Waxanu Warku intaasi ku daraya in kulan dhexe maray Madaxweynaha iyo Beeshiisa uu ka soo jeedo madaxweyne Siiranyo, ay ka wadda hadleen wararka sheegay in uu Xilkii uu ka qaaday Saffiirka Somaliland ee Itoobiya u qaabilsanaan doona, balse waxa ay tibaaxuhu sheegayaan in madaxweynaha beeshiisu ay ku qancisay in uu ka nodo Xilkaqaadistaasi haddii ay jirto oo uu damacsan yahay, haddiise anay jirina uu u cadeeyo Saxaafadda Gudaha iyo dibadaba. Iyaga oo Madaxweynaha u bandhigay in Beesha Ayuub aanu markii hore Sadkoodii siinin oo uu dulmay, hadan in Xilkii kali ahaa ee ay haysteen Muran uu gaallo ay tahay arin aad u foolxun, waxa kale oo ay Odayaasha beeshiisu u sheegen in haddii uu Xilka ka qaaddo Saffiirka ay Xukuumadiisa bar madooow ku noqondoonto madama anay gadhin boqolkii Cisho,. Lagana sugayo waxqabad ee aan laga sugey Hebel ayaan Xilka ka qaaday.
Waxa la sheegayaa in uu arintaasi uu madaxweynuhu aanu si cad beeshisa ugu cadeeyn Balse uu sheegay in uu arintaasi kala tashandoono Wassiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland.
Warar kale oo aan madaxtooyadda ka fogey ay iyaguna sheegay in wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Siiranyo Maxamed C/laahi Cumar iyo Madaxweyne Siiranyo ay ka wadda Tashadeen Arrinta Safiirka Itoobiya Maxamed Xassan oo meel adag maraysa Baryahan, waxna la sheegay in Wassiirka Arimaha Dibaddu markii hore uu ka Danbeyay Qorsha ahaa in labbadalo Safiirka Itoobiya u fadhisanay Somaliland, isaga oo hore u cuskadday in markii la magacabayey aanu madaxweynuhu kala Tashan Magacaabista Safiirka madama uu yahay wasiirkii Arimaha dibadda balse waxa ay Madaxweynaha iyo Wasiirku islaqaateen in Xilkiisa uu Safiirnimo uu hayo Dhawaana lagu wareejindoono Xilkii Safiirnimadda Somaliland iyo Itoobiya Maxamed Xassan Siciid.
Wararka sheegay Xilkaqaadista Safiirka ayey hore Jawaab Culus uga bixiyeen Madaxdhaqameedka Beesha Ayuub iyo Dhalinyaradooduba ee uu ka soo jeedo safiirku iyaga oo Nidar ku galay haddii Xilka laga qaaddo ay iyaguna jawaab Waafi ah ka bixindoonan.
Arintan ayaa ku Soo beegantay wakhti Ay wafti balaadhan oo uu Madaxweyne Siiranyo Hogaaminayo ay u Anbabixidoonan Maalmaha soo socoda Dalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Waftigaasina waxa ay ka koobnan doonan Wasiiro, Xildhibaano ka kala socoda labbada Gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda.
C/raxman Osman C/lAAHI (Isbatoore)
Ishanews Media Group
Email. expensiveman_10@hotmail.com
Ishanews Office Hargeysa, Somaliland


