa qodobka dastuurka qeexayo in somalia ay noqoto dawlad federaal ah, mise?.
Shariif hataan waxa uu ukeenay Raisalwasaarahan Cusub waa mid ka turjumayo dareenkiisa uu ku diidan yahay nidhaam federaal ah oo ka hergalo gobolada dalka isagoo ka hawl galin is hortaagida barnaamijkaa Raisalwasarihiisa Farmaajo.
Hadaba waxaan filanayno ayaa ah in Raisal wasaaraha uusan noqon doonin qof taageera nidhaam goboleesi ka hergalo jubooyinka maadaama aysan marnaba muuqaal hogaanimo iyo heeykal wacan oo siyaasadeed aysan ka helo karin jufadiisa Sade oo wax ku noqon korto in gobolka uu kujiro xaalad isku dhex yaac iyo fawdo mise in la helo dawlad dhexe oo dalka qabata.
Marka hadii aynu nahay dadka gobolkan kasoo jeedo waxaa haboon in dib loogu laabto qaabkii wax inoogu suurta gali lahayeen oo looga dabaalan lahaa dabeelaha xooogan ee nagu soo wajahan.
Marka hore waxaan kutalin lahaa in beelaha dego Jubadahoose iyo jubada dhexe ay si degdeg ah iskaga imaadaan xaaladan.Lasameeyo barnaamin siyaasadeed ay ku idil yihiin dhamaantood, dibna loo darso qaladaadka ka jiro qaab nidhaameedka uu wax ku wado Gandhi.
Waxa soo bixi doono dhawaan ayaa ah in dadka ay dan ugu jirto nidhaam goboleesi uu yahay dadka ku dhaqan labada Jubo aysan ahayn dadka reer Caabudwaaq iyo Gedo. Sidaa daraadeed aniga waxaan qabaa in nidhaam la isku keeno wax garadka ,aqoon yahanada,isimada,culimada ,dhaliyarta iyo haweenka labadan gobol laga shaqeeyo oo aynan aayaheena kusii daynin ashqaas gaar ah sida Gandhi sababtoo ah qasab ma ah in isaga looga dambeeyo qadiyadan oo mid waajib ah in aan iskaga imaano oo sameesanno qadiyad ina wada qeexdo oo ka hufan qabyaalad iyo reer reer.
Jufo iyo qabiil toona nidhaam maseemeesan karaan ee waxaa ladoonayo in dadka gobolka dego lagu beero afkaaraha lagu gaaro kala dambayn ,cadaalad iyo hormar.Waxaa jeclaan lahaa in aan nafsadeeda iyo tiinaba uga digo in aanan isku dayin siyaasad sal looga dhigay qabyaalad Absamonimo ah aynan ka hergalin gobolka.Qabiilka marki uu siyaasada lagaliyo wuxuu noqdo mashaqo aan laga dhamaan oo kun waji yeelato.
Dadka gobolkan dego qaasatan labadan jubo ee jubadaa hoose iyo jubada dhexe uma baahno in qaab qabiil loo abaabulo ee waxay ubaahan yihiin in qaab degaaneed , loo abaabulo oo dadka lagu wacyi galiyo in dantooda ay kujirto in maslaxda caamka ee ka dhexeeyso ka wada shaqeeyaan.In loo balan qaado lagana qeeb galiyo nidhaamka laga yegleelayo gobolka iyagoo doorkooda siyaasadeed iyo mida bulsho ee goblka loo xaqiijinayo shaki la’aan.
Waxaan qabaa hadii aynu sidaa samayno in aynu badbaadin karno mashruucan maamul goboleed aynu kasamayno gobolka.Haatan sida wax yihiin wax badan baa ka qaldan, dad badan oo xaq kuleh gobolkanna kama dhex muuqdaan sidii ku haboonayd ,mashruucan uu daadihinayo Gandhi.
Fadlan aynu sawirka meel fog ka eegno si aysan udhicin in la kala qeebsado shacabka labadan gobol iyadoo sabab utahay siyaasad xumo inaga soo fusho oo aanan lahayn xaqiiq ka turjumta waaqica gobolka iyo qaabka loo midayn karo bulshada labadan gobol kudhaqan.
Waad mahad santihiin.

:lol: :lol: :lol:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”