Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska Taa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska Taa

Post by Mr_Alfaas »

Hargeysa (HWN) “Walaahi halkii aanu fadhiisan jirnay sanado ka hor ayuun baanu fadhinaa, waxa aanu isku maaweelin jirnay in haddii uu isbedel dalka ka dhaco in aanu camal heli doono, laakiin hadda waanu ka rajo dhignay, saadaashii aanu qabnayna waxa aan filayaa in ay tahay samada ka soo leefa” sidaas waxa cod hoose oo ay ka muuqatay rajo la’aan badani igu yidhi mid ka mid ah dhalinyarada da’ ahaan madaxa la sii geliya 25-jirka, kaas oo magaciisa iigu sheegay Cumar Diiriye, isla markaana ii cadeeyay in uu ka qalin jabiyay jaamacada Hargeysa.

Inta badan dhalinyarada ayaa ka hor doorashadii dalka ka dhacday waxa ay isku maaweelin jireen in isbedel ka dhaca dalku uu yahay ka keliya ee ka badbaadin kara dhalinyarada camal la’aanta baahsan ee dalka ku habsatay.

Farxad iyo rayn-rayn ayay dhamaanba dhalinyarada dalka u ahayd markii xisbiga Kulmiye oo isagu wakhtigii ololaha balan qaadi jiray in ay camal u samayn doonaan dhalinta hoganaysa meelaha la isugu yimaado kuwaas oo marka uu waagu baryo ilaa gabal dhaca wakhtiga isku dhaafiya.

Xukuumada cusub iyo dhalinyarada reer Somaliland oo ah xoogii dalka ayaa kala tirsanayo xaq iyo xuquuq ku kala maqan, waxaanay dhalintu isu geysteen xisaab haddii markii ololaha lagu jiray ay ahayd sax, hadda isu geyntoodu ay soo baxayso Eber.

“Walaalo horta nin waliba dantiisa ayuu wadaa, maanta haddii aad wasaaradaha tagto oo aad CV –gaaga geyso waxa markaaba la isweydiinayaa waa reer ayo, laakiin lama eegayo aqoontaada, taas ayaanu islahayn waa laga soo gudbay ee dib ayay u soo cusboonaatay” ayuu yidhi Farxaan Ducaale.

Waxaanu intaasi ku daray isla markaana uu quus iyo faro madhnaan ka muujiyay balamihii wakhtigii olalaha doorashada lagu jiray “Waxa aan durba dareen wayn ka qabnaa in xisbigii aanu u riyaaqaynay wakhtigii ololaha doorashada ee aanu hadh iyo habeenba heeganka ugu jirnay in aanu dhaafino filkii uu durba dabada noo soo jeediyay” ayuu yidhi

Maaha wakhti laga qayliyo fullinta balamo ay hore u qaaday xukuumadan cusubi wakhtigii ay ololaha doorashada ku jirtay, hadaba aan dib ugu noqdo Farxaan oo ay wakhtigaas ka muuqatay cadho aad u wayni isla markaana aan xasuusiyo in uu ku degdegay helitaanka camal iyada oo aanay weli xukuumadu afartankii ka bixin “Maaha walaalo wax walba ifafaalihiisa ayaad arkaysaa, markaa ilama aha in aan degdegay waxaana fekerkaygan ila qaba dhamaanba filkay, haddii ay wax isbedelaan waynu u wada joognaa laakiin walaahi yaab ayaa naga soo dhego wayn, haddii ay sida ay hada u wax wado ay sii ahaatana fartayadii ilaahay nama jarin ee inta aanu ku bedelno ayaanu mid kale oo khayr qaba saari doonaa” ayuu yidhi.

Haddii wakhtiyadii hore dalka Somaliland u shaqayn jiray qorigu, hada waa la tiiriyay, waxaana la isku raacay in dhuunyaale ku dhalay qorigii ay ka dhici jirtay baaruudu, balse taa bedelkeeda waxa Somaliland maanta ka shaqaynaysa in xukuumad dhan oo dhisan loogu hanjabayo in far wax lagaga qaban doono.

Dhinaca kale waxa soo baxaysay in xukuumadan cusub ay xididada u siibaysay maalmihii ugu dambeeyay dadkii shaqaale hoosaadka ka ahaa dhamaanba hay’adaha waxaana la tilmaamay in ay arrintaasi tahay mid cawaaqib xumo keeni karta.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar sii horeysay ku canaantay xukuumadda in ay xiddidada u wada siibto dhamaanba shaqaalihii dawlada, waxaanu u soo jeediyay in haddii ay dalka ku guulaysteen aanay ku tacadiyin shaqaalaha oo ay iska daayaan caruurahooda ha u xoogsadaan ileen iyaguba dalka xaq bay ku leeyihiin.

Xukuuda madaxweyne siilaanyo oo hadda aanay u dhamaanin boqolkii maalmood ee ugu horeeyay wakhtigeedu ayaa la sheegaa in ay wax la taaban karo qabatay, balse waxa taa barbar socoto in shanta sanno ee socota looga fadhiyo fullinta balanqaadyadeedii iyada oo maanka ku haysa wiixi tii hore lagu eryay iyaduna ay ku ceebaynaysay.

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najax@hadhwanaag.org

Tell: 9181187

waata dawlad ku sheegi somaliland :lol: :down:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by The_Emperior5 »

And the mucaraad contineus :lol:

atleast adigu mucaraad caafimad qabta baad tahay unlike bohol :lol:
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by Dhaga Bacayl »

We want to much to soon!

Walee dadkeena deg deg baa loogu daw galay. Maxay filayeen ma in Sillanyo dahab cirka ka so daadiyo?
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by Mr_Alfaas »

Dhaga Bacayl wrote:We want to much to soon!

Walee dadkeena deg deg baa loogu daw galay. Maxay filayeen ma in Sillanyo dahab cirka ka so daadiyo?
siilanyo ayaa laga hayaa sidaa aad sheegtey dhulkenu barwaq noqnaya cirka biyaha laga cabaya..bal wakase haka cabaan .. :mrgreen:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by Mr_Alfaas »

The_Emperior5 wrote:And the mucaraad contineus :lol:

atleast adigu mucaraad caafimad qabta baad tahay unlike bohol :lol:
Bohol :up: :lol: :lol: wa nin mujaahid ah walee
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by Cali_Gaab »

Alfaas, tell them they can sit on our big aden madoobe buuryo :up:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by The_Emperior5 »

Mr alfaas wasiir ayubu muxu ku tari kara ma india adigo jooga bu wax kugu soo diri laha :lol:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by Cali_Gaab »

Cid reerkiisa biil ka uu dirto ayuu raadinayaa, war Cawil xitaa caruurtiisa ayuu lacag siini jirin isaga oo lacagta ka daadanaysa :lol:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by Mr_Alfaas »

The_Emperior5 wrote:Mr alfaas wasiir ayubu muxu ku tari kara ma india adigo jooga bu wax kugu soo diri laha :lol:
india ma joogo sxb meshan joogana wan ku faraxsanahay ee anu wasiir ayub ma rabo ee cadalad aya mesha loo baahanyahay sxb :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by The_Emperior5 »

Mr_Alfaas wrote:

caadaalada mr alfaas = wasiir Ayub ah mid Habar sicid ah iyo mid reer abokor ah , sida arabka labba wasiir u heleen :lol:

hada futto pispaaski kale baad joogta pakistan :lol:

Cali_Gaab wrote:Alfaas, tell them they can sit on our big aden madoobe buuryo :up:

de kuwan emprkan bal waakaase fahamsi iyo dhago bacayl :lol:

liqaaye roobki dahabka soo da ayey goormu curanayaa :lol:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by Cali_Gaab »

War roobka mar hore ayuu soo daatay eh, suuliga ayaad ku mashquul saneed koley anaga oo debeda taagan oo roobka carabka ku qabanayney :lol:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by Mr_Alfaas »

The_Emperior5 wrote:
Mr_Alfaas wrote:
The_Emperior5 wrote:Mr alfaas wasiir ayubu muxu ku tari kara ma india adigo jooga bu wax kugu soo diri laha :lol:
india ma joogo sxb meshan joogana wan ku faraxsanahay ee anu wasiir ayub ma rabo ee cadalad aya mesha loo baahanyahay sxb :lol:
caadaalada mr alfaas = wasiir Ayub ah mid Habar sicid ah iyo mid reer abokor ah , sida arabka labba wasiir u heleen :lol:

hada futto pispaaski kale baad joogta pakistan :lol:
cadaaladu qabiil maleh.ee cadalad is cadalad ,agaasimaha la magacabay iyo kan safiirka labadodaba rer abokor ma aha :down: :lol: :lol:

war wadankan joogo ha iga caayin yaan holland ku tufine :lol:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by Mr_Alfaas »

Cali_Gaab wrote:Cid reerkiisa biil ka uu dirto ayuu raadinayaa, war Cawil xitaa caruurtiisa ayuu lacag siini jirin isaga oo lacagta ka daadanaysa :lol:
cawil reerkisa ma gaajoonayaane wax kale iisheeg adeer :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Rajo Ay Qabeen Quus Iska

Post by The_Emperior5 »

dee habarsicid ba wax hellay maxaad la ooyeysa anagu hadaanu reer samatar nahay wasiir manu helin anagu ooyena ma aragtay xita reer suldaan lama siin wasiir reer axmed cabdalle. anagii ba wanu iska amuusanahay
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”