Wlc to your secound houseGaalkacyo (RBC Radio):- Wafdi dhakhaatiir u badan oo uu horkacayo Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta soo gaarey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland.
Wafdigani ayaa waxaa xubin ka ahaa Safiirka Dalka Soomaaliya ee Turkiga, waxana xubnaha wafdiga ay u badnaayeen tiro dhaqaatiir ah kuwaasi oo ka hawlgali doona maalmaha soo socda gobolada Puntland intooda badan.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr, Cali C/laahi Warsame ayaa wafdigani Turkishka ah horkacayey waxayna ka soo amba baxeen wadanka Turkiga, iyaga oo qorsheynaya in ay gargaar caafimaad oo lacag la’aan ah ka fuliyaan deegaanada Puntland
Wasiiru-dawlaha Maamul Wanaaga iyo Arimaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Gudoomiyaha gobolka Mudug Col, Axmed Cali Salaad, Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud, Agaasimayaasha Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada, Ururada Haweenka, Ardeyda Caafimaadka iyo Marti sharaf kale oo tira badan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo si qurux badan ugu soo dhaweeyay xubnaha Wafdiga.
Wafdiga ayaa markii ay soo dageen waxaa ay aad ula dhaceen oo ay u riyaaqeen soo dhaweynta quruxda badan ee aysan u kala harin maamul iyo shacab ee lagu soo dhaweeyay, waxaana soo degitaankoodii kadib loo kaxeeyay Aqalka loo diyaariyey in ay degaan oo ah guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ee ku yaala bartamaha magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa soo dhaweyntii kadib ka warbixiyey safarka wafdiga, waxaa uuna sheegay in xubnaha wafdiga ay dhamaantood yihiin dad u dhashay wadanka Turkiga, isla markaana ay isugu jiraan 18 dhakhaatiir ah, Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Wakiil ka socda Jaamacad ku taal magaalada Istambuul ee dalka Turkiga iyo Suxufiyiin ka socda warbaahinta dalka Turkiga, waxaa uuna intaa ku daray Wasiirku in wafdigani ay u yimaadeen in ay gargaar caafimaad oo lacag la’aan ah ay siiyaan shucuubta Puntland iyaga oo socod ku mari doona gobolada Mudug, Nugaal, Karkaar iyo Bari.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Col, Axmed Cali Salaad iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane C/raxmaan Maxamuud ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay wafdiga waxayna uga mahad celiyeen masaafada dheer ee ay u soo galeen in ay dadkeena ka caawiyaan dhinaca caafimaadka.
Wasiiru-dawlaha Maamul Wanaaga iyo Arimaha Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray wafdiga, waxaa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo dadka Turkigu ay yihiin dad walaalo ah oo diinta Muslimka wada heysta, isaga oo intaa ku daray in ay maanta aad ugu faraxsan yihiin in walaalahood ay u yimaadeen isla markaana ay garab ka siinayaan horumarka adeega caafimaadka, waxaa uuna intaa ku daray in wafdigani ay sugayaan dad aan u farabadan oo qaba baahi caafimaad, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku qanci doonaan adeega caafimaad ee ay ka helaan walaalahooda dhaqaatiirta ah ee uga timid dalka Turkiga sida uu hadalka u yiri Wasiir Gaashaan.
Proff, Maxamed Jaamac Salaad oo ka mid ah dhaqaatiirta ugu waaweyn dalka Soomaaliya isla markaana ah Gudoomiyaha Jaamacadda PSU ayaa halkaasi uga hambalyeeyay wafdiga dhaqaatiirta u badan, waxaa uuna yiri ku soo dhawaada Gaalkacyo, waxaana idinkaga mahad celinaynaa adeega caafimaad ee aad shacabkeena siinaysaan iyo dadaalka dheer ee aad u soo gasheen in aad dabooshaan baahi idinkaga imaneysa shucuub idin baahan.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Salmet ayaa si qiireysan uga hadley soo dhaweynta loo sameeyay wafdiga uu xubinta ka ahaa, isaga oo intaa raaciyey in ay farxad gelinayso in maanta uu joogo dhulka Soomaaliya oo nabad ah isla markaana wafdiga uu isagu xubinta ka yahay ay doonayan in ay u gargaaraan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Madaxa dhaqaatiirta ka socota Hay’ada Uhdar Dr, Usal ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinkiisa Puntland, waxaa uuna sheegay in uu rajeynayo in ay si wanaagsan oo niyadsami leh ay u gudan doonaan daweynta bukaanka sugaya, waxaa uuna intaa raaciyey in shucuubta Soomaaliya iyo Turkiga ay yihiin dad wada dhashay oo mar walba isu baahan, islamarkaana waxaa uu si gaar ah uga hadley in uu ku faraxsan yahay in Soomaaliya ay ka mid noqoto 40 wadan oo ay gargaarkan caafimaad ka fuliyaan.
viva puntland
