Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by LiQaaye_TDH »

Image

Wararka ka imanaya Degaanka Kalshaale ee Degaanka Galbeedka Buuhoodle aya la sheegaya in Muran Xoogle ka Dhashay Marki Odayaasha Buuhoodle iyo Maleeyshiyada SSC Yimaaden Kalshaale, halkaas oo beryahan muran Ka taagna, Baraago iyo Dhismayaal dib uu habeyn balaadhan lagu waday.

Maleeshiyo Isko Magacowday SSC iyo Odayaal Beeled ka Socda Buuhoodle aya shalay Yimi Degaanka Kalshaale halkaas oo ay Dadka Degaankaasi ka wadeen Mashruucyo Balaadhan, Odayaasha aya halkaas la Kulmay Odayaal iyo Ganacsato ka soo jeeda Degaanka Qorulugud, waxaaney halkaas Amar iyo Hanjabaad is wadata Kula Kaceen Odayaashi iyo Ganacsatadi Halkaas Mashruuca Ka Wadey Lagu Horumarinayay Degaanka, Waxaaney ku Amreen inay Ku Noqdaan Halki ay ka Yimaaden, Dumiyaana waxi dhismi ah iyo waxi Baraago ah ee Halkaas laga Hirgeliyay, Hadaaney Sidaas yeelin 24 Saacadood Gudahood waxa Talaabo Culus ka Qaadi Doona Ciidamada Maamulka SSC- (Waa Siday Hadalka Uu Dhigeen) waxaaney sheegin waxi Khasaaraha ee Halkaas ka soo gaadha iyago inaaney Masuul ka ahayn.

Odayaal isla Goobtas joogay aya sheegay inay sii wadayaan Dhismayaasha iyo Mashruucyada Ganacsatado Qurbojoogi ahi wadaan, waxaaney sheegen inaaney Cid alaala cid wax uga Duminayn, waxaano kale ay sheegen inay Degaanka Hore ay uu Degaanaan jiren, laakin laga wada Guuray Dagaaladi Regimeki Siyaad Barre Lagu jiray Ka wada hayaamen.. Waxaana Isla Halkaas ka dhashay Muran Buuq iyo Cagojugleyn Ka soo yeedhaysay Maleeshiyadi SSC, Shirkaasna waxu ku dhamaaday Natiijo La'aan, waxaana Isla Goobahas Yimi Ciidamo ka soo Socda Buuhoodle iyo Maleeshiyada SSC, Geesta kalena waxaana Isla Xalay Halkaas soo Gaadhay Dhalinyaro Fara Badan oo Hubeysan oo Ka kala socda Degaanada Qorulugud- Coodanle iyo Habri-heshay waxaa Hadda laga baqanaya Halkaas inay isko Dhacaan Labaaas Ciidan ee is Horfadhiya, Haddi ay isko Dayaan inay Dumiyaan Baraaga iyo Dhismayaasha Halkaas laga Hirgeliyay.

Waxi Warkan Ka soo baxa waxaan ugu dhakhasa badan inagala socodsiin doona Shabakada Buraoonnline.com
Buraoonline.com
Buuhoodle
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by The_Emperior5 »

how far is kalshaale from buhoodle in km
Ma tuulada xadhanka iyo buhoodle u dhexesa ba
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by LiQaaye_TDH »

10 km ayay uu Jirta Buuhoodle, waxaaney uu dhaxeysa Xadhaadhanka iyo Buuhoodle its a new HJ Degaan west of Buuhoodle!
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by Siciid85 »

Horta why doesn't somaliland forces make a military base in Western Buhoodle areas? it's so close to the headquarters of SSC and they can easily defeat & organize attacks against Xakltoosiye's boys there.
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by Executive »

^ Barkad ayaa hortageen 8-)

Image

:lol: :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by Siciid85 »

:lol: :lol: ma adiga waxa sawiiray. Barkad kulaha :lol: where were they when Col.Siciid Carre was creating chaos in widhwidh and balidhac? .
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by Executive »

I have never heard of him, Lakiin Barkad is the most dangerous thing in Hawd, if you can't get past Barkad, you can't battle with the SSC. :mrgreen:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by The_Emperior5 »

Executive wrote:I have never heard of him, Lakiin Barkad is the most dangerous thing in Hawd, if you can't get past Barkad, you can't battle with the SSC. :mrgreen:

you never heard of him you guys claimed you killed him 3 times :lol: and he is still in sool :lol: :lol:
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by Executive »

I googled his name, the only thing that came up was Somalinet and SomaliaOnline :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by The_Emperior5 »

Executive wrote:I googled his name, the only thing that came up was Somalinet and SomaliaOnline :lol:

He was all over jidbaale and widhwidh websites and you guys claimed you killed him 3 times :lol: and the next day he gives an interview at tviga qarranka sl :lol:
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by Executive »

never heard nin sadex jeer la dhilaay, I would have taken ur word for it but not after this topic

viewtopic.php?f=245&t=257494

:lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by Siciid85 »

Executive. here it is even your own websites were talking about this guy that you are claiming you haven't heard of. :|


Maleeshiyada SNM Oo xasuuq Arxan daro ah ka Gaystey B/Hadhac

Written by Jidbaale.com
Saturday, 22 May 2010 10:21

Balihadhac(Jidbaale.com):-War hada naga soo gaadhay deegaanka Bali hadhac ayaa wuxuu xaqiijinaya in halkaas ay galabta xasuuq ba'an ka geysteen Maleeshiyada SNM ee ka soo dushey Galbeedka fog ee Soomaaliya. Xasuuqan ayaa waxaa ku dhintay inta la hubo 5 qof kuwaasoo 2 ka mid ahi haween yihiin.



