Ciidamada Itoobiya oo Madaafiic ku dumiyey magaalada Beled-Xaawo iyo Mujaahidiinta oo Taaktiik u dejiyey magaalada (Faah faahin). .
Friday, 22 October 2010 06:25 Maamulka Memo Hits: 0 . .
Xaaladda magaalada Beled-xaawo ayaa saaka degan kadib dagaallo culus oo shalay ilaa iyo xalay ku dhaxmarayey ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Itoobiya oo ay la socdaan Maleeshiyaad hubaysan.
Wararka nagasoo gaaraya magaalada ayaa xaqiijinaya in dhulka laga dhigay dhismooyinkii ugu caansanaa magaalada xalay oo idilna lagu garaacayey madaafiicda PM-ka.
Kalabar Beled-xaawo ayaa saaka ah mid dunsan waxaana madaafiic si arxan darra ah ula dhacay ciidanka Tikreega oo 10-saacadood oo xariir ah madaafiicda laayaanka ah ku garaacayey.
Xalay saqdii dhexe saacadu markii ay ku beegneed 2:00-dii habeenimo ayay saraakiisha ciidanka Mujaahidiinta go'aanmiyeen in xeelad dagaal aawgeed magaalada dib looga gurto si cadawga Itoobiya aysan uburburin magaalada oo dhan.
Laakin madaafiicdu sidaasi kuma joogsan oo saaka 6:00-dii aroornimo ayay soo gaartay, Maydadka shacabkeena Muslimka ah ayaa saaka si dhib badan loogasoo daad gureeyey gudaha magaalada welina waxaa jira dhaawacyo laqaadi waayey oo guryaha ku jira.
Mujaahidiinta ayaa ku sugan hareeraha magaalada Halka Maleeshiyada DKMG ah iyo ciidanka Itoobiya ay iyana ku suganyihiin banaanka magaalada waxaana goordhaw istaagay madaafiicdii Fooriyaha ee magaalada lagu garaacayey.
Ciidamada Tikreega ayaa shacabka Muslimka Beled-Xaawo u muujiyey xaasidnimo qota dheer kadib markii ay shacabkaasi diideen in ay goobahooda ganacsiga dib u furaan xiligii ay Maleeshiyaadka Barre Hiiraale haysteen magaalada.
SomaliMeMo News Desk

