Sland:Warancadde gives a young cub to Omar Guelleh as a gift

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Sland:Warancadde gives a young cub to Omar Guelleh as a gift

Post by Siciid85 »

Wasiirkii Hore ee Duulista Hawada Mudane Warancade Oo Madaxweyaha DJibouti Ugu Deeqay Libaax Afar jir ah
(Hadhwanaagnews) Friday, November 05, 2010
Hargeysa (HWN)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee xukuumadii hore Somaliland Md. Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu libaax afar jir ah ugu deeqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu
sheegay inuu Weftigii madaxweyne Siilaanyo u soo dhaweeyay si heer Qaran ah.

Image

Md. Warancadde, oo galabta Beertiisa Xayawaanka ee magaalada Hargeysa oo ay ku jiraan 7 Libaax ku qabtay shir jaraa’id ayaa Madaxweynaha Jabuuti iyo xukuumaddiisa ku aammanay sidii ay u soo dhaweeyeen
madaxweynaha Somaliland oo socdaal shaqo ku jooga dalka Jabuuti oo uu marti qaad rasmi ah ka helay.

Image


Wasiirkii hore oo ka hadlayay arrintaasi wuxuu yidhi “Maanta waxaan
jecelahay inaan uga faa’iidaysto kulankan waxaynu ognahay in dalkan
Somaliland ee aynu halganka dheer u soo galay, haddii ay tahay kii
xabadda iyo haddii ay tahay nabadeynta iyo go’aan qaadashada iyo
samirka badan aynu u soo marnay qaranimada Somaliland. Hadafkeena ugu
weynaa oo ahaa Ictiraafka wuu dhow yahay. Waxa yididiilo badan I
gelisay arrintii shalay ka dhacday Jabuuti oo Madaxweynaha Jabuuti iyo
dawlada dalkaasi ay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii ay si heer
sare ah oo turjumaad qiimo weyn leh oo dadka reer Somaliland
quluubtooda ku beeraysa aanu ka aragnay waxaanan anigu soo
dhawayntaasi ku qiimeynay ictiraaf uu Somaliland ictiraafay
Madaxweynaha aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, waana arrin aynu muddo
dheer ka sugaynay inuu noqdo dalka ugu horeeya ee ictiraafa. Soo
dhawayntii reer Jabuuti waxay daah furtay qiimihii Inaga iyo reer
jabuuti inaga dhexeeyay. Khudbadii Ismaaciil Cumar Geelle waxa ka mid
ahayd wixii aanu idinla qaban karnaba waanu idinla qabanaynaa. Anagana
(Somaliland) ma madhnin waxaanu nahay quruun isku tashatay oo
qiimaheedu aad u sareeyo. Aniga laftaydu waxaan galabta ugu deeqayaa
Madaxweynaha qiimaha intaas leeg inoo sameeyay ee madaxweynaheenii
kaga horyimid madaarka sidii madaxweyneyaasha caalamka. Arrintaasi oo
taariikh cusub caalamka u furaysa. Aniguna Madaxweynaha Jabuuti waxaan
halkan kaga dhawaaqayaa inaan ugu deeqay Hadyad qaali ah oo ah Libaax
afar jir ah.”



Md. Waran Cadde waxa uu u soo jeediyay inuu ku sii dhiirado wanaaga
iyo waxwada qabsiga Somaliland.

Sidoo kale waxa uu Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ugu baaqay inay
aqbalaan madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland, oo uu ku tilmaamay
inay dantoodu ku jirto.


Weriye Cumar Maxamed Faarax
Hadhwanaag News/Hargeysa

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”