Emir Axmed godane takes beledxaawo
Posted: Fri Oct 29, 2010 1:03 pm
Xarakada Alshabaab oo si Nabadgelyo ah kula Wareegtay Degmada Beledxaawo
Jimo, Oktoobar (HOL) - Xarakada Alshabaab ayaa si nabadgelyo ah kula wareegtay degmada Beledxaawo kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna waljameeca ee mudooyinkii danbe ku sugnaa degmadaasi.
Gudoomiyaha xarakada Alshabaab ee gobolka Gedo Sheekh Bishaar Aaayaa sheegay in ay maanta dib gacantooda ugu soo celiyeen degmada Beledxaawo kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii dhawaan la wareegay degmadaasi.
"Ciidamadeena ayaa ku hareereysnaa degmada Beledxaawo, waxayna ogaadeen in aysan u babac dhigi karin awooda ciidan ee kusoo fool leh sidaa ayayna uga carareen Degmada Beledxaawo," ayuu yiri Sheekh Bishaar
Ciidamada Dowladda iyo kuwa ahlusunna waljameeca ayaa la sheegay in ay saaka isaga baxeen degmadaasi, saraakiil katirsan ciidamada ururka Ahlusunna oo saxaafadda la hadlayna waxa ay sheegeen in ay uga baxeen degmada Beledxaawo cabsi ay ka qabaan in ay dhibaato dagaal saameyso shacabka ku dhaqan degmadaasi, waxaana ay saraakiishaasi sheegeen in ay ku suganyihiin meel 5km u jirta degmada Beledxaawo islaarmarkaasina ay rajeynayaan in ay mar kale dib ula wareegaan degmada Beledxaawo.
la wareegidda ay maanta xarakada Alshabaab la wareegtay degmada Beledxaawo ayaa kusoo beegmeysa xilli maalmahan danbe ay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan ay ka soconayeen degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo, kuwaa oo ay wadeen dhinacyadii dhawaan kudagaalamay Degmada Beledxaawo ee Xarakada Alshabaab iyo Dowladda KMG ah oo garab ka heleysa ururka Ahlsunna Waljameeca