War iminka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay saaka 10-kii aroornimo sadex oday oo gobolka Gedo si weyn looga yaqaano.
Xiritaanka ayaa yimid markii sadexdaa oday ay kasoo faraxasheen quraac loogu yeeray saaka oo qof shakhsi ah uu ugu yaarey inay kasoo qayb galaan quraan akhris, sida wararku ay nagu soo gaarayaan.
Mid kamid ah odayaasha oo magaciisa la ii sheegay ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Cabdi Dhurwaa, waxayna maamulka magaaladu ehelada odayaasha u sheegeen in howlo baaritaan ay ku socdaan cid booqan kartana aysan jirin.
Maamulka magaalada ayaa u qaatay arintaas kulan gooni ah oo looga shirayo ka qayb qaadasho dagaal oo ay odayaashu ka wadaan magaalada.
Sidoo kale maamulka magaalada B/Dheere ee xarakada Al-Shabaab waxay shacabka ugu baaqeen inay dagaalka ka jira gobolka ka qayb qaataan oo ay ka hortagaan waxay ku magacaabeen Gaalada iyo Qabuuriyiinta (waa siday hadalka u dhigeen maamulku).
Sidoo kale magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa shalay waxay maamulka Al-Shabaab halkaas wacdi uga jeediyeen shacabka magaalada waxayna dadka ugu baaqeen inay dagaalka ka qayb qaataan.
Qaylo dhaantan ku aadan in shacabka magaalooyinka loogu baaqo dagaal ayaa timid markii dhowr jiho uu dagaal kasoo food saaray xarakada Al-Shabaab, sida B/Xaawo oo laba usbuuc kahor lagala wareegay iyo Ceel-Waaq oo laga yaabo inuu dagaal ka bilowdo.
Sida warar sugan ay xusayaan gurmad xoogan oo xarakada Al-Shabaab ah ayaa gaaray deegaanka Caracase oo u dhow magaalada B/Xaawo, gurmadkaas oo ka kala yimid dhowr magaalo oo ay kamid tahay Kismaayo, Diinsoor iyo Baydhabo.
Al shabab arrest elders in Baardheere
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
Re: Al shabab arrest elders in Baardheere
grandpakhalif wrote:War iminka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay saaka 10-kii aroornimo sadex oday oo gobolka Gedo si weyn looga yaqaano.
Xiritaanka ayaa yimid markii sadexdaa oday ay kasoo faraxasheen quraac loogu yeeray saaka oo qof shakhsi ah uu ugu yaarey inay kasoo qayb galaan quraan akhris, sida wararku ay nagu soo gaarayaan.
Mid kamid ah odayaasha oo magaciisa la ii sheegay ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Cabdi Dhurwaa, waxayna maamulka magaaladu ehelada odayaasha u sheegeen in howlo baaritaan ay ku socdaan cid booqan kartana aysan jirin.
Maamulka magaalada ayaa u qaatay arintaas kulan gooni ah oo looga shirayo ka qayb qaadasho dagaal oo ay odayaashu ka wadaan magaalada.
Sidoo kale maamulka magaalada B/Dheere ee xarakada Al-Shabaab waxay shacabka ugu baaqeen inay dagaalka ka jira gobolka ka qayb qaataan oo ay ka hortagaan waxay ku magacaabeen Gaalada iyo Qabuuriyiinta (waa siday hadalka u dhigeen maamulku).
Sidoo kale magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa shalay waxay maamulka Al-Shabaab halkaas wacdi uga jeediyeen shacabka magaalada waxayna dadka ugu baaqeen inay dagaalka ka qayb qaataan.
Qaylo dhaantan ku aadan in shacabka magaalooyinka loogu baaqo dagaal ayaa timid markii dhowr jiho uu dagaal kasoo food saaray xarakada Al-Shabaab, sida B/Xaawo oo laba usbuuc kahor lagala wareegay iyo Ceel-Waaq oo laga yaabo inuu dagaal ka bilowdo.
Sida warar sugan ay xusayaan gurmad xoogan oo xarakada Al-Shabaab ah ayaa gaaray deegaanka Caracase oo u dhow magaalada B/Xaawo, gurmadkaas oo ka kala yimid dhowr magaalo oo ay kamid tahay Kismaayo, Diinsoor iyo Baydhabo.
So they were Mareexaan.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 305 Views
-
Last post by Nolol cusub
-
- 0 Replies
- 487 Views
-
Last post by newsbot
-
- 0 Replies
- 311 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 11 Replies
- 627 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 6 Replies
- 598 Views
-
Last post by kadarre
-
- 0 Replies
- 213 Views
-
Last post by Coeus
-
- 6 Replies
- 94 Views
-
Last post by Naboleon
-
- 0 Replies
- 316 Views
-
Last post by newsbot
-
- 7 Replies
- 856 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 0 Replies
- 462 Views
-
Last post by newsbot