Xasuuqan ayaa waxa gaystey Ciidamo uu wato nin lagu magacaabo Siciid Caare oo ka soo jeeda beesha Isaaq ee Sacad Yoonis. :| Ciidankan oo gurmad ahaan u marayeye meesha ayaa waxay xabado aan loo meel dayin ku fureen Mukhaayad laga shaahayey taso dad badan hor tubnaayeen oo shacab ah.

Waxaa isla markiiba halkaas ku naf baxay haweeney Ur lahayd iyo nin, ayadoo dhawaacina 3 jidka ku dhinteen ayagoo loo sii wadey Laascaanood. Warku wuxuu intaas ku daraya in baadihaya u dehxeeya Widhwidh Bali haracna ay ka gaxasteen Xoolo fara badan oo u badan Adhi kuwaaso ay qal qasheen.

Magaalada Widhwidh ayaa weli waxaa ka soconaya dagaal la isku gabal dhacsaday, ayadoo magalada dhexdeedana ay ku dileen 2 odey oo waayeel ah. Sidoo kale waxay madfac la eegteen guryo ay dad shacab ah ku jireen inkastoo aan cidi ku dhiman gurigaas.

Maxaabiistii laga qabsaday ayaa lagu hayaa saldhigyada Ciidamada xaq u dirirka ah ee SSC, kuwaaso ayagu ah kuwa weerarka cad ku ah deeganada SSC. Sidoo kale Waxay Ciidamada SSC dhegta dhiiga u dareen taliyihii qaybta 17aad kaasoo magacsii lagu sheegay Ahmed Daahir, dadka ku sugan deegaanka Balihadhac ayaa xaqiijiyey in ay arkayeen mayd tiro badan oo ay wateen malayshiyada SNM .

Waxaa la gubey 5 gaadhi oo nooca tiknikada ah kuwaasoo ay wateen Cadawgu. sidoo kale waxaa laga qabsaday gaadhi sanad u sidey kaaso meel dhiidhiya ka galay.

Waxaa soconaya Gurmad aad u fara badan oo ka kala imaanay dhamaan deeganada ay degto beesha Isaaq, halka Gurmad kale ka soo qul qulayo hawdka fog ee Buuhoodle. kuwaasoo ku soo qul qulaya Jiida hore dhinaca Nugaal ayaa waxaa ka socda abaabul xoogan.

Dhanka kale hay,ada Bish Cas ayaa magaalada Laascaanood ka qaday gurmad daawooyin iyada oo ku sii jeeda dhinaca magaalada Widhwidh iyo Balihadhac
Jidbaale.com
Last edited by Siciid85 on Sun Oct 24, 2010 10:53 am, edited 1 time in total.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by The_Emperior5 »

Executive wrote:never heard nin sadex jeer la dhilaay, I would have taken ur word for it but not after this topic

viewtopic.php?f=245&t=257494

:lol:
cleaning day in laascanood what is wrong with that every 40 days somaliland city clean their city :|
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by udun »

Tacshiirad lagu furay Waxgarad ka soo Jeeda Deegaanka Qorilugud oo gaadhay Deegaanka Kalshaale, si ay halkaasi uga aasaan deegaan laga Bilaabay

(Qorilugud, October 18, 2010 Ceegaag Online)



Tacshiirad Xoogan oo socotay Mudo ayaa maanta galinkii hore ka dhacday Deegaanka Baliga Kalshaale oo Dhinaca Waqooyiga kaga Beegan Magaalada Buuhoodle isla markaana Deegaan ahaan katirsan Gobolka Cayn, tacshiiradaasi ayaa Timid kadib Markii Waxgarad iyo Odayaal ka soo Jeeda Deegaanka Qorulud halkaasi dabceen inay tagaan Waxana tacshiirad Xoogan ku furay Dhalinyaro ka soo Jeeda Beel ahaan isla odayaashaasi oo Doonayey inay ka Aasan Deegaamay halkaasi laga Bilaabay oo Todobaadkaniba Muran Xoogani kataagnaa.

Waxana Odayaashaasi dib ugu laabteen Dhinaca Magaalada Qorulugud Waxana Odayashaasi Markiiba dalbadeen inay soo gaadhaan Ciidamo katirsan Maamulka somaliland iyo Waxgarad ka socday Magaalada Burco si loo aaso Deegaankaasi oo si Bilaa sharci ah Lagu Qoday, Waxan Dhinaca kale Deegaankaasi Maanta Gaadhay Cuqaal Culumo iyo Waxgarad badan oo saaka ka tagay Dhinaca Buuhoodle oo lagu Wado inay Maalinta Barito ah isku arkaan Dhinacyada kale ee lagu Wado inay Halkaasi Soo gaadhaan.

Xaaji Maxamuud Xaaji Cumar Camay oo kamid ah Waxgaradka Halkaasi Gaadhay oo Caawa Fiidkii dib ugu soo laabtay Buuhoodle ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay inay Xiisadu haatan degan tahay isla markaana Deegaankaasi lagu Wado in Maalinta Barito ah laga aaso Deegaanka Laga bilaabay, isla markaana barito dib ugu laabanayaa, Waxana kaloo Maxamuud Xaaji Cumar intaasi Raaciyey inay ka War dhowrayaan Maamulka somaliland iyo Waxgaradka Bariga Burco oo Balan ku Qaaday inay Deegaankaasi si nabad ku jirto u Aasayaan.


Cali Osman Yuusuf.
Ceegaag.com
Buuhoodle

http://www.ceegaag.com/2010/Oct%202010/ ... arad_k.htm
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Dagaal Laga Baqayo ino ka dhaco Galbeedka Buuhoodle

Post by Executive »

Saciid

I have never heard of him, he killed a pregnant women? Malahaa wa fuleey
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”