Berbera (OWN)- Muddo laga joogo hal sano, ayaa iigu dambaysay magaalo-xeebeeda Gobolka Saaxil ee Berbera. Markaas oo magaalada ay ka taagnayd xaalado aad u daran oo dhinac kasta ah, rejo la’aan, nolol xumo, adeegyada caafimaadka iyo kuwa waxbarashada oo aad u liitay iyo arrimo kale.
Waxa ay ahayd magaalo ka arradan adeeg dawladeed iyo mid shacab-ba, isla maraana la tiicaysay baahiyo baahsan oo dhinac kasta taabtay, iyada oo ay weliba u dheerayd maamul xumo horseed u ahayd silica magaalada halakeeyey.
Hadda, sidii wax badan ayaa iska bedelay oo aniga laftayda si weyn u soo jiitay. Waxa aan arkay dad u faraxsan oo ay ka muuqato yididiilo nololeed oo salka ku haysa rajo soo noolaatay, taas oo ay sabab u tahay fursadihii shaqada oo soo batay, sida Maxjarka Cusub ee Deero Compnay ee dabayaaqadii bishii hore Berbera laga furay. Isbedellada wax-ku-oolka ah ee lagu sameeyey maamulka iyo qaabka shaqo ee Dekedda Berbera iyo weliba isbedelo kale oo ay hormood u tahay xukuumada Madaxweyne Silaanyo oo ku hawlan sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee magaalada iyo kuwa adeegyada bulshada sida; Caafimaadkiyo, waxbarashada, biyaha, Laydh iyo arrimo kale
Waxyaabaha aadka ii soo jiitay ee aan magaakada ku arkay waxa ka mid ah; kulaylkii xad-dhaafka ahaa ee lagu yaqaanay magaakada Berbera oo imika aad u yar, qaabkii shaqada masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada kala duwan ee Gobolka iyo degmada oo wax weyni iska bedeleen, ganacsiga oo iyo dhaqdhaqaaqa guud ee magaalada.
Geesta kale, waxyaabaha aan aadka uga naxay ee aan Berbera kula kulmay waxa hormood u ah QAADKa, oo si xawli ah loogu iibiyo looguna cuno magaalada, iyada oo mararka qaar aad is odhanaysa ‘Tolay dadka magaalada ku nool gaar ahaan raggu ma waxa ay u shaqaystaan inay qaad uun cunaan.’
Inkasta oo aanaan ka geyoon Karin isbedelka ka hirgelay magaalada Berbra, isla amrkaana aan war-bixino kale ka soo diyaarin doono haddii alle ka idmo, hadana waxuum-baan ku soo af-meerayaa “Berberi Hadduum-bay Cagta Saartay Jidkii Horumarka.”
Safarkan aan magaalada Berbera ku tegay oo ah mid la xidhiidha hawlaha Oodeynenews.com, ayaa waxa igu wehelinayey Axmed Maxamed Shaqale oo ah weriye ka tirsan SDWO.com.
Waxa aanu si gaar ah ugu mahad-celinaynaa Fu’aad Maxamed Xuseen oo ah masuul ka tirsan Shirkada Deero Group xafiiskeeda Berbera iyo Maxamed Ibraahim Maxamed oo magaalada ku leh xarun lagu hagaajiyo Mobile-ka iyo Coputers-ka, oo si weyn noogu soo dhaweeyey magaalada, isla markaana qayb-weyn ka qaatay dadaalada aanu ku doonayno xo-uruunta warbixino aanu rabno inaanu magaalada ka diyaarino.

Berbera Haddii aad tago, waa in aanad ka qadin Kalluulka asalka ah ee ay caanka ku tahay.

Oodweynenews.com/Hargeysa Office