Siciid85 wrote:

@
North Somalia.
Dhahar, Buhoodle, Puntland (Faaroole)
Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye oo soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Cusub.
Muqdisho: (Sh. M. Network) Golaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa markii ugu horeysay waxaa ay soo dhaweeyeen magaacabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda KMG ee Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo)
Isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa waxaa uu soo dhaweeyay magacaabista Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo).
Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu mudo dheer u fikirayay sidii uu ku soo magacaabi lahaa Ra’iisul wasaare waxtar leh islamarkaana wax ka qabankara marxladda uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya.
Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali waxaa uu tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha uu yahay nin aqoon eh, waxaana uu sheegay inay rajo ka qabaan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu wax u qabto, isagoo ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan Ra’iisul wasaaraha cusub.
Axmed Diiriye Cali waxaa uu sidoo kale ugu baaqay waxgaradka iyo Barlamanka Soomaaliya inay ansixiyaan islamarkaana ay siiyaan codka kalsoonida, waxaana uu Afhayeenka ka codsay Ra’iisul wasaare Farmaajo in uu soo xusho wasiirada uu doonayo in ay Xukuumadiisa ka mid noqondoona.
Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa horey waxaa uu u sheegay in uu waxkaqaban doono marxaladaha adag ee uu dalka ku jiro isagoo sheegay in uu wadahadal lagali doono dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR
Webmaster@shabelle.netThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
...