History of Magaalada Kulmiye - Sanaag ( Weriye Abokar)

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

History of Magaalada Kulmiye - Sanaag ( Weriye Abokar)

Post by Siciid85 »

Weriye Abokor:Kulmiye Waa Magaalo Caana Ceerigaabona Dhanka Bari Kaga Beegan 32KM.



Ceerigaabo(Ceerigaabo.com) waxan socdaal ku soo maray magaalada kulmiye iyo deegaankeeda dhab ahaan magaalada kulmiye waa magaalo caan ah kagana beegan magaalada ceerigaabo dhanka bari una jirta masaafa dhan 32 kiiloo mitir waxayna leedahay dhul daaqsimeed uu illaahay ugu deeqay nabaadka iyo quruxda isla markaana waxa aad ku arkaysaa mar kasta oo aad booqato ama gaadho magaalada kulmiye xoolaha oo daaqaya dhul annba magaalada ka fogayn.

waxa kale oo ay leedahay dooxooyin waaweyn oo ay soo biyeeyaan togag ka yimaada dhanka buuraleyda cabaydh , Daallo iyo arooro bari kuwaa ayaa usahley inay yeelato dhul beereedkan ay ka baaxaan geedaha loo dhoofiyo magaalada bosaaso iyo goobo kale oo badan waxana ka mida ah dooxooyinka ku dhowdhow magaalada dooxada caadha mire oo ah dooxo balaadhan geeduhuna xoog uga baxaan waxa kale oo ka mid ah haldhaagan, mirxida, caduur, oo dhamaantood ah dhul daaqsimeed ay xiliga roobka ay geeduhu aad uga baxaan

Dhanka kale magaalada kulmiye waxay ka mid tahay goobihii ay deganaayeen ciidamadii ama mujaahidiintii SNM waxayna u ahayd goob weyn oo ay dhigtaan dhaawaca ku soo dhaawacma dagaalkii ay kula jireen ciidamadii dowladii somaaliyeed waxayna ahayd kulmiye wakhtigaa aag ciidan oo ay degan yihiin ciidamadii ururka dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed ee SNM waxa kale oo ay ahayd meel looga qaxay magaalooyinka markii ay ku habsadeen dadka dagaaladii dhex marayey ciidamadii somaliya iyo kuwii SNM ee laga saaray dadka intii raacsanayd snmta ayaa deganayd kulmiye iyo gooba kale oo tira badan oo dalka ka mid ah

Gebagebadii waxa aan kula kulmay magaalada kulmiye maayirka ama (head tuulaha) maxamuud geeltoosiye waxana uu maxamuud ii sheegay inay haatan ay ku jiraan xili wanaagsan oo uu dhulku rooban yahay wax dhibina aanay jirin marka laga reebo dhuxusha oo aad hada looga shido meel aan sidaa uga fogayn magaalada waxanuna usheegaynaa dowlada iyo cidkasta oo gacan naga siin kartaba inay tahay dhibtaasi mid ka jirta kulmiye waa shidista dhuxushee.

Intii aan joogay kulmiye iyo nawaaxigiisa ayaan waxan ku arkay oo joogay dooxooyinka iyo magaaladaba shirkado iibsanaya adhiga kuwaa oo ka yimi dhanka bariga watana gaadiidkii ay saari lahaayeen adhiga marka ay iibsadaan gaadiidkan ayaa ahaa mid laga leeyahan mamuul goboleedka puntland oo aan wadan plate dhada ama aanba ka cashuurayn dadka somaliland.

ABOKOR MAAHIR XASSAN

CEERGAAABO.COM

CEERIGAABO-SOMALILAND


I am looking forward to seeing pictures of this place.
:clap:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”