OTP- Maagaalada Gaarisa waxaa Lagu Qabtay Ruwaayad Gobanimo Doonka Dhulka Soomaalida Ogaadeeniya ah waxaana halkaas ka soo qayb Galay Tiro Boqolaalan qof ah oo Deggan Gaarisa waxaana Goobtaas lagu soo Bandhigay Ruwaayad ka Turjumaysa Sida ay u nool Yihiin Mushtamaca Ogaadeeniya , Dhibaatada Ciidamada Itoobiya ay u gaystaan Shacabka Ogaaadeeniya gaar ahaan Haweenka Iyo Caruurta.
Gaarisa ayaa ah Maagaalo Soomaalida Kenya ah ay leeyihin Waxayna sidoo Kale ku Qanacsan Yihiin Nidaamka Dowllada Kenya ay kula Dhaqanta Soomaalida Kenya oo Xillal waa wayn ka haya Dalkaas kenya.
Dhanka Ciidanka Kenya Iyo Kuwa Itoobiya ayaan ahayn Kuwo Isku Mid ah marka loo eego Habka Anshax Xun ee Ciidamada Itoobiya kula Dhaqmaan Dadka Soomaaliyeed ee Deggan Ogaadeeniya, Midaas oo Keentay Inay Soomalida Kenya Iyo Kenya ay Isfahmaan.
Ruwaayaddan ayaa ahayd Mid Qiiro Baddan waxayna Inta Baddan ka Hadlaysay Arrimaha Xuquuqda Bili aadanka Sidoo Kale Xoriyada Qofka Bili aadanka ah ama Ummadu Leedahay.
Ogadentoday
Gaarisa.


