Page 1 of 1

"Waan ka xunahay sida Itoobiya ula dhaqantay Yusuf Dabageed"

Posted: Sat Nov 06, 2010 5:23 pm
by Somali_Boqor
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:


Sheekh Yuusuf Cali Ugaas ” Gobolka Hiiraan anagaa gacanta ku heyna waana ka xunahay sida ay Itoobiya ula dhaqantay Yuusuf Dabageed”

Maamulka Islaamiga Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in ay guul daraysteen isku dayo ay dowladda Itoobiya ku dooneysay in Hiiraan ay kula wareegaan ciidan taabacsan Yuusuf Dabageed.

Sheekh Yuusuf Cali Ugaas gudoomiyaha Gobalka Hiiraan u qaabilsan xoogaga Islaamiyiinta oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada B/weyne ayaa sheegay in xoogagoodu fashiliyeen iskudayo dhowr ah oo ladoonayey in lagu arbusho maamulka Hiiraan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in ciidanka maamulka Dooxada Shabelle ee dhawaan lagu dhawaaqay ay Hiiraan ka sifeeyeen, “waxaan ugu bishaareynaa umadda Muslimka ah ee reer Hiiraan in uu fashilmay isku daygii Itoobiya ee ahaa in ay Hiiraan gacanta ugu geliso maleeshiyaadka mooryaanta ah” ayuu yiri Yuusuf Ugaas.

Mas’uulkan katirsan maamulka Islaamiga Hiiraan ayaa soo hadal qaaday jirdil ay ciidanka Itoobiya dhawaan u geysteen Yuusuf Dabageed gudoomiyaha maamulka Dooxada Shabelle.
“way nadhibaysaa in shaqsi soomaaliyeed oo reer Hiiraan ah Amxaaro gacantiisa ku dhibaatoodo laakin isagaa sidaasi doortay”ayuu warkiisa sii raaciyey Sheekh Yuusuf Cali Ugaas.

Warka kasoo yeeray gudoomiyaha Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka Itoobiya iyo kuwa Yuusuf Dabageed ay dhawaan ku fashilmeen qabsashada tuulada Ceelgaal oo dhacda duleedka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.
http://www.allgedo.com/2010/11/06/sheek ... -dabageed/