Somaliland foreing minister meets Djiboutian President
Posted: Tue Oct 19, 2010 2:37 pm
Wasiirka arimaha dibada SL Oo Kulamo La Yeeshay Madaxweynaha Iyo Wasiirka Khaarajiga Ee Jibouti
Written by Qaran news
Oct 19, 2010 at 02:09 PM
Wasiirka arimaha dibada Somaliland oo kulamo la yeeshay madaxweynaha iyo wasiirka khaarajiga ee Jabuuti
Djibouti,(Qaran news)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo booqasho diblomaasiyadeed ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta oo Salaasa -19 October,2010 qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti kulan rasmi ah kula yeeshay Madaxwaynaha Dawladda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirku wuxuu Madaxwaynaha u gudbiyaya fariin uu ka siday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo nuxurkeedu yahay sida shacabka iyo xukuumadda Somaliland ay u danaynayaan horumarinta xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Jabuuti, iyo in loo baahan yahay kobcinta xidhiidhkaasi. Wasiirka iyo madaxwaynuhu waxay is waydaarsadeen hadalo ka turjumayay mawqifka labada dal ee siyaasadda mandaqada geeska Afrika iyo ilaalinta xasiloonida oo ah dan guud oo ay wadaagaan labada dal iyo wadamada kale ee gobolkuba. Madaxwayne Ismaaciil Cumar geelle wuxuu dadka Somaliland ugu hambalyeeyay guulaha dhinacyada badan leh ee ay gaadheen.
Isla maanta galinkii hore wuxuu wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed cabdillahi Cumar, kulan dheer la yeeshay Safiirka dawladda maraykanka u fadhiya dalka Jabuuti, Ambassador Swan. Waxaa kulankan lagaga wada hadlay siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku wajahan taageerada iyo la shaqaynta Somaliland. waxaa kulanka oo hore loo sii qorsheeyay ujeedadiisu ahayd inay Somaliland talo ka gaysato siyaasad la filayo in dhawaan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ka soo saarto magaalada washington oo ku wajahan Somaliya iyo Somaliland. wuxuuna wasiirku u ololaynayay sidii aragtida iyo qorshaha xukuumada Somaliland loogu xisaabtami lahaa ka hor inta aanu siyaasaddaasi soo bixin dabayaaqada todobaabkan.
Waxaa kaloo shalay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf. Waxay labada wasiir kawada hadleen sidii loo dardar-galin lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacayada ganacsiga, nabadgalyada iyo siyaasadda. waxayna isku raaceen qorshe wax lagaga qabanayo fulinta arrimaha ay kawada hadleen. Shirka ka dib wuxuu wasiirka khaarajiga Jabuuti qado-sharaf u sameeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Dhinaca kale , waxaa maanta wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland qada-sharaf ugu sameeyay hudheelka uu degen yahay wasiirku ee Kimpenski, xubno ka tirsan xukuumadda dawladda jabuuti, qaar ka mid ah ganacasata waawayn ee reer Jabuuti, jaaliyadda Somaliland iyo hogaamiye dhaqameedyo.
Shalay galinkii danbe waxaa wasiirka khaarjiga ee Somaliland la soo tusay hawlaha horumarinta ee dalka Jabuuti ku talaabsaday sanadihii ugu denbeeyay oo ay ka mid tahay balaladhinta dekedda iyo mashaariicda badan oo nawaaxigeeda laga hirgaliyay.
Waxaa la qorshaynayaa in Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhawaan booqasho ku tago Jamhuuriyadda jabuuti, oo qayb ka ah safar madaxwaynuhu dhawaan ku tagi doono wadamo ka mid ah dalalka jaarka.
=