Dibad-bax roob doon oo manta ka dhacay Gedo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Dibad-bax roob doon oo manta ka dhacay Gedo

Post by grandpakhalif »

Dadweyne aad u fara badan ayaa maanta banaan-baxyo waa weyn oo roob doon ah ka dhigay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo oo ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.




Dibad-baxyada oo ay soo agaasimeen maamulada ururka Al-Shabaab ee gobolka Gedo ayaa ka dhacay magaalooyinka Garbahaarey, Baardheere, Beledxaawo, Ceelwaaq iyo Buurdhuubo, kumaankum qeybaha kala gedisan ee bulshada ayaa ka qeybgalay, kuwaasoo ku dhawaaqayey erayo ay Alle kaga tuugayaan in uu roob u keeno, kana dulqaado kululka iyo abaarta.


Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo dadweynaha dibad-baxayey la hadlay ayaa sheegay in Eebe gacmaha loo hoorsado mar kasta, lana badiyo Cibaadada, dadkuna is-cafiyaan, dulmiga iyo xasadnimaduna la iska dhaafo.
http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... e&sid=5554

Madaxda waxay shacabka ku booriyeen in sababaha kalifay in Gedo abaaruhu ku soo noq-noqdaan ay tahay iyadoo ay jirto dhiig gobolka lagu daadiyey iyo in dadku aanay wali ka towbad keenin dhibaatada dhexdooda ah.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”