Sheekh Yusuf Indhacadde becomes Xisbul Islam representitive

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Sheekh Yusuf Indhacadde becomes Xisbul Islam representitive

Post by grandpakhalif »

Sheekh Yuusuf Indhacadde oo loo magacabay guddoomiyaha garabka Xisbul islaam ee ku biiray dowladda

Khamiis, 04 November, 2010 (HOL) − Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa xubnihii kasoo goostay sannadkii hore ururka Xisbul Islaam, kuna biiray dowladda Soomaaliya ayaa maanta loo magacaabay guddoomiyaha garabkii uu ka tirsanaa.

Xaflad lagu qabtay Muqdisho, oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal, ayaa lagu waxaa kasoo baxay warsaxaafadeed lagu sheegay in isbadal lagu sameeyay garabkan kasoo go'ay Xisbul Islaam, xilkiina laga qaaday Sheekh Maxamed Axmed Camey oo horay u ahaa guddoomiyaha garabkan.

"Ururka, waxaa lagu sameeyay dib u habeyn, taasoo caado ahayd in lixdii bilood oo kasta lagu sameeyo, waxaana guddoomiye loogu magacaabay Sheekh Yuusuf Indhacadde," aya lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xanuuno lasoo dartay, awgood xilkii looga qaaday guddoomiyhihii hore, iyadoo laga cudurdaartay in dib u dhaca ku yimid in isbadalka lagu sameeyo xilligiisii ay ku timid sababo la xiriira xaaladaha dalka ka jira.

Guddoomiyaha cusub ee Xisbul Islaam garabka la midoobay DKMG ah Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in xilka loo dhiibay uu u gudan doono si sharci ah, isagoo xusay in sharciga uu garabka ku dhaqmayo uu yahay diinta Islaamka.

"Ururkan, waa mid ku dhaqmaya, waxna ku xukumi doona Kitaabka Alle iyo sunnaha Nebiga (NNKH), waxaana qayb ka qaadanaynaa sidii ammaanka dalka lagu soo celin lahaa," ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde.

Su'aal ahayd inuu ka mid noqonayo dowladda lasoo dhisayo, ayuu sheegay in haddii ay wax dalka ay wax ka qabanayso uu ka mid noqonayo, isagoo sheegay in sababtii uu isaga casilay dowladdii hore ay ahayd inay ku fashilantay howihii loo doortay.

Garabka Xisbul Islaam ee la midoobay dowladda Soomaaliya, ayaa la aasaasay 23-kii Maarso 2009, isagoo la midoobay dowladda 17-kii May 2009, waxaana xilligaas la sheegay in loo aasaasay laba ujeeddo oo ah in dalka lagu dhaqo sharciga Islaamka iyo in dowladdu soo celiso xasilloonida guud ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”