Saylada Xoolaha Burco oo Cirka Mareysa Thanx To Indho-Deero

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Saylada Xoolaha Burco oo Cirka Mareysa Thanx To Indho-Deero

Post by LiQaaye_TDH »

Image
Burco: Sayladda Burco oo saaka adhi la ciirciiraysa+ Ganacsatadii Xoolaha oo wada mabsuudsan + Maxjarkii indho-deero oo kor u qaaday Ganacsigii xoolaha +Tartanka Ka dhex socday Sayladda oo sii xoogaystay.
Image

Burco : (HWN) Sayladda magaalada Burco ayaa ka Duwanayd saaka sidii ay ahayd maalmihii la soo dhaafay waxaana saaka yimi sayladda Burco in ka badan 80 Gawaadhida xamuulka ah oo sidda xoolo, waxana ka noqday ama laga raray in ka badan 70 gaadhi oo xamuul ah.
Image
Sayladda Burco oo ah sayladda ugu weyn Somaliland ayaa dhaqdhaqaaq ganacsi oo xoogani ka socday hadaba Shebkedda Hadhwanaagnews oo saaka Bookhatay Sayladda si ay wax uga soo ogaato dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka socday Saylada ayaa Microhphone ka la dhexqaaday Dillaalinti iyo Ganacsatadii xoolaha ee sayladda ku sugnaa , waxaanay wax ka waydiisay waxa saaka iska bedellay Ganacsigii xoolaha iyo xaaladda Sayladda ee saaka.
"Saaka waxan keenay kun iyo lix boqol oo neef, waxaan ka keenay Gobolada Mudug iyo Bari iyo weliba Gobolada bariga ee somaliland, waxaana ku keenay adhigaas 8 Baabuur, oo kuwa xamuulka ah, wixii an filayey in la iga siisto ayaa la iga siistay waana ilaahay mahaddii,waxan ka ibiyey adhigayga shirkadda ila indho deero oo kun iyo lixdii boqol ba iyadaa tirsatay oo an ka iibiyey" Maxamud A/lahi Xasan o ka mid ah Ganacsatada Xoolaha keena sayladda Burco.
Image
"waxan saaka sayladda keenay laba boqol oo neef, welina la igama iibsan lakin waa la iga iibsanayaa oo waa la ii ballan qaaday, ilma indhodeero ayan ka iibinayaa, qiimaha adhiga aan siinayaa ee an qoladaa ugu wareejinayaa waa $53 Dollar, sayladduna maalmihi hore way ka duwan tahay oo maanta ayaa dhaqdhaqaaq badani jiraan si wacanna wax loo kala iibsanayaa" ayay tidhi shamsa ismaciil xuseen oo iyaduna ka mid ah haweenka adhiga u soo iib geeya sayladda weyn ee Burco.
Sayladda Burco oo ay saaka yimaadeen adhi gaadhaya 100 kun oo neef sida ay sheegeen dillaalintii iyo ganacsatadii xoolaha ee sayladda Burco, waxaana sayladda Burco ka jirey saaka dhaqdhaqaaqii u ballaadhnaa ee beryahan danbe ku yimaada sayladda, waxaana sida ay sheegeen ganacsatadii xoolaha keeni jirtey magaaladu ay sheegeen in sababtu tahay Maxjarka Cusub ee shirkadda Indho deero ay ka furatay Berbera, taas oo bay yidhaahdeen xayiradii iyo kootadii ka qaaday adhigii kale, dadweynaha ay hadhwanaagnews waraysatay iyo ganacsatada xoolaaha ayaa mid waliba ku faraxsanaa qaabka wax kala iibsi ee sayladda Burco ka socday saaka, waxanay intooda badani sheegayeen in maanta ay ku faraxsan yihiin in adhiga wixii ay afka ku dhuftaanba laga siisanayey ee aanay baayacaadi ba jirin isla markaasna la kala tirsanayey ama la kala goosanayey.

Dillaalinta iyo ganacsatada xoolaha ee Sayladda Burco ayaa iyagu saaka ku jirey mashquulkii u badnaa, sayladda oo ay joogi jireen boqolaal dad ah oo bilaa camal ah ama iska dhex wareegana saaka laguma arkayn, waxana qof kastoo oo sayladda yimaadaa uu helayey shaqo, maadama ay shaqadu ka ballaadhnayd maalmihii hore.
Shirkadaha Al-Jabiri iyo Indho –deero oo iyagu ku jira tartan xagga dhoofinta xoolaha ah ayaa labaadoodaba ay hadhwanaagnews wax ka waydiisay Tirada adhiga ay iibsadeen iyo jawiga sayladda ee saaka , Maxamed Xusaan oo loo yaqaan Timacadde isla markaasna Wakiil u ah shirkadda AL- JABIRI ayaa hadhwanaagnews uga warramay tirada adhiga ay ka iibsatay Saylada Burco saaka , waxaanu sheegay in 10, 500 Toban kun iyo shan Boqol oo neef uu saaka Sayladda ka iibsaday, isla markaasna dhaqdhaqaaqa sayladda ee Saaka uu aad u wanaagsanayhay.

Muuse aadan Ducaale oo wakiil Sayladda Burco uga ahaa shirkadda Indho- deero ayaa sheegay in weli ay iibintii ku guda jiraan mar walba gaadhigii soo galana ay roganayaan iyagu, waaxanu sheegay in maanta sayladda ay kala baxayaan adhi gaadhaya 20,000 Labaatan kun oo neef.

Isku soo wada duuboo dhaqdhaqaqyadii ka socday saaka Sayladda Burco ayaa ahaa kii ugu baaxadda weynaa, waxaanu adhiga saaka adhiga la kala siisanayey $60 Dollar illaa $53 Dollar inta u dhaxaysa, iyadoo qiimaha adhiga ee kor u kacayna sabab u tahay ciida carafo iyo weliba maxjarka cusub ee laga hirgeliyey magaalada Berbera sida ay sheegeen Ganacsatada Xooluhu.
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Saylada Xoolaha Burco oo Cirka Mareysa Thanx To Indho-De

Post by ToughGong »

Thanx To Indho-Deero
You mean thanks to Allah sparing Nabi Ismail
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Saylada Xoolaha Burco oo Cirka Mareysa Thanx To Indho-De

Post by LiQaaye_TDH »

seemeyer wrote:
Thanx To Indho-Deero
You mean thanks to Allah sparing Nabi Ismail
Ilaahay aya Mahada iska leh, Laakin se Dedaalkana waxa keentay Shirkada Indho-Deero co :up:
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Saylada Xoolaha Burco oo Cirka Mareysa Thanx To Indho-De

Post by ToughGong »

LiQaaye_TDH wrote:
seemeyer wrote:
Thanx To Indho-Deero
You mean thanks to Allah sparing Nabi Ismail
Ilaahay aya Mahada iska leh, Laakin se Dedaalkana waxa keentay Shirkada Indho-Deero co :up:
:up: :sland:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Saylada Xoolaha Burco oo Cirka Mareysa Thanx To Indho-De

Post by The_Emperior5 »

:clap: :clap: :clap: :up: :sland:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”