Siciid85 wrote:Murax. check this out.
Puntland Waanu Ka baxaynaa TFG
Garoowe: (Sh. M. Network) Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in gabi ahaanba ay isaga bixi doonaan ka mid ahaanshiyaha dowladda KMG ee Soomaaliya hadii aan Dastuurka qabyada ah lagu salayn qaabka Federaalka.
Wasiirka Dastuurka iyo arimaha federaalka Maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdi Xasan Jimcaale oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in dastuurka qabyada ah ee dowladda KMG Soomaaliya ay uga jiraan dal daloolo ay cabasho ka muujinayaan isagoo sheegay in war qad qoraal ah ay u gudbinayaan gudiga Dastuurka.
Waxaa uu sheegay in hadii qaab federal ah lagu sameyn waayo dastuurka cusub ay isaga bixi doonaan ka mid ahaanshiyaha dowladda federaalka KMG Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ku rajo weynyihiin in nidaamka dastuurka cusub looyeelo federal.
Lama oga jawaabta arintaani ay ka bixin doonaan Gudiga Dastuurka madaxa banaan ee dowladda KMG Soomaaliya, inkastoo haatan sameynta dastuurkaasi uu hakad galay kadib markii ay isku khilaafeen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaarihii is casilay ee Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Is this true, only other site I seen it in was in SOL.