All eyes on somaliland Xildhiban cali Merexaan

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

All eyes on somaliland Xildhiban cali Merexaan

Post by The_Emperior5 »

Image
Dawladda Cusub Waxay soo Jiidatay Indhaha Caalamka oo ay ku Jirto Dunida Carabtu”Xildhibaan Cali Marreexaan oo ka xog-warramay safar uu ku tegay dalalka Khaliijka Carabta
“Anigu uma arko wax macquul ah in aannu isu qorno mushahar dhan $ 3000 doollar bishiiba, iyadoo….”

Hargeysa (Jam)- Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee xisbul-xaakimka KULMIYE uga soo baxay Gobolka Togdheer, ayaa ka xog-warramay natiijada socdaal muddo laba bilood ah qaatay oo uu ku soo maray qaar ka mid ah dalalka Khaliijka Carbeed, gaar ahaan Qatar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta.

Md. Marreexaan oo dalka ku soo laabtay Axaddii toddobaadkan, ayaa xog-warran kooban oo uu Jamhuuriya la yeeshay shalay waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; natiijada uu kala soo guryo-noqday socdaal uu ku tegay qaar ka mid ah dalalka Carabta, hankiisa siyaasiga ah iyo aragtidiisa ku wajahan mudanayaal dhowaan Wasiirka Maaliyadda weydiistay mushahar kordhin.

Ugu horreyn, isagoo faahfaahin ka bixinayey xidhiidhka Somaliland iyo dawladaha Carabta waxa uu yidhi; “Dadkeenna jooga waddamada Khaliijku waxay aad ula socdaan waxyaabaha ka socda dalka, kolley waxyaabihii aan kala soo kulmayna waxaan horgeyn doonaa Golaha Wakiillada oo warbixin dhammaystiran ayaan ka diyaariyey.

Haddii aan ka warramo dhinaca dawladaha Qatar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta dhammaantood waxay diyaar u yihiin inay xidhiidh wanaagsan inala yeeshaan, waayo waxay khaati ka joogaan dagaallada, murannada siyaasadeed iyo natiijo la’aanta ka jirta Soomaaliya oo ay dedaal badan geliyeen, balse aanay waxba ka hirgelin. Imminka wufuud Somaliland ka socda ayaa ku sugan dalalkaas, intii dawladda cusub talada la wareegtayna arrimaha Somaliland waddamada Carbeed aad bay ula socdaan una danaynayaan, waxaanan odhan karaa dawladda cusub waxay soo jiitay guud ahaan indhaha beesha caalamka oo ay ku jiraan dunida Carabtu.”

Xildhibaanka oo la weydiiyey aragtidiisa ku wajahan hadal dhowaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada oo Wasiirka Maaliyadda ka dalbay inuu mushaharooyinka u kordhiyo, waxa uu ku jawaabay; “Anigu uma arko wax macquul ah in aannu isu qorno mushahar dhan $ 3000 doollar bishiiba, iyadoo shaqaalaha dawladda iyo ciidammadu ay qaataan soddon dollar oo keliya, markaa xildhibaannada sidaa u fikiraya waxaan leeyahay taladaas laynoogama fadhiyo ee waxa laynaga sugayaa gurmad iyo sidii aynu dadkeenna shaqo nolol fiican ugu horseedi lahayn, runtiina arrintaas waxaan u arkaa nasiib-darro weyn oo meel-ka-dhac ku ah milgaha iyo maamuuska Golaha Wakiillada ee shacabka matala.”

Ugu dambayn, xildhibaan Cali Marreexaan oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inta uu le’eg yahay damaciisa siyaasiga ah ee mustaqbalka, waxa uu yidhi; “Horta anigu waan fahmi kari waayey ragga yidhi waannu is-sharraxaynaa, markaa waqtiga lays sharraxayaa ma toban sannadood ka dib baa? Waa arrin aan xilligan ka hadalkeedu meesha oolin, waayo Madaxweynaha dhowaan talada la wareegay shan sannadood baa imminka u bilaabantay, shanta soo socotana inuu is-sharraxo distoorka ayaa siinaya, markaa goorta la sharraxan yahay waa goorma ayaan hadalka kaga baxayaa.”

Md. Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo ka tirsan Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada, waxa uu ka mid yahay guddigii Madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray ilaalinta hantida qaranka waqtigii dalku ku jiray xaaladda kala-guurka ah ee u dhexeeyey xilwareejintii labada xukuumadood ee talada la kala wareegay.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: All eyes on somaliland Xildhiban cali Merexaan

Post by LiQaaye_TDH »

Cali Mareexan waxu ka yaabay, Marki uu tegay Middle Eastki sidi loogu soo dhoweeyay lana Gartay Jamhuuriyada Somaliland :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”