Oromos Aiding Al-shabaab (war @ Bakool).
Posted: Tue Oct 26, 2010 9:23 am
Dagaal u dhexeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab oo ka dhacay gobolka Bakool
Talaado, 26 October, 2010 (HOL) – Dagaal u dhexeeyay ciidammada dowladda iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Rabdhuurre ee Gobolka Bakool, kaasoo dhaliyay khasaare labada dhinac soo kala gaartay.
Wararka laga helayo deegaanka, ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhinteen shan qof oo ka mid ah dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, iyado o wararku ay sheegayaan in labada dhinac ay la kala safan yihiin ciidammo uga yimid dalka Itoobiya.
“Dagaalku wuxuu ka dhacay deegaanka balliga-PM-ka oo ku dhow degmada Rabdhuurre, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus iyo mid fudud, balse lama yaqaan inta uu le’eg yahay khasaaraha labada dhinac kala gaaray,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Rabdhuurre.
Wararka qaarkood, ayaa sheegaya in ciidammada Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay dagaalka ku wehliyaan ciidammo Oromo ah oo dhawaanahan kaga yimid dalka Itoobiya, halka ay ciidan Itoobiyaan oo aad u hubeysan, taageerayaan dagaalka.
Boqolaal qoys oo ku noolaa degmooyinka Rabdhuurre, ayaa la sheegay inay ka barakacayaan degmadaas, waxaana dagaalkan uu qayb ka yahay dagaallo u dhexeeyay Xarrakatul Shabaab iyo ciidammada dowladda oo sannadkan oo dhan ka dhacayay gobolkaas.
Dhincyada uu dagaalkan, u dhexeeyay ayaan weli ka hadlin, waxaana horay dagaallo ka dhacay gobolka Bakool guulo ka sheegtay Xarrakatul Shabaab, mana jiraan warar xaqiijinaya dhul lagu kala qabsaday dagaalkii maanta dhacay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
http://www.hiiraan.com/news/2010/Oct/wa ... -11398.htm