President Siilaanyo to visit the United Kingdom

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

President Siilaanyo to visit the United Kingdom

Post by Khalid Ali »

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo soo Dhawayn la Yaab Leh Kala Kulmay Dawladda Jabuuti
Madaxweynaha Somaliland oo la sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay Dawladda Ingiriiska

Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti culus oo uu hoggaaminayo, ayaa shalay ka degay madaarka magaalada Jabuuti.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo galinkii dambe ee shalay ka ambabaxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa si diirran madaarka diyaaradaha Jabuuti ugu soo dhaweeyey madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, marwada 1aad ee Jabuuti iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Jabuuti, iyada oo soo dhawaynta madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa ay ka qaybqaateen dadweyne reer Jabuuti ah oo sitay calanka Somaliland.

Sida lagu sheegay war uu xalay Hargeysa ka soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Geeljire, weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin marwada 1aad marwo Aamina-weris Maxamuud, wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibedda, Ganacsiga, Ciyaaraha, Guddomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland iyo Saraakiil kale, waxa si hab maamuus ah ugu soo dhaweeyay gegida diyaaradaha Jabuuti madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, Marwadiisa Khadra Xayd iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirada sida arrimaha dibada iyo warfaafinta, iyada labada Madaxwayne salaan sharaf ka qaateen ciidamada madaxda qaabila ka dibna waxay kulan kooban oo kusaabsan xidhiidhka iyo walaaltinimada labada wadan ay ku qaateen qolka soo dhawaynta madaxda ee Garoonka Duyuuradaha, iyada oo labada madaxweyne ay si rasmi ah u kulmi doonaan Khamiista maanta.

Sida uu xalay baahiyey telefishanka Jabuuti, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaaciil Cumar Geele, ayaa salaan laab qaada isku salaamay, isla markaana iska dhunkaday labada dhaban, iyada oo madaxweynaha lagu maamuusay ubaxyo hadiyad ah. Waxaanu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle garoonka diyaaradaha isku baray weftiga madaxweyne Siilaanyo horkacayey iyo masuuliyiinta reer Jabuuti ee ka qaybgalay soo dhawayntiisa.

Madaxweyne Siilaanyo oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlay Saxaafadda ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka dambeeyay casuumad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu tilmaamay in booqashadiisu ay salka ku hayso sii xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka ka dhexeeya labada qaran ee Somaliland iyo Jabuuti, isla markaana ay ka wada hadli doonaan waxyaabaha danta iyo maslaxada u ah labada dawladood ee dariska ah.

Sida ilo xogogaal ahi xalay u xaqiijiyeen Jamhuuriya Times oo ka soo baxa London, waxa la filayaa in marka madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo) ka soo laabto Jabuuti uu booqasho rasmi ah ku tagi doono dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Ingiriiska iyo shirkadu ganacsi oo dabada ka riixaya in maalgashi caalami ah lagu sameeyo Somaliland, waxa la filayaa inuu 20 November 2010 booqasho ku tago Ingiriiska, isaga oo sii mari doona dalka Itoobiya oo saaxib dhaw la ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Safarka uu madaxweynuhu ku joogo Jabuuti oo ay ku wehelinayaan wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, marwada 1aad Marwo Aamina-weris Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyadda, waxa uu wadahadlo dhinacyo badan taabanaya la yeelan doonaa masuuliyiinta Jabuuti oo uu ugu horeeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Safarka uu Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo ku tegeen dalka Jabuuti, ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee xukuumadda cusub ku doonayso inay ku abuurto xidhiidh wax-ku-ool ah oo dhexmara masuuliyiinta cusub ee Somaliland iyo dalalka jaarka oo ay ugu horreyso dawladda Jabuuti, iyada oo safarkani yahay kii ugu horreeyey ee madaxweyne Siilaanyo dalka dibadda ugaga baxo tan iyo markii xilka madaxweyninimo loo dhaariyey 27 July 2010.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: President Siilaanyo to visit the United Kingdom

Post by Khalid Ali »

Sida ilo xogogaal ahi xalay u xaqiijiyeen Jamhuuriya Times oo ka soo baxa London, waxa la filayaa in marka madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo) ka soo laabto Jabuuti uu booqasho rasmi ah ku tagi doono dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Ingiriiska iyo shirkadu ganacsi oo dabada ka riixaya in maalgashi caalami ah lagu sameeyo Somaliland, waxa la filayaa inuu 20 November 2010 booqasho ku tago Ingiriiska, isaga oo sii mari doona dalka Itoobiya oo saaxib dhaw la ah Jamhuuriyadda Somaliland.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”