
(Hadhwanaagnews) Wednesday, November 10, 2010
Hargeysa(HWN) -Siyaasiga reer Somaliland Md. Cismaan Jaamac Cali (Cismaan-Kaluun) , ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa.
Cismaan-Kalluun, oo mar noqday Raysalwasaare ku xigeenka dawladii Cabdiqaasim Salaad Xasan ee fadhiidka noqotay, ayaan la ogayn nooca uu safarkiisu yahay iyo weliba inuu ka soo noqday mabdi’isii aaminsanaanta federaalka Somaliya.
Warar xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Cismaan-Kaluun oo shalay ka soo degay madaarka Hargeysa, ay xukuumadda Somaliland socdaalkiisa ka warqabtay laakiin lama cadayn inuu dalka ku yimid cafis loo fidiyay oo uu ka noqday mabda’iisii federaalka iyo inuu weli aaminsanyahay oo uu socdaal gaar ah ku yimid Hargeysa.
Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu Wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo socdaalka siyaasigan ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan, waxaanay wararka qaar sheegayaan in xukuumadu Cismaan-Kaluun ka codsaday inaanu saxaafadda la hadlin.
Cismaan Jaamac Cali, waxa dalka ugu dambaysay bishii Febarwari ee sannadkii 2004, markaas oo uu bishii January ee isla sannadkaas socdaal gaar ah ku yimid Somaliland, iyadoo markii hore xukuumaddii xilligaasi sheegtay inuu dalka ku yimid cafis kana soo guryo noqday mabdi’iisii siyaasiga ahaa ee federaalka Somaliya.
Hase yeeshe Cismaan, oo xilligii uu Hargeysa joogay afka ka xidhay saxaafadda, ayaa markii uu dibadda ku noqday waxa uu si rasmi ah u cadeeyay inaanay waxba iska bedelin mabda’iisii Somali-weyn, waxaanu sheegay inuu safarkiisu la xidhiidhay sidii uu dawladda iyo dadweynaha Somaliland ugala hadli lahaa wax uu ku tilmaamay in wax la iska weydiiyo khaladaadkii burburiyay dawladii Somaliyed [Midowgii konfurta iyo waqooyiga] iyo sida loo sixi karo loogana wada hadlayo dhibaatooyinka keenay burburka dawladii Somaliya, waxaanu ka hor socdaalkiisa uu Hargeysa ku yimid xilligaas sheegay inuu yahay tabliiqi siyaasadeed oo Somaliland u tagaya sidii uu dadka Somalilanga ugala soo hadli lahaa arrimo siyaasadeed.
Balse xukuumadii xilligaas ee Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii uu Cismaan sheegay inaanu ka noqon mabdi’iisii federalka waxa ay ku dhawaaqday inay kala noqotay cafis ay sheegtay inay u fidisay. “Haddba, haddii Cismaan Jaamac Cali (Cismaan Kalluun) uu ka baxay heshiiskii cafiks lagu siiyay, xukuumaduna go’aan ayay soo saartay ay kaga noqonayso go’aankeedii ay cafiska ugu fidisay” sidaas waxa yidhi wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub oo xilligaas saxaafadda la hadlay.
Haddaba, waxa hadda la isweydiinayaa in socdaalka Cismaan Jaamac Cali yahay mid tabliiqi siyasadeed sida socdaalkiisii sannadkii 2004 oo uu weli aaminsanyahay federaalkii Somali-weyn iyo inuu ka noqday oo uu u soo guryo noqday dalkiisa Somaliland, sidaas oo kalena waxa la isweydiinayaa sababta ay xukuumadu uga hadli weyday socdaalka siyaasigan miisaanka leh. Waxaana la eegayaa inay xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo sidii xukuumadii Madaxweyne Rayaale afka ka xidhato socdaalka Cismaan-Kaluun iyo inay umadda u soo bandhigto ujeedada rasmiga ah ee uu Hargeysa ku yimid.
Wargeyska Madaxa Banaan ee Geeska Afrika oo ka soo baxa Hargeysa.
