Golaha Degaanka Berbera oo Dacwad Liddi ku ah Maayarka u Gudbiyey Badhasaabka Saaxil
Friday, 29 October 2010
Golaha Degaanka Berbera oo Dacwad Liddi ku ah Maayarka u Gudbiyey Badhasaabka Saaxil
Hargeysa (TogdhNews)- Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Degaanka Berbera, ayaa Badhasaabka Gobolka Saaxil u gudbiyey shalay dacwad ka dhan ah Maayirka Berbera oo ay ku eedeeyeen inuu iska dhego-mariyey qabashada kalfadhi aan caadi ahayn oo ay dalbadeen toddoba mudane, kaas oo markale loo ballamay maalinta Axadda ee soo socota
Fadhigaas oo sida la sheegay xildhibaannadu ku damacsanaayeen inay xilka kaga xayuubiyaan Maayarka Berbera Md. Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) ayaan qabsoomin waqtigii loo ballansanaa.
Cawil Cali Sugulle oo ka mid ah toddobada xildhibaan ee mooshinkii horena soo dhigay, dacwaddana u gudbiyey Badhasaabka oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramayey xalay, ayaa sheegay in dacwadoodu ka dambaysay, kadib markii maayarku dhegaha ka furaystay inuu qabto fadhiga aan caadiga ahayn ee mudanayaashoodu dalbadeen.
Waxa kaloo uu Maayar Cabdalle Sandheere ku eedeeyey musuqmaasuq, ku dhaqan la’aanta xeerka Golaha Degaanka iyo in aannu golaha kala tashan tallaabooyinka uu qaadayo, isla markaana xukuumaddii hore ee Madaxweyne Riyaale ku taageeri jirtay musuqmaasuqa iyo fal kasta oo uu ku kaco, waqtigan isbedelku dhacayna ay uga faa’iideysanayaan xil-ka-qaadistiisa, isagoo xusay in maalinta Axadda ah uu Badhasaabku ka qaybgali doono fadhiga.
Golaha Degaanka Berbera trying to Impeach Berbera Mayor.
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Golaha Degaanka Berbera trying to Impeach Berbera Mayor.
waxani dan maha they need to stop this la suga doorashada degaanka
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 2553 Views
-
Last post by Nomand
-
- 4 Replies
- 1150 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 4 Replies
- 556 Views
-
Last post by Murax
-
- 41 Replies
- 3205 Views
-
Last post by Bulletz
-
- 0 Replies
- 1381 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 19 Replies
- 4769 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 9 Replies
- 1310 Views
-
Last post by Murax
-
- 5 Replies
- 1889 Views
-
Last post by Adali
-
- 0 Replies
- 454 Views
-
Last post by FBISOMALIA