Ethiopia Punishes BeledXaawo as Barre Hiraale rans away
Posted: Thu Oct 21, 2010 4:58 pm
Xarakada AL Shabaab oo caawa dagaal kula wareegtay degmada Balad Xaawo.
Balad Xaawo: (Sh. M. Network) Dagaalo xoogan ayaa galabta waxaa ay ku dhexmareen degmada Balad Xaawo ciidamo ka tirsan xarakada Al Shabaab iyo ciidamada dowladda KMG iyadoo gacan ku heynta degmadaasi caawa ay la wareegeen xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Balad Xaawo, waxaa galabta maqribkii weerar culus kusoo qaaday gudaha degmadaasi ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kuwaasi oo la sheegay inay wateen gaadiidka dagaalka.
Ciidamada Al Shabaab ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka galeen degmadaasi, waxaana gudaha Magaaladaasi mar qura ka bilowday dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda kMG oo isku dhinac ah.
Dagaalka oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayay ayaa markii dambe waxaa la isla galay gudaha degmada Balad Xaawo, waxaana la maqlyay rasaas culus iyo madaafiic is bar bar socotay oo dhinacyada dagaalamayay ay isku adeegsanayeen.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan gudaha degmada Balad Xaawo ayaa Shabelle u sheegay in ay arkeen dhimashada 5 askari oo ka tirsanaa dhinacyadii dagaalamayay iyo dhaawaca ku dhawaad 10 kale oo iyana u badnaa ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab ee dagaalka ku lugta lahaa.
Markii in mudo ah dagaalku uu ka socday degmada Balad Xaawo ayaa waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay isaga baxeen magaalada, waxaana xiligaasi Kadib gacan ku heynta degmadaasi Balad Xaawo la wareegay ciidamadii Xarakada AL Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Ciidamadii dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ee sedaxdii Maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa degmadaasi ayaa la sheegay inay kusuganyihiin daafaha Balad Xaawo.
Gudoomiyaha dowladda KMG ee gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil oo Shabelle ay qadka taleefanka kula xariiray xili dagaal culus uu ka socday gudaha degmada Balad Xaawo ayaa xaqiijiyay in gacan ku heynta magaalada ay la wareegeen Al Shabaab, isagoo sheegay inay iska difaaceen weeraro culus oo ay ku soo qaadeen xarakada AL Shabaab, waxaana uu tilmaamay in haatan ay ku suganyihiin daafaha Magaalada.
Majiro wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Xarakada AL Shabaab oo ku aadan weerarka dagaal ee maanta ay kula wareegeen degmada Balad Xaawom waxaana wararka caawa laga helayo degmadaasi ay sheegayaan in mararka qaar gudaha magaalada ay ku dhaceyso madaafiic aan qasaaraheeda wali la ogaan.
.
Ciidamada Ethiopia oo degmada Beledxaawo duqeeyey iyo dagaalka oo istaagay
Posted by Gedo
Thursday, October 21
Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxayo dagaalkii kululaa ee caawo ka qarxay magaalada xuduuda ku taalla ee Beledxaawo,halkaasoo ay si daran hubka waa weyn isugu garaaceen,magaaladana la dhaceen ciidamo DKMG oo ay wehliyaan Ahlu-Sunna Wal-Jameeca wada socda iyo kuwa Al-Shabaab.
Goor dhaweyd ayuu dagaalku soo gabagaboobay, xiriirro dhowr ah oo ay Shabakaddan sameysay dad ku sugan magaalada gudaheeda ayaa xaqiijiyey in dagaalku dhimasho iyo dhaawac badan sababay,laakiin aan la kala garin karin cidda geeriyootay, maadaamaa ay habeen tahay.
Sida ay dad xog-ogaal ah noo sheegeen ciidamada Ethiopia ayaa dhanka degmada Doolow ka soo duqeeyey Beledxaawo,iyagoo ku garaacay qori uu kamid yahay BM.
Hooyo magaceeda ka gaabsatay oo aan qadka telephone-ka kula xiriirnay iyadoo qax ku timid degmada deriska ah ee Mandheere ayaa sidatan u sheegtay Gedoweb:-
''Eedoy labadii saac iyo barkii ayaan Mandheere lug ku nimid markii aan aan ka joogsan weynay Axmaarada oo soo rideysay BM oo guryaha qaar ku dhacay, wax dhintay iyo wax kalana ma garan karno,laakiin dagaal weyn baa dhacay''.
Mar aan weydiinay in ay iyada indhaheeda ku aragtay ciidamada Ethiopia ayey sheegtay in aanay waxbo arag, laakiin ay madaafiic ka soo tuurayaan dhinaca Doolow.
Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxayo cidda gacanta ku heyso magaalada, xogaha qaar waxay tilmaamayaan in maleeshiyada Al-Shabaab qabsatay,halka warar kalana ay sheegayaan in wali labada dhinac ay degmada dhexdeeda isku hor-fadhiyaan.
Xuduuda u dhexeysa Beledxaawo iyo Mandheere waxaa ay dowladda Kenya geysay ciidamada GSU-da loo yaqaano, dad ka firxanayo colaadda jirta ayaa si dhuumaaleysi ah ku galayo Mandheere.
Iminka oo saacaddu tahay 10:15 fiidnimo xilliga geeska Africa xabado goos-goos ah ayaa laga maqlayaa Iskuulkii hore ee Waaberi oo bariga magaalada ku yaalla.