The Colonel speaks!

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

The Colonel speaks!

Post by grandpakhalif »

Khadka Telefoonka waxaa kula xiriiray Col Barre Hiiraale jaaliyadda qurbaha, maalmo ka hor intuusan duulaan ku soo qaadin magaalada B/xaawo. Col Hiiraale Waxaa hadaladiisa ka mid ahaa "Anigu waxaan qabsanayaa gobolka Gedo, sababtuna waxay tahay waxaa dhawaan beesha Caalamku ay samaynaysaa, aqoonsanaysaana Maamul Goboeed laga hirgaliyo, 6 gobol oo ay Gedo ku jirto. Marka waa inaan helaa gobol aan Waax-qaybsi ku helo"





Waxaa kaloo hadalada Kornaylka Ka mid ahaa "Anigu raali kama ihi in beesha Sade xilligaan loo magacaabo Ra'iisul wasaare, maxaa yeelay weeraradaan aan damacsanahay isagay (Ra'iisul wasaaraha) caqabad ku noqonyasaa"

Mar wax laga waydiiyey inuu damaciisu gaarsiisan yahay inuu dib ula wareego gobolada Jubbooyink waxaa uu sheegay inuusan xilligaan diyaar u ahayn inuu ciidan galiyo jubbooyinka, Laakiin ay jiraan rag ay saaxiibo yihiin , oo uu ka mid yahay Prof: Gaandi oo ahaan jiray wasiirka Gaashaandhiga kana soo jeeda beesha Absame, inay ku wajahan yihiin Jubbooyinka.

Lixda gobol ee uu Kornaylku carabaabay waxay kala yihiin Bakool, Bay, Gedo, J/hoose, J/dhexe iyo Sh/Hoose. Waxaa kaloo uu Hiiraale sheegay in madaxwaynaha Maamul goboleedkaas la siinayo beesha Digil Mirifle, sababtana uu ku sheegay inay iyagu degan yihiin inta badan deegaanadaas lixda ah.

Hadalada Kornaylka waxaa kaloo ka mid ahaa isagoo u jawaabayey gabar su'aal waydiisay "Adeer aniga Ajandahaygu waxaa uu ku egyahay gobolka Gedo, Gedaa naga badan dhamaanteen " ka dibna hablo qiiraysan ayaa alalaas ku dhuftay

Hiiraale oo dhawaan la wareegay gacan ku haynta degmada B/xaawo ayaa wata kaliya ciidan aan tira badanayn, laakiin si aad ah loo buun-buuniyey. Ciidankan oo aan weli helin wax gurmad ah, oo kaga imaada dowladda Itoobiya ama tan ku meel gaarka ah, ayaa iminka u muuqda mid aanan caga badan ku taagnayn.

Waraysigaan khadka telefoonka ah oo ay dadkii qaar ka mid ahi duubeen waxaan soo badhigi doonaa dhawaan!!!!


Gedoweb Exclusive
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: The Colonel speaks!

Post by Voltage »

Fake.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: The Colonel speaks!

Post by grandpakhalif »

Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”