Ciidamada Dowladda KMG Ee Deg. Beled-Xaawo Oo U Ruqaansaday Dhinaca Al-Shabaab.
Beled-Xaawo-(GMN) Inkastoo Dhaqdhaqaayo Xoogan ay ka socdaan duleedka iyo gudaha Degmada Beled-xaawo islamarkaana ay wadaan Ciidamada dawlada KMG ee Soomaaliya iyo Mileeshiyaadka Shabaab ayaa waxaa lagu soo waramayaa in saaka ay Ciidamada dawlada Ka bexeen Magaalada kuwaasi oo ku wajahan gobo lasheegay in ay ku Col Dhuranayaan kooxda Shabaab..
Sida ay ku Soo waramayaan goob joogayaal ku sugan Degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta Ciidamo aad u hubaysan ay u dhaqaaqeen dhinaca koofureed ee magaalada Beled-Xaawo halkaasi oo la sheegay in ay ku Suganyihiin Ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Deegaanada la sheegay in Ciidamadani ay isku urursanayaan ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa Magaalada Beled-Xaawo waxaa ay u jirtaa qiyaastii in kayar 25KM waxaana Deegankaasi lagu Magacaabaa Caracase.
“Waxaan Arkaynay Ciidamo Aad u fara badan oo wata Gawaarida Dagaalka oo aad u hubaysan islamarkaana ku sii socda Dhinaca Deegaanka Caracase waxaana la sheegay in halkaasi ay joogaan Ciidamo Ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo maalmahanba ku sugnaa” Sidaa waxaa yiri Mid kamid ah dadka degmada Beled-xaawo oo qadka Telefonka ugu waramay Shabakada Gedoonline.
In kastoo deegaanadaasi ay yihiin kuwo aad u kaymo badan ama Hawd ah ayaan la ogayn sida ay wax u dhici doonaan waxaana Guud ahaamba Dadka Degmadaasi ay Dhagaha u taagayaan waxa ka dhici Doona Deegaanada ay Maanta Ku Bexeen Ciidamada Dawlada iyo kuwa Ahlusunna.
Tan iyo Markii ay Magaalada isga Bexeen Ciidamada Al-Shabaab ayaa waxaa Soo baxayay warar kala Duwan oo sheegaya in Gurmad fara badani ay Soogarayaan Ciidamadasi Al-Shabaab kuwaasi oo kakala yimind qaybaha kale ee ay Maamulaan Al-Shabaab.
Max’ed Cibaar Diiriye
Mrooble0@hotmail.com
Gedoonlinenews@hotmail.com
http://gedoonline.com/?p=9720
Ciidanka Dolow move to where Shiskabab are
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 487 Views
-
Last post by ibrahimcw
-
- 4 Replies
- 501 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 2 Replies
- 303 Views
-
Last post by Archerr
-
- 1 Replies
- 551 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 14 Replies
- 1026 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 1 Replies
- 373 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 1 Replies
- 353 Views
-
Last post by ibrahimcw
-
- 0 Replies
- 395 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 9 Replies
- 922 Views
-
Last post by union
-
- 11 Replies
- 855 Views
-
Last post by Garbo_Gedo