
Wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose ayaa shacabka Muslimka ah ee ku dhaqanka wilaayadaasi uga mahad celisay taageerada lixaadka leh oo ay siiyeen dagaalada Jihaadka ah ee ka socda magaalada Muqdisho iyo Wilaayaatka kale.
Waali K/xigeenka Shabeelaha Hoose Sheekh Cabdi Qani Kabajecel ayaa sheegay in Jihaadka ka socda Soomaaliya uu ku xoojiyey shacabka Muslimka ah ee Soomaaliya oo naf iyo maalba u huraya difaaca diintooda.
Sheekh Cabdi Qani oo shacab farabadan kula hadlayay deegaanno wilaayadaasi katirsn ayaa dadka ku dhaqan wilaayada Shabeelaha Hoose ugu baaqay in aysan ka caajisin isbarbar taagidda Mujaahidiinta.
Wilaayaada Islaamiga Shabeelaha Hoose ayaa boqolaal ciidan oo gurmad ah usoo dirtay Xamlada Nihaayatul Muctadiin ee bishii Ramadaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho.
Jihaadka ka socda Soomaaliya ayaa noqday mid shacbi ah oo ay dhaqaalaha ugu badan ku bixinayaan ganacsatada Soomaalida iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.
www.somalimemo.net