Mareykanka oo ka hadley Somalia
21 Oct 21, 2010 - 3:17:02 PM
Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Africa Johnnie Carson ayaa kulan xalay ka dhacay xaruunta diraasaadka caalamiga ah ee Magaaladan Washington ku soo bandhigay qaabka ay yeelanayso siyaasadda Maraykanka ee Somalia.
Siyaasaddan oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid laba dhinac u kala qaybsan, kuwaasi oo ah taageeridda DKMG iyo sidoo kale taageeridda Maamuladda ka jira Somalia sida Somaliland iyo Puntland.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd in la soo bandhigo faahfaahinna laga bixiyo siyaasadda cusub ee maraykanka ee ku aaddan Somalia oo uu bishii hore magaalada New York kaga dhawaaqay isla kaaliyaha Africa u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee maraykanka Johnnie Carson.
Ugu horayn waxaa uu mar Carson faallo ka bixyay argatida dawladda Maraykanka ee ku aaddan sida ay u arkaan mushkiladda Somalia ka taagan.
Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ugu qaabilsan Afrika ayaa xusay in kumanaan kun oo qaxooti ah oo Somali ah in ay u qaxeen dalalka deriska ah, waxaana uu sheegay in in ku dhow saddex boqol oo kun oo qaxooti ah ay joogaan Kenya, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dalka Yaman ay ku suganyihiin qaxooti Soomaaliyeed oo uu ku qiyaasay in ay ka badan yihin 160 kun oo qof.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in beesha caalamku ay dhibaato weyn ku qabaan burcad badeedda Somalia.
Qorshaha cusub uu isla Kaaliye Carson bishiihi hore soo bandhigay ayuu faahfahin ka bixiyay waxaana uu tilmaamay in dawladda Maraykanku ay sii wadayso taageerada ay u fidiso DKMG, iyada oo isla markaasina wada shaqayn la yeelan doonta Somaliland iyo Puntland.
Waxaana uu sheegay in Somaliland lagu amaani karo doorashada ay qabsadeen, taasi oo sida uu sheegay ay kaga fiicnaadeen wadamo Afrikaan ah, hase ahaate waxaa uu tilmaamay in dawladda Maraykanku aanay ku tala jiran in ay aqoonsato Somaliland isla markaana ay aqoonsanyihiin oo kaliya midnimada Jamhuuriyadda Somalia, laakin waxaa uu carabka ku dhuftay inaan taasi ka horjoogsnaynin in ay iskaashi diblomaasi ah oo dhinaca hormarinta iyo nabadda ay kala shaqeeyaan.
Sidoo kale Johnnie Carson waxaa uu xusay in ammanka iyo nidaamka ka jira dawlad goboleedka Puntland uu yahay mid ay dawladda maraykanku soo dhawaynayso kalana shaqaynasyo adkaynta nabadgaliyada iyo horomarka.
Mar uu ka hadlayay dhinacyada kale uu uu maraykanku danaynayo in ay kala shaqeeyaan arrimaha Somalia ayaa waxaa uu tilmaamay in ay sidoo kale ku tala jiraan in ay la shaqeeyaan ururada iyo dhulka ay qabaa’ilka maamulo u samaysteen ee bartamaha iyo koonfurta Somalia ee ka soo horjeeda al Shabaab. Laakin waxaa uu xusay in ay taasi sal u tahay taageerada uu maraykanku u fidnayo dawladda dhexe.
Mas’uulka wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan Afrika Johnnie Carson ayaa kulnka ayaa si gaar ah uga hadlay waaya aragnimadii uu maraykanku ka dhaxlay markii horraanttii sagaashameeyadii ay ciidmada u direen Somalia, waxaana uu caddeeyay in ay jirto xasuus dhib badan oo aan la iska indha tiri karin oo ku hadhay maanka.
Carson ayaa sheegay in ka soo bixitaankii waagaasi maraykanku ay ka baxeen Somalia ay keentay in labaatan sano ka dib ay dhibaatadii sii laban laabanto.
Shirkan oo ahaa mid su’aaluhu u furanyihiin ka soo qaybgalayaasha ayaa Soomaalida halkaasi ka soo qayb galay waxa ay qarkood muujiyeen sida ay uga walacsanyihiin dhibta ay ugu yeedhen in ay ka dhalan karto haddii uu maraykanku taageero maamul goboledyada oo sida mid ka mid ah ka soo qayb galayaashu uu tilmaamay in ay Somalia u sii kala qaybin doonto maamulo yar yar oo ku salaysan qaab beeleed iyo hogaamiye kooxeedyo badan.
Sidoo kale ka soo qaybgalayasha shirkan ayaa muujiyay sida ay uga walacsanyihiin siyasadda iyo taageerada maraykanka ee ku aaddan Somalia oo uu maraykanku si aad aah door u siiyo wadamada deriska gaar ahaan Ethiopia.
Hase ahaatee Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Johnnie Carson ayaa tilmaamay in siyaasadani ay tahay mid u gaar ah Dawladda Maraykanka ee aysan ahayn mid ka timid Ethiopia amma dalalka deriska ah midna, waxana uu difacay qorshaha uu Maraykanku ku taageerayo DKMG iyo Maamulada ka jira Somalia.
VOA
Obama Admin is determined to support Sland & Pland
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Re: Obama Admin is determined to support Sland & Pland
i hope they don't succeed with this plan. More American presence will attract more alqaeda/shabab to the region. If Mr. Obama really wants to grab somalia from AlQaeda, he needs to bite the bullet and go to Mogadishu/Kismayo, without pulling pland/sland into the conflict any further.
Re: Obama Admin is determined to support Sland & Pland
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 35 Replies
- 2566 Views
-
Last post by Padishah
-
- 44 Replies
- 2226 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 359 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 432 Views
-
Last post by Barkhadd
-
- 13 Replies
- 845 Views
-
Last post by juzme123
-
- 5 Replies
- 730 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 5 Replies
- 986 Views
-
Last post by MenaceToSociety

