Talaado, 02 November, 2010 (HOL) − Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa ugu baaqday haweenka Soomaaliyeed inay ka qaybgalaan dagaallada socda dalka, gaar ahaan kuwa ka socda magaalada Muqdisho.
"Dalkaan, waxaa kusoo duulay, Mareykanka, Itoobiya, Uganda iyo Burundi, oo kula jira dagaal diinta Islaamka, sidaa daraadeed haweenka waa inay ka qaybgalaan dagaallada socda," ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakada.
Hadalkan, ayuu ka jeediyay tababar loosoo xiray boqolaal haweenka ah oo ka tirsan kuwa gobolka Banaadir, isagoo ku boorriyay in dagaalka socda aan koox keliya lagu dhaafin ee ay waajib tahay in shacabka oo dhan ay ka qaybgalaan.
"Diinta Islaamku, waxay u baahan tahay in loo gargaaro, sidii horay u sameeyeen haweenkii muslimiinta, waxaana la idinka doonayaa inaad naf iyo maalba u hirtaan difaaca diinta. Haweeneydii aan awoodin inay dagaalanto ama ay maal bixiso, waa inay cunugeeda hubeysaa oo ay dagaalka u dirto," ayuu mar kale yiri Sheehk Cali.
Waaliga gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab, wuxuu sheegay in ciidammada AMISOM iyo dowladdu ay kaga sugan yihiin Muqdisho, KM-4 iyo Xamarweyne, ayna tahay inay mar qura dagaal ku qaadaan si halkaas looga saaro.
"Ciidammada ka socda Burundi iyo Uganda waxaa soo dirsaday Mareykanka, iyadoo ay muuqato in Mareykanka uu ku jabay dunida, innagana waxaa waajib naga saaran yahay inaan AMISOM iska bixinno," ayuu yiri guddoomiyaha u hadlay Xarrakada.
Hadalkan, ayuu ka dhawaajiyay Sheekh Cali Maxamed xilli ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay jiraan qaraxyo ay doonayso Xarrakatudu inay ka geysto Muqdisho, kuwaasoo idaacadda dowladda taageerta ay sheegtay inay fulinayaan haween.
loooool it shows how desperate shabaab became.
let them perish in an never ending war.